Sign in to follow this  
malistar2012

Yaasiin Maaxi: Soomaaliya waa cusub ayaa u baryay

Recommended Posts

mahi.jpg

 

Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed ee (SSUP) Mudane Yaasin Maaxi Mo'allin oo amaan xoogan u jeediyay Madax Dowlada Somalia oo uu ku tilmaamay Saddex Mas'uul oo Dalkooda Iyo Dadkooda u istaagay taasna ay ku timid Guulaha Taariikhiga ah & Madaxda Dalka Somalia soo gaaraya.

 

Mudane Maaxi ayaa Guul Taariikhi ah ku tilmaamay Wafdiga uu hogaaminayay Ku-xigeenka Xogaha Guud ee Qaramada Midoobey Jan Eliasson ee booqday Muqdisho & Xafiiska Cusub ay ka fureyn Magaalada Caasimada ee Muqdisho waxuuna ku tilmaamay Mudane Jan Eliasson in uu yahay Shaqsi mar walba ku hamin jiray in Somalia ay mar kale lugaheeda ku istaagto waxuuna ka sheekeeyay aqoonta uu u lee yahay Mas'uulkaa ka tirsan Golaha Qaramada Midoobey.

 

"Jan Eliasson waxuu soo noqday Wasiirka Arimaha Dibadda Wadanka Sweden waxaan kaloo kawada tirsaneynay Xisbiga Social Demokratiga Wadanka Sweden waxuu kaloo ahaa Shaqsi in badan igu dhiira geliyay Siyaasada Somalia in aan ka qeyb qaato waxuuna kaloo ka qeyb qaatay Mudane Jan Eliasson Wada hadaladii Maslaxada ahaa ee laga dhex waday Ali Mahadi & Gen Ceydii"

 

"Xaqiiqdii Shaqsi ahaan baan u aqaanaa Mudane Jan Eliasson waxaana aminsanahay in uu kaalin mug leh ka qaadan doono dib u dhiska iyo xasiloonida Dalkeena waxaana mar kasta ka wada hadli jirnay sida ugu wanaagsan ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed loo bad baadin la haa waxaana oran karaa Mas'uulkani in uu yahay Shaqsi Aqoon iyo fikir dheer ka heesta Dalka Soomaaliyeed" ayuu hadalkiisa ku soo kooban Mudane Maaxi.

 

Jan.eliasson-och-Yassin.jpg

 

Dhanka kale Mudane Yassin Maaxi ayaa ka hadlay Go'aanka Geesinimada leh iyo Shaqada Culus ay hayaan Guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya waxuuna Yaasin Maaxi Hambalyo iyo Bogaadin u jeediyay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ku-xigeenadiisa Koowaad iyo Labaad iyo Xildhibaanada Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya her gelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee la filaya in Jun 2014 la diiwaan geliyo.

 

"Waa arinka kaliyah ee wax badan lagu wada qaban karo dhanka Xisbiyada Siyaasadeedyada ee la doonaya in la diiwaan geliyo waxaan aminsanahay in wax badan uu ka badali doono dalka oo ah dhanka horumarka iyo dhanka siyaasadaba"

 

Ugu Dambeyntii Gudoomiyaha Xisbiga "SSUP" Mudane Yaasiin Maaxi ayaa ku tilmaamay Safarka Maanta ee Wafdiga uu hogaaminayay Ku-xigeenka Xogaha Guud ee Qaramada Midoobey Jan Eliasson ee maanta booqday Muqdisho Xafiis Cusubna furay in Dalka

 

 

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this