Dalmar1 Posted November 7, 2013 Gudoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe Yussur Abraar oo is-casishay dhawr maalmood ka hor oo caawa soo gaartay Magaaladda ay degan-tahay ee Washington-D ayaa Dawladda Mareykanka iyo Wadamadda Reer Yurub ku cadaadinayaan inay been-abuur ku tilmaanto inay is-casishay,maadaama ay arintaasi sababi karto in deeqihii Dawladda Federaalka la siin lahaa la xanibo. Lama yaqaan Yussur culeyska lagu saaray arintan inay laaban-doonto is-casilaadii ay Email ahaanta ugu gudbisay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Culusoow. Hadii ay inkirto Yussur inay is-casishay qaadaatana go'aanka Mareykanka iyo Reer-Yurub kula taliyeen,markaas waxaa neef ka soo fuqi-doonto Xukuumadda Federaalka oo jeclaan-laheyd inay been-abuur ku tilmaanto inay is-casishay si deeqihii Reer Yurub ugu deeqeen Xukuumadda aan loo hakin. Maalmaha soo socda ayaa la kala ogaanaya inay mawqifkeedii hore bedesho Yussur Abraar,been-abuurna ku tilmaanto is-casilaadii ay qoreen Wakaaladaha Wararka Caalamka si aan loo hakin dhaqaalaha Wadamadda deeqda bixiya ay siiyaamn xukuumadda curdanka ah ee iyagoo aan 2-sanno dhameysan lagu shaabeedeeyay musuq-maasuq iyo inay u taliyeen kooxo,xigto iyo xididna isku ah oo isu baheystay Xatooyo Xoolo Dadweyne. Waxay u badan-tahay inay aqbasho ama inay ka hortimaado cadaadiska la dulsaaray Yussur oo iyadu noqotay shaqsi ku duyasho mudan,maadaama ay diiday in saxiixeeda iyo qalinkeeda Malaayiin-Doolar lagu dhaco Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mahiigaan Posted November 7, 2013 " waxay u badantahay inay aqbasho ama inay ka hortimaado cadaadiska la dulsaaray". Kkkkk Maxaaba u dhexayn kara labadaas?. Quote Share this post Link to post Share on other sites