Sign in to follow this  
malistar2012

Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay in la dhameystiray qorshe lagu weerarayo deegaano ay ka mid tahay

Recommended Posts

Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la dhameystiray qorshayaal ku wajahan sidii deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab looga saari lahaa, kadib shir shalay muqdisho ay ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Saraakiisha ciidamada Milateriga.

 

Xasan_Sheekh_oo_Ciidamada_Amaanay_4.JPG

 

 

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay inuu socdo qorshe lagu weerarayo deegaanada Al-Shabaab dalka kaga sugan tahay, si looga xoreeyo.

 

Wasiirka oo la hadlayay Idaacada afka dowladda ku hadasha ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in aanay marnaba ka gaabin la dagaalanka Al-Shabaab oo uu xusay inay tahay koox Argagixiso oo dhib weyn ku heysa shacabka.

 

"Ciidamada iyo wasaaraduba marnaba kama gaabinin la dagaalanka argagixisada Shabaab, waana waajibka ugu weyn ee na saaran, hadana howlgalada lagu xoreeyay Mahadaay, Buurane iyo Biyocade waxey salka ku hayeen waajibaadkaasi anago dhan na saaran"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi.

 

C/xakiin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada mushaaraadkooda 100% loo dhameystiri doono, isla markaana dhowaan ay heli doonaan qalabkii iyo gaadiidkii ay u baahnaayeen si Al-Shabaab uga xoreeyaan deegaanada dalka.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankii shalay lagu soo qaaday sidii degmada Baraawe oo ka tirsan Shabellaha Hoose oo ah halka ay ku xoogan tahay Shabaab loo weerari lahaa, iyadoo ciidamada dowladda iyo AMISOM ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose.

 

Dhinaca kale Wasiirka gaashaandhiga oo ka hadlay weerarkii Ciidamada Kumandoska Mareykanka ku qaadeen degmada Baraawe uu ahaa mid qorshihiisa ahaa in la soo qabto ama la dilo Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

 

Mr Fiqi ayaa sheegay in aanay marnaba joogsan doonin howl galka lagu bartilmaameedsanayo Saraakiisha Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, isagoo cadeeyay in dalalka ay iskaashiga ka leeyihiin dhinaca amniga ay ka qeyb qaadan doonaan howl galkaas.

 

Habeenkii Sabtida ayay aheyd markii Ciidamo gaarka Mareykanka ay weerareen guri ku dhow xeebta Marka, iyadoo weerarkaas uu noqday mid fashilmay, markii iska caabin xoogan ay kala kulmeen Ilaalo adag oo guriga ku sugneyd.

 

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

golfyare@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay in la dhameystiray qorshe lagu weerarayo deegaano ay ka mid tahay Baraawe

 

 

MDF23773-12-04-2013-15-04-11-492.jpg

C/xakiin Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada mushaaraadkooda 100% loo dhameystiri doono, isla markaana dhowaan ay heli doonaan qalabkii iyo gaadiidkii ay u baahnaayeen si Al-Shabaab uga xoreeyaan deegaanada dalka.

 

 

IMG_6616.jpg

 

"Ciidamada iyo wasaaraduba marnaba kama gaabinin la dagaalanka argagixisada Shabaab, waana waajibka ugu weyn ee na saaran, hadana howlgalada lagu xoreeyay Mahadaay, Buurane iyo Biyocade waxey salka ku hayeen waajibaadkaasi anago dhan na saaran"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi.

 

 

SFG Troops are ready to liberate Barawe and the remaining regions interesting days are ahead ..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this