wyre Posted October 7, 2013 Nin reer miyi ah baa maalin masaajid soo galay si uu ugu tukado. Imaamkii oo wax wacdiyaya baa yidhi: "Ninkii xoolo sadaqo ah bixiya waa loo toban jibbaaraa Xariifkii reer miyiga ahaa xogaa xayn ah uu haystay buu wadaadkii siiyey si uu 10X oo xoolo ah u helo. Muddaa ka soo wareegtey xolihii uu sugayeyna fara kuma jiraan. Gaajo iyo darxumo ayaa ninkii la soo deristey, ka dibna waxaa ku dhacay calool xanuun Ninkii markii dambe iska bogsey xolihii intii yarayd ee uga soo hadhayna aad bay ugu tarmeen. Maalintii dambe ayuu masaajidkii ku soo noqday. Sheekadii ahayd haddaad sadaqadaysato xoolo 10x bay kuu kordhayaan buu maqlay. Nin agfadhiyay baa ku yaboohay inuu sadaqadaysanayo xoolihiisa. Ninkii reer miyiga ahaa baa ku yidhi kii xoolaha bixinayey:" Waa run oo xooluhu waa kuu tarmayaan, laakiin calool xanuun baa ka horreeya ee la soco Quote Share this post Link to post Share on other sites