MoonLight1 Posted October 27, 2013 INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN: Allaha u naxariistee waxaa isbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ku geeriyooday wariye Maxamuud Maxamad Tima-Cadde,oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalyay halkaasi. Tima-Cadde ayaa ka mid ahaa weriyayaasha ka howl gala xafiiska Tv-ga Universal ee magaalada Muqdisho ayaa kooxo hubeysan waxa ay maalintii talaadada oo ay taariikhdu aheyd 22kii bishan dhaawac khatar ah ugu geysteen degmada wada jir ee magaalada Muqdisho. WariyeTima-Cadde ayaa shantii maalmood ee la soo dhaafay waxaa xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay isbitaalka madina. Wariye Tima Cadde ayaa waxaa lagu wadaa in lagu aaso Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qeybgalaya madax ka tirsan dowlada Soomaaliya bulshada Soomaaliyeed iyo wariyayaasha.. Horseed Media 2013. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted October 27, 2013 This is the list of journalists killed in 2012 Janaayo 28-deedii: Qof hubaysan oon la garanaynin ayaa toogtay dilayna Xasan Cusmaan Cabdi oo loo yaqaanay Xasan Fantastic , meel u dhaw gurigiisa oo ku taala degmada Wadajir, oo ah koonfurta Muqdisho. Wuxuu ahaa madaxa hay’ada maxada banaan ee Shabelle Media Network. Madaxwaynihii hore ee Sharif Sheekh Axmed ayaa sheegay in al-Shabaab in ay mas’uul ka tahay dilka Cabdi. Feebaraayo 28-deedii: Qof hubaysan oon la garanaynin ayaa toogtay dilayna Abuubakar Xasan Kadaf, oo ahaa madaxii hore ee Idaacada Soomaaliwayn , meel duleedka gurigiisa ah ee Muqdisho. Maarso 4-teedii: Wariye Cali Axmed Cabdi ayaa lagu toogtay laguna dilay aaga Gaalkacyo waqooyogeeda isaga oo gurigiisa u socda kana yimid Raadiyo Gaalkacyo oo uu u shaqanayay. Abriil 5-teedii: Dad hubaysan oo aan la garanaynin ayaa dilay Mahad Salaad Aadan kuna dilay Baladwayne , isaga oo ahaa tafatiraha Codka Hiiraan oo ah radiyo maxali ah ahaana wariye u shaqeeya Raadiyo Shabeele oo muqdisho ku yaala. Wuxuu ka soo warami jiray dagaalada dhax mara al-Shabaab iyo kooxda Ahlu Sunna wal Jamaa oo dawlada la jaalka ah. Maajo 3-deedii: Dad madaxa dooban oo hubaysan ayaa toogtay dilayna Farxaan Jeemis Cabdulle, oo ahaa wariye ka shaqeeya Raadiyo Daljir ee Gaalkacyo , isaga oo gurigiisa u socda. Maajo 24-teedii: Dad hubaysan oo la garanaynin ayaa toogtay Axmed Cadow Canshuur oo ka tirsanaa Shabelle Media Network meel u dhaw gurigiisa oo ku yaala xaafada Dharkeenlay ee Muqdisho. Jululaay 7-deedii: Cabdiqaadir Cumar Cabdulle, oo ahaa wariye ka shaqeeya Universal TV ee sida gaarka ah loo leeyahay , ayaa afar jeer xabbad ku dhufteen dad aan la aqoonin oo hubaysan meel u dhaw gurigiisa oo ku yaala xaafada Madiina ee Muqdisho, laakiinse wuu ka samatabaxay. Juulaay 31-deedii: Wariyaha Soomaaliyeed ahaana maadayste Cabdi Malaaq Jaylaani, loona yaqaano Maarshaale , ayaa si halis ah toogu toogtay gurigiisa hortiisa ee degmada Waabari ee Muqdisho. Jaylaani ayaa u shaqaynayay dhawr xarumo idaacadood iyo talefishin, isaga oo ka qayb qaatay wax ka sheegida al-Shabaab. Agoosto 12-keedii: Wariyaha ruug cadaaga ah, ahaana maamulaha xidhiidhka warbaahinta ee Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaadhsiinta Yuusuf Cali Cusmaan ayaa dilay nin aan la garanaynin kuna dilay xaafada Dharkaynlay . Wariyaha Codka Dimuuquraadiyada Maxamuud Beneyste , oo 22 jir ahaa ayaa la dilay galabtii isaga oo sawirro ka qaadaya meel u dhaw Garoonka Muqdisho. Sebtember 16-keedii: Dad aan la garanaynin ayaa dilay Sakariye Maxamed Maxamuud Macalin oo ahaa qof madax banaan oo wax duuba , muqdisho ayaana lagu dilay . Sebtember 20-keedii: Labo is qarxin ayaa dishay ugu yaraan 14 qof, dhaawacdayna 20 kale iyaga oo jooga mukhaayad ku taala Muqdisho. Sadex wariye ayaa lagu dilay weerarkaas : Liibaan Cali Nuur, oo ahaa madaxa qaybta wararka ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed; Cabdisatar Daahir Sabriye, madaxa barnaamijta ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed; iyo Cabdiraxmaan Yaasiin, madaxa Codka Dimuuquraadiyada oo ah xarun idaacadeed oo madax banaan. Wariye afraad oo ah Xasan Yuusuf Absuge oo ka shaqeeya xarunta idaacada maxada banaan ee Raadiyo Maanta, ayaa kadib la dilay markii uu war ku saabsan ismiidaamaynta soo diray. Sebtember 27-deedii: Jidh madaxa laga joogay oo ahaa Wariayaha ciyaaraha ee Cabdiraxmaan Maxamed Cali ayaa laga helay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Cali ayaa waxaa qafaashay rag hubaysan meel u dhaw Suuqa Hilibka horaantii maalintaas. Wuxuu u shaqaynayay websitka wararka ciyaaraha ee Ciyaaraha Maanta. Sebtember 28-deedii: Dad aan la garanaynin ayaa toogtay dilayna Axmed Fabdullahi Faarax , oo 32 jir ahaa kana shaqaynayay Hay’ada Wararka ee Yamen, waxaa lagu dilay xaafada Dharkaynlay. Oktoobar 21-keedii: Laba nin oo hubaysan oon la garanayn ayaa xabadka ka toogtay wariyahaShabakadda Warbaahinta Shabeelle Maxamed Maxamuud Tuuryare xilli uu ka soo baxay masaajid ku yaalla Muqdisho salaaddii Maqrib kaddib. Tuuryare wuxuu dhaawacyada soo gaaray ugu geeriyoodayisbitaal ku yaalla Muqdisho Oktoobar 28-keedii. Oktoobar 23-keedii: Rag hubaysan ayaa toogasho ku dilay Axmed Faarax Ilyaas oo magaalada waqooyi ee Laascaanood uga shaqaynayay taleefishanka madaxa bannaan ee saldhiggiisu yahay London ee Universal TV. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted October 27, 2013 Wariye ka howlagala magaalada Muqdisho oo ka badbaaday isku day dil iyo kooxihii dili rabay oo… Mid ka mid ah wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya oo labo maalin ka hor ka badbaaday isku day dil ayaa sheegay in hadda ay ******** sida uu yiri heybta kooxihii doonayey inay dililaan ka dib baaritaano dheer oo ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Yaasiin Maxamed Cali {Yaasiin Feyte} oo ah wariyaha ka badbaaday isku dayga dilka ah ayaa sheegay in kooxo doonayey inay dilaan uu hadda ogaaday waxa ay ahaayeen iyo sababta ay u doonayeen inay dilaan, inkastoo uu diiday inuu sheego magacyadooda iyo halka ay ka soo jeedaan kooxahaasi, balse waxa uu xusay in arrimo dhaqaale ay isku heysteen kooxaha doonayey inay dilaan. Wariye Yaasiin Feyte waxaa kale oo uu sheegay in markii uu ka badbaaday isku dayga dilka ah uu xiriir la sameeyay hay’adaha nabadgelyada dowladda Soomaaliya kuwaas oo baaritaano dheeri ah oo ay sameeyeen ku ogaaday waxa ay ahaayeen kooxihii dilka u geysanrabay, wuxuuna intaasi ku daray wariye Faytin in weli ay socdaan baaritaano la xiriira cidda soo adeejisay kooxaha dili-rabay. “Ka dib baaritaano dheer oo ay sameeyeen ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu ogaaday halka ay ka yimaadeen kooxihii doonayey inay i khaarajiyaan, waxayna dababda la galeen kooxahaasi dad aan isku heysanay arrimo dhaqaale, kuwaas oo ay noo socotay dacwad, balse go’aansaday inay idilaan ka hor inta aysan dacwadda dhamaanin, balse Alle mahadii waan ka badbaaday dhagartii ay ila damacsanaayeen ” ayuu yiri Wariaye Yaasiin Feyte. Quote Share this post Link to post Share on other sites
spartacus Posted October 27, 2013 Police in Somalia have stormed the Mogadishu headquarters of the independent radio station, Shabelle, forcing it off the air. http://www.bbc.co.uk/news/world-africa-24685989 Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted October 27, 2013 wariye maxamed ibrahim raage Wariye Axmed Sakiin Faarax (gunned down in Lascanod) Warie Axmed Caddow Canshuur Wariye Maxamed Cali Buneyste wariye Cabdi Xareed Cusmaan Adan Wariye Cali Axmed Cali wariye C/llaahi Axmed Geedi (Gunned down in Galkacyo) Wariye C/Xareed Cismaan. Wariye C/salaan sheekh xasan Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted October 27, 2013 Sanadkii 2012. Oct. 29-2012 Muqdisho ayaa lagu dilay Abwaan Warsame Shire Cawaale oo ka tirsanaa qeybta Majaajilada ee Radio Kulmiye. Oct. 28-2012: Maxamed Maxamuud Tuur Yare ayaa Muqdisho ugu Geeriyooday Dhaawac Loogeystay Dartii. Oct. 23: Laascaanood ayaa lagu dilay Ahmed Saakin Farah, oo wakiil wareed TV-ga Universal ugu ahaa Gobolka Sool. Sept. 28-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Ahmed Abdullahi Fanah, oo ahaa Wariye u shaqeynayay Wakaalada Wararka ee Yemen SABA. Sept. 27-2012: waxaa Muqdisho laga helay Meydka Wariye Abdirahman Mohamed Ali oo madaxa ka go’an oo ahaa wariye qora Ciyaaraha ama Sportiga. Sept. 21-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Hassan Yusuf Absuge, oo u shaqeynayay Idaacada Maanta Sept. 20-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Abdirahman Yasin Ali oo ahaa agaasimaha Radio Xamar ayaa ku geeriyooday weerar is qarxin ah. Sept. 20-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Abdisatar Daher Sabriye oo ahaa wariye ka tirsan Radio Muqdisho ayaa ku geeriyooday weerar is qarxin ah. Sept. 20-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Liban Ali Nur, oo ahaa madaxa wararka Telefishinka Qaranka, iyo Radio Muqdisho ayaa ku geeriyooday weerar is qarxin ah Agust 11,2012, Muqdisho waxaa lagu dilay Mahamud Ali Buneyste,freelance Aug. 12-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Yusuf Ali Osman, oo ahaa wariye rug cadaa ah oo ka tirsanaa Wasaarada Warfaafinta. July 31-2012:: Abdi Jeylani Malaq (Marshaale), Muqdisho ayaa lagu dilay oo ahaa majaajiliiste ka Tirsan Idaacadda Kulmiye. May 23-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Ahmed Addow Anshur oo ahaa Barnaamij soo saare Idaacada Shabelle May 2-2012:: Gaalkacyo Muqdisho ayaa lagu dilay Farhan Jeemis Abdulle. April 5-2012:: Baladweyne ayaa lagu dilay Mahad Salaad Aden, oo ahaa wariye u soo waramayay Idaacada Shabelle. March 4-2012:ayaa la Dilay Ali Ahmed Abdi oo ahaa wariye ka shaqeynayay Radio Galkacyo. Feb. 28-2012:: Muqdisho ayaa lagu dilay Abukar Hassan Mohamoud oo ahaa Agaasimihii Idaacadii Somaliweyn magaalada Muqdisho. Jan. 28-2012: Muqdisho ayaa lagu dilay Hassan Osman Abdi oo ahaa Agaasimihii Idaacada Shabelle. Sanadkii 2011. August 4, 2011, Muqdisho ayaa lagu dilay Farah Hassan Sahal, oo ka Tirsanaa Radio Simba Muqdisho. December 18, 2011, Muqdisho ayaa lagu dilay Abdi salan Sheikh Hassan Xiis , oo ka tirsanaa TV-ga HCPTV. Sanadkii 2010. May 4, 2010, Muqdisho ayaa lagu dilay Sheikh Nur Mohamed Abkey, oo ka Mid ahaa qabiir saxaafadeed kana howlgala Radio Mogadishu. August 24, 2010, Muqdisho ayaa lagu dilay Barkhat Awale, ka Tirsanaa Hurma Radio. August 31, 2010, Muqdisho ayaa lagu dilay Abdullahi Omar Gedi, oo ka Tirsanaa Radio Daljir. Sanadkii 2009. January 1, 2009, waxaa lagu dilay Afgoye Hassan Mayow Hassan, Radio Shabelle February 2, 2009, muqdisho ayaa lagu dilay Said Tahlil Ahmed, HornAfrik May 22, 2009, muqdisho ayaa lagu dilay Abdirisak Mohamed Warsame, Radio Shabelle May 26, 2009, waxaa lagu dilay magaalada baladweyne Nur Muse Hussein, Radio IQK June 8, 2009, waxaa lagu dilay magaalada muqdisho Mukhtar Mohamed Hirabe, Radio Shabelle July 4, 2009, waxaa lagu dilay magaalada muqdisho Mohamud Mohamed Yusuf, Radio IQK December 3, 2009, waxaa lagu dilay magalada muqdisho Abdulkhafar Abdulkadir, freelance December 3, 2009, waxaa lagu dilay muqdisho Mohamed Amin, oo ka Tirsanaa Shabelle Media Network. December 3, 2009, waxaa lagu dilay Mogadishu Hassan Zubeyr, oo ka Tirsaa TV-ga Al-Arabiya. Sanadkii 2008 January 28, 2008, waxaa lagu dilay Kismayo Hassan Kafi Hared, Somali National News Agency June 7, 2008, waxaa lagu Kismayo Nasteh Dahir Farah, BBC-somali Sanadkii 2007 February 16, 2007, waxaa lagu dilay Baidoa Ali Mohammed Omar, Radio Warsan May 5, 2007, waxaa lagu dilay Galkayo Mohammed Abdullahi Khalif, Voice of Peace May 16, 2007, waxaa lagu dilay Jowhar Ahmed Hassan Mahad, Radio Jowhar May 16, 2007, waxaa lagu dilay Jowhar Abshir Ali Gabre, Radio Jowhar August 11, 2007,waxaa lagu dilay magaalada muqdisho Mahad Ahmed Elmi, Capital Voice August 11, 2007, ayaa muqdisho lagu dilay Ali Sharmarke, HornAfrik August 24, 2007, waxaa lagu dilay Bardera Abdulkadir Mahad Moallim Kaskey, Radio Banadir October 19, 2007,ayaa muqdisho lagu dilay Mogadishu Bashiir Noor Gedi, Radio Shabelle. Sanadkii 2005 June 5, 2005,waxaa lagu dilay Afgoye Duniya Muhyadin Nur, Capital Voice Sanadkii 2003 January 24, 2003, waxaa lagu dilay Baidoa Abdullahi Madkeer, DMC Radio Sanadkii 2000 January 26, 2000, waxaa lagu dilay muqdisho Ahmed Kafi Awale, Radio of the Somali People Dhanka kale waxaan idiin Soo gudbinayaa qaar ka mid ah Wariyaasha ajaaniib ahaa ee lagu Dilay Soomaaliya Gaar ahaan magaalada Muqdisho. Sanadkii 2011 September 2, 2011, muqdisho ayaa lagu dilay Noramfaizul Mohd, Bernama TV Sanadkii 2006 June 23, 2006, waxaa lagu dilay Mogadishu Martin Adler, freelance. Sanadkii 2005 February 9, 2005, waxaa lagu dilay muqdisho Kate Peyton, BBC Sanadkii 1995 February 9, 1995, waxaa lagu dilay Muqdisho Marcello Palmisano, RAI Sanadkii 1994 March 20, 1994, waxaa lagu dilay Muqdisho Ilaria Alpi, RAI-3 Television March 20, 1994, waxaa lagu dilay muqdisho Miran Krovatin, RAI-3 Television August 31, 1994, waxaa lagu dilay Baidoa Pierre Anceaux, freelance Sanadkii 1993 June 18, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho Jean-Claude Jumel, TF-1 July 12, 1993,waxaa lagu dilay muqdisho Hosea Maina, Reuters July 12, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho Dan Eldon, Reuters July 12, 1993,waxaa lagu dilay muqdisho Anthony Macharia, Reuters July 12, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho Hansi Krauss, Associated Press. Quote Share this post Link to post Share on other sites
D.O.C Posted October 27, 2013 I ask allah SWT to grant these heroic individuals to janna and those who committed these hideous crime, may allah brought them to his justice in this world and hereafter. WHY? Moqudisho is a graveyard......................! Quote Share this post Link to post Share on other sites