Sign in to follow this  
malistar2012

United Arab Emirates joins list of Countries arming SFG congrats

Recommended Posts

Dowladda Oo La Wareegtay Deeq Isugu Jirta Gawaari Ciidan iyo Darees Oo Imaaraadka Carabta Ka timid “Sawirro”

Published on November 16, 2013 by Mohamed White-ka · No Comments · 1,980 views

 

 

10 gaari oo kuwa ciidamada ah 4 gaari oo ah kuwa madaxda ay kusocdaan oo aan xabaduhu kareyn, 2 dab damis 1 ambalaas iyo 5 kun ooo dareeska ciidamada ah ayey dowlada imaaraadka ugu deeqday dowlada Soomaaliya, waxa ayna usoo wakiilatay inuu deeqdaasi gaarsiiyo safiirka u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Cismaan, iyadoo uu kala wareegay Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/kariim Xuseen Guuleed.

 

munaasabado agabkaasi lagula kala wareegayay ayaa waxa ay kakala dhaceen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Dekada Muqdisho iyo xarunta safaarada Imaaraadka ee Soomaaliya ay ku leedahay, waxaana goob joog ka ahaa munaasabadahaasi uu Wasiirka Arrimaha gudaha ugala wareegayay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya, Agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakii ka tirsan ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugida,

 

Mudane C/kariim Xuseen Guuleed ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay deeqdan isugu jirta gaadiidka iyo dareeska Ciidamada, waxa uuna tilmaamay inay wax badan ku soo kordhin doonaan sugidda ammaanka dalka.

 

“Deeqdaan waxa tahay mid sare u qaadayso sugidda amniga, aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaya sida madaxda Imaaraadka ay u daneyneyso nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku daray.

 

Danjiraha Dowlada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya u fadhiya Maxamed Cusmaan ayaa ka hadlay isna deeqda ay dowladiisu ugu talagashay Dowladda Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta amniga dalka, isagoo xusay in ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

 

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa 10 gaari ee tiknakada ah labada dabdamis halka ambalaas iyo dareeska ciidamadaa ku kala wareejiayay agaasimaha hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka iyo saraakiisha ciidamada booliska ee goob joog ka ka ahaa munaasabada ay dowlada imaaraadka ugu wareejineysay dowlad soomaaliya deeqda ay ugu tala gashay, iyadoo 4ta gawaari ee kuwa madaxda ahna ay Wasaaraddu la wareegtay.

 

Dowlada imaaraadka waxa ay kamid tahay dowladaha cilaaqaadka wanaagsan ee saaxiibtinimo uu kala dhaxeeyo Soomaaliya gaadiidka iyo qalabka ciidan ay dowladdu gudoonsiisayna waxa ay qeyb katahay talaabooyinka kor u qaadayo xiriirka labada dal oo ay imaaraadku ku dooneyso inay ku caawiso Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this