Dalmar1 Posted November 10, 2013 Hargeysa, November 10, 2013 (Haatuf) – Rag hubaysan ayaa la sheegay inay shalay weerar ku soo qaadeen guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed. Sida ay Wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen dad xogogaal ah, kuwaas oo tilmaamay in saddex nin oo walaalo ahi ay weerar kula beegsadeen Huteelka Lake Asal ee xaafadda Shacabka ee Magaaladda Hargeysa. Saddex-da nin ee soo weerar Maxamed Kaahin ayaa mid ka mid ah ayaa la sheegay inay markii hore is afdhaafeen, kaas oo sida ay Haatuf u sheegeen dad wakhtigaasi goob-joog ahaa ku ay tilmaameen in hadalo kul-kulul oo ku yidhi waar Ina Kaahinow maad nooga dhex bixi la’dahay anaga iyo Muuse Biixi (Guddoomiyaha Kulmiye), ka dib markii uu hadalkii ka sii xumaadayna uu mid ka mid ah saddexdaas nin uu u dhaqaaqay xaga baabuurkiisa, kaas oo qori daba-laab ah kala soo baxay, isagoo ula soo dhaqaaqay halkii uu Guddoomiye ku xigeenka Kulmiye joogay, una cabaystay qorigii. Ma Jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Bileyska iyo ragii weerarka qaaday toona oo ku saabsan dhacdadaasi inay ka hadlaan. Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale Xaafadda Jigjiga yar ee Magaaladda Hargeysa uu nin hubaysani rasaas ku furay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Mudanayaasha Wakiiladda, kaas oo aakhirkii ay ciidanka Bilaysku ninkii Xildhibaanka weeraray ay xabsiga u taxaabeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites