Sign in to follow this  
malistar2012

R/wasaare Saacid Oo Reer Galbeedka Ka Codsaday Diyaarado Lagula Dagaallamo Alshabaab

Recommended Posts

12102013132631.jpg

 

 

 

Muqdisho, Oct 12, 2013, (Mareeg.com): R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in ciidamada dowladiisu u baahan yihiin qalab milateri oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee helicopters-ka si loo jabiyo Alshabaab

 

 

Saacid oo wareysi siiyey wargeyska The Timse ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay iney gacanta ku dhigto degmada Baraawe ee gobolka Hoose, halkaasoo todobaadkii hore Mareykanku weerar fashilmay kula beegsaneen sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab.

 

R/wasaare Saacid ayaa sheegay in milateriga Soomaaliya u bahan yihiin diyaarado dagaalka si ay shaqada dagaal degdeg ugu soo gebagebeeyaan, wuxuuna tilmaamay inaan Alshabaab looga adkaan karin hubka ay heystaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Wuxuu Saacid ka codsaday reer galbeedka iney ku caawiyaan milateriga Soomaaliya diyaarado helicopters ah, codsigaas oo kale waxaa horay u jeediyey hogaanka AMISOM iyo ergada Qaramada Midoobay ee Saomaaliya.

 

Magaalo xeebeed Baraawe ayaa la rumeysan yahay iney tahay magaalada ay ku sugan yihiin inta badan hogaamiyaasha Alshabaab, maadaama ay tahay magaalada ugu weyn ee ay gobolka Shabeellaha Hoose ka maamulaan.

 

Alshabaab ayaa sheegtay weerarkii xarrunta ganacsiga Westgate ee Nairobi, taasina waxey dowladda Soomaaliya fursad u siisay iney caalaamka ka codsato in lagu taageero dagaalka ay kula jiro ururkaas.

 

Mareeg.com

 

 

7092787705_ba0ce630e3_c.jpg

 

SAF can do the job with better Military equipment SAF will secure the country , No more African troops period.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this