Sign in to follow this  
malistar2012

Golaha Culimada Soomaaliyeed oo sheegay in la gaaray xalka dalka, kuna baaqay in la is cafiyo +Sawir

Recommended Posts

Golaha Culimada Soomaaliyeed oo sheegay in la gaaray xalka dalka, kuna baaqay in la is cafiyo

 

DSC07899-500x375.jpg

 

 

 

 

Golaha Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in la gaaray xalkii dalka, kadib bayaan ay maanta oo jimco ah ka soo saareen magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqay in kooxihii diinta isku hayay ay kala qeybsameen.

Bayaanka Golaha Culimada ayaa umada Soomaaliyeed ugu baaqay inay is cafiyaan, ayna meel uga soo wada jeestaan kuwa diinta ku qaraabta sida bayaanka lagu yiri.

Golaha Culimada ayaa sidoo kale cadeeyay in al-Shabaab ay beryihii dambe dhexdooda ay is ugaarsanayeen, madaxdoodii ay is leysay, waxaana ay tibaaxeen in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay u istaagaan sidii ay u dabar goyn lahaayeen.

Waxaa kaloo ay ugu baaqeen shacabka inay gacan ku siiyaan ciidamada ammaanka sugida dhinaca nabadgelyada, isla markaana laga hortago kuwa amni darada ka mas’uulka ah.

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ku sifeeyay in dagaalka ay wadaan Al-Shabaab in aanu aheyn mid jihaad ah, isla markaana si qaldan dhalinyarada loogu qaldayo, laguna marin habaabiyay, si loogu qanciyo inay janno galayaan.

Ugu dambeyn Golaha culimada ayaa iftiimiyay sida lagama maarmaanka u tahay in shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan, midnimo ay muujiyaan, si loo soo celiyo sharafkii iyo karaamadii Umada Soomaaliyeed ay laheyd.

 

 

Alshabaab are loosing the heart and mind of the People , Thanks to the great leadership of the SFG .

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

Saxiib,

 

waxaan kugula talin lahaa in aad naftaada kabilowdid, oo aad qaadatid talada culumada ee ah iscafinta iyo ka reebanaanta weerarka afka adinka iyo uurka intaba.

 

Bal waa iga talo, fadlan raac talada fiican ee culumada, maanta kadibna yaan la arkin adigoo bilaabay 'Thread' weerar afka ahna ku qaadaya gobalada aad siyaasda uga soo horjeedid....Khudi-al-Cafwa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this