Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Saado Cali sides with Puntland over Khatumo.

Recommended Posts

DHAGEYSO COD:— Xildhibaan Saado Cali: “Sool,Sanaag iyo Cayn Puntland ayay ka mid yihiin,Xildhibaanadana waa Lasoo Xulayaa”

 

Xildhibaan Saado Cali Warsame oo warbaahinta gudaha la hadashay ayaa ugu baaqday murashaxiinta doorashada Puntland inay si nabad-gelyada ku tartamaan, “waxaan ugu baaqayaa murashaxiinta in ay doorashada nabad-gelyo ah galaan, islamarkaasna iska ilaaliyaan hadalada deel-qaafka ah.”

 

Saado Cali Warsame ayaa sheegtay warbaahinta inay ka maqashay hadalo aysan jeclaysan oo ay ka mid tahay gaadiid ciidan oo musharixiinta Puntland ay la soo dageen, waxaana ay ka codsatay inay ilaaliyaan sharciga u dagsan Puntland.

 

Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ka mid ah Xildhibaanada dowlada Soomaaliyeed u matala beelwaynta *********** ayaa waxay kaloo warfidiyeenada u sheegtay in Isimada beelwaynta *********** aysan isku raacsanayn hadal dhowaan kasoo yeeray qaar ka mid ah Isimada Sool iyo Cayn oo salka ku hayay inaysan soo magacaabi doonin Xildhibaanada beelwaynta *********** u matalaya Golaha Wakiilada cusub ee Puntland.

 

Saado Cali ayaa sheegtay inay jiraan Isimo ka fikir duwan Isimadii dhowaan la hadlay Warfidiyeenada, beelaha daga Sool, Sanaag iyo Cayn ay ka mid yihiin Puntland.

 

‘’ Isimo kale ayaa jira oo aan la socon arrinta ay ka hadleen, hadii ay jiraan kuwo diiday inta joogta ayaa masuul ka noqon doonta, sidaas ayaa Xildhibaanada lagu soo xulayaa oo ay ku iman doonaan’’ayay tiri Xildhibaan Saado Cali Warsame.

 

Mar ay ka soo hadal qaaday shirkii ka dhacay Taleex ayay sheegtay in ujeeda laga lahaa shirkii Taleex ay ahayd in beelwaynta *********** oo kaashanaya maamulka Puntland ay iska dulqaadan dhibaatada Soomaaliland ay ku hayso deegaanka, hasa yeeshee ay ujeedada shirka marin habaabiyeen dad dano gaar ah ka lahaa oo aan wax u qaban dalka iyo dadka.

 

‘’Niman dan leh oo dalka iyo dadka aan u danaynayn,Mashruuc soo qaatay ayaa yimi si kale u rogay,magaca Khaatumo la yiraahdo ayay la baxeen,magaca Khaatumo meelna kama khuseeyo ***********,deegaan ahaan,taariikh ahaan iyo nasabiyad ahaan’’ayay tiri Xildhibaan Saado Cali oo intaas ku dartay ‘’Maamulka iyo Puntland waa kala duwan yihiin,hadayn maamulka wax ka tabanayaan Isimadu waa in si gobonimo ah inay ula hadlaan maamulka,waxaa jira Isimo kale oo Puntland ah inay waxay tabanayaan u sheegtaan ayaa qurux badan,laakiin in afka la buuro laga wannaagsan’’.

 

Waxay ka codsaday Isimada hadlay inay soo xulaan Xildhibaanada u matalaya Puntland, ayna toosiyaan waxa ay ka tabanayaan maamulka Puntland.

 

‘’Adigoo nimco haysta Colaad ha u istaagin,adigoo Caafiamad haysta Cudur ha raadsan, maamulku ha saxo waxa beelwaynta *********** ay ka tabanayaan’’Sida waxa tiri Saado Cali.

 

Dhowaan sawiro uu daabacay webka Puntlandi waxa kasoo muuqday Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo si wayn loogu soo dhoweeyay Taleex iyo Axmed Garaash oo ah ka mid ah Madaxweynayaasha maamulka dhowaan looga dhawaaqay Taleex oo dhinaca fadhiya Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire.

 

Si kastaba ha ahate,arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland laga dareemayo olole xoogan oo loogu jiro xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah :- Madaxweyne ku Xigeena Puntland oo Gaaray Degmada Tukaraq ee Gobolka sool

 

Waxaa Goor Dhweyd Gaaray degmada Tukaraq ee Gobolka sool wafdi culus uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Gen:c/semed cali shire.

 

1396924_381511401979536_1124897680_o.jpg

 

 

Wafdiga Madaxweynaha ayaan walli la xaaqijin sabaabta ay uu gaadhen degmadaas balse warar Xoogagal ah oo ay Saadaal Media Ka heleyso Wafdiga madaxweynaha ayaa sheegaya In uu u tagey arrimihii Kormeerida deeganada Hoostaga Gobolka sool ee uu dhawaan ku maraayey deeganadaas.

 

Waxaana la rajaynayaa in Madaxweynaha oo lasoo laabto halkaas waxaana inta uu joogo kulamo la qaadan Doona Odayaasha iyo Waxgaradka Tukaraq wuxuna kala hadli doona arimo badan oo ku saabsan xaalada Degaanka iyo Arimo kale.

Wixii kuso Kordha lasoco

 

Madaxweyne ku Xigeena Puntland Gen:c/semed cali shire will he reach LA ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Seems Abdisamad ali shireh is overwhelming the Khatumites but i think its the election season which will fade away after the elections are over, it seems that many in eastern sool are still allied to Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;984949 wrote:
Seems Abdisamad ali shireh is overwhelming the Khatumites but i think its the election season which will fade away after the elections are over, it seems that many in eastern sool are still allied to Puntland.

 

Where does this leave Somaliland ? the border issue . what country has no border ?:confused: shit just gets more complicated for Hargesa admin claim .

Share this post


Link to post
Share on other sites

No problem at all the practical border between SL and the Puntland remains tukaraq and the 2 have some understanding on that. Somaliland has borders., there is no complication. Abdisamad was one of the co founders of the Somaliland police forces.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this