Sign in to follow this  
malistar2012

Feysal Cali Waraabe oo ku qeylo dhaamiyay in dilkiisa la qorsheynayo...seriously

Recommended Posts

Eng. Feysal Cali Waraabe oo ah gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee Somaliland ayaa qeylo dhaan cusub afka furtay, isagoo ciidamada Booliiska Somaliland iyo madaxtooyada ku eedeeyay inay ka danbeeyeen rasaas lagu furay mudane xilidhibaanada baarlamaanka SOmaliland ka tirsan.

 

Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id Hargeysa ku qabtay ayaa ka dhawaajiyay inuu bar garanayo ruuxii falkaas ku kacay, waxa uuana yiri isagaoo arintaan ka hadlayay

 

“Waxaan waa ay iska cad yihiin cida geesatay waa booliska, anniguna markii aan la hadlay Universal TV, waxaa ii hanjabay mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada, arrintan waa caburin, waxaana dalkan u baahan yahay badbaado” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

 

Eng. Feysal ayaa tilmaamay in Somaliland ay ku socoto wado halis oo u baahan in la badbaadiyo, wuxuuna intaas ku daray in ay xukunka isku baheesteen hal jufo sida uu hadalka u dhigay.

 

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland, Cali Maxamed Waran-Cadde oo wax laga weydiiyay falkii lagu rasaaseeyay mudanaha ka tirsan UCID ayaa sheegay in maalinta berri ah ay ka hadli doonaan.

Feysal Cali Waraabe ayaa dhowr jeer weerar afka ah ku qaaday maamulka uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana taasi ay keentay in laga reebo ergada Somaliland u mataleysay wadahadallada DF Somalia iyo maamulka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this