Sign in to follow this  
malistar2012

SFG facilitated three days National Health Conference Ends With Success.

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya oo Galabta Soo Xiray Shirweynihii Caafimaadka ee ka Socday Muqdisho “Sawirro”

 

 

Shirweynihii caafimaadka dalka oo mudada sedaxda maalin ka socday magaalada muqdisho ayna ka qeyb galayeen quburo iyo xirfadlayaasha caafimaadka ayaa waxaa laga soo saaray shan qodob oo saldhig u noqonaya horumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya,kaddib aragtiyo iyo doodo kala duwan oo ay isku geeyeen xirfadlayaasha,quburada caafimaadka iyo wasaarada horumarinta adeega bulshada,waxaana gunaanadkii maanta ka soo qeyb galay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirka wasaarada horumarinta adeega bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed, wasiir ku-xigeenka wasaarada horumarinta adeega bulshada Maxamuud Macalin Yaxye, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya,ergadii shirka ka qeyb galeysay iyo marti sharaf kale.

 

Dr khaliif Bille Maxamuud oo kamid ah quburada caafimaadka ee ka qeyb gashay shirweynaha caafimaadka ayaa ugu horeyn goobta ka aqriyay shanta qodob ee ku aadan horumarinta caafimaadka dalka,kuwaa oo kasoo baxay doodihii iyo aragtiyadii ay is-dhaafsadeen ergadii shirka ka qeyb gashay.

 

Qodobada ka soo baxay shirka ayaa waxaa ka mid ah:-

 

1: In la sameeyo maamulka caafimaadka iyo maareeyntiisa

 

2: In la sameeyo siyaasad iyo istiraatiijiyad caafimaad

 

3: In dib loo habeeyo nidaamka iyo sharciyada caafimaadka

 

4: In la xoojiyo hogaanka iyo maareeynta guud ee caafimaadka

 

5: In la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ay wasaaradda caafimaadku la leedahay hay’adaha si loo helo wada shaqeyn fiican,taasi oo horseed u noqoneeysa ka faa’ideysiga dhaqaalaha kooban ee soo gala dalka xaga caafimaadka.

Drs Maryam Qaasim Axmed wasiirka wasaarada horumarinta adeega bulshada xukuumadda soomaaliya oo ka hadashay xiritaanka shirweynaha ayaa ku cel celisay in dowladda ay muhiimada weyn siineyso caafimaadka,iyadoo horumar ku tilmaantay qodobada shirkan ka soo baxay.

 

Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa madaxweynaha ka codsatay in muhiimad gaar ah la siiyo caafimaadka dalka.

 

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray shirweynaha caafimaadka ee mudada sedaxda maalin ah socday ayaa jeediyay khudbad uu dhowr arrimood kaga hadlayo isagoo balan qaaday in ay muhiimad weyn dowladiisu siin doonto sidii adeeg caafimad oo tayo leh ay dadka soomaaliyeed u heli lahaayeen iyo dhaqan galinta shanta qodob ee saldhiga ah horumarinta caafimaadka dalka oo laga soo saaray shirweynaha caafimaadka.

 

“Waxaan balan qaadeenaa wixii karaankeena ah in aan ku kabno hooyada,canuga iyo waayeelka soomaaliyeed in uu caafimaad helo hadii alle idmo,iyo in qof waliba oo soomaali ah uu meesha uu joogo uu ka helo meel uu daawo u doonto marka uu xanuunsado”Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Dhakhaatiirta iyo quburada caafimaadka ee ka qeyb galay shirweynaha looga hadlayay caafimaadka dalka ee maanta la soo gabagabeeyay ayaa si wadijir ah u qeexay in hadii ay dhaqan galaan shanta qodob ee saldhiga u noqonaya horumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya ee ka soo baxay shirka ay wax badan ka badali doonaan xaaladaha caafimaad xumo ee ka jira Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this