MoonLight1 Posted October 7, 2013 Warar hoose ayaa si dar darleh u soo baxaya kuwaas oo ku waramaya in Raiisul wasaarihii hore Soomaaliya Dr Cumar C/rishiid Cali Sharmaarke uu ku dhawaaqayo waqtiyada soo socda in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne nimada Puntland. Cumar C/rishiid Cali oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi xarunta dalkaasi Kenya ayaa la sheegay in uu halkaasi u joogo howlaha diyaarinta ku dhawaaqistiisa musharax u taagan xilka madaxweyne nimada Puntland sanadka soo socda dhici doonta. Inkastoo aanu weli ka hadlin Mr Sharmaarke warkan soo baxay ee ku aadan in uu u taaganyahay xilka madaxweyne nimo ee Puntland ayaa hadana warar la isku haleyn karo laga soo xiganayaa dad aad uga agdhow siyaasiga, waxaana ay intaasi ku darayaan xaqiijintooda dadkas in uu ku guda jiro kulamo iyo kala warqaadasho uu la sameynayo dadka ehelka u ah siyaasada Puntland ka dibna uu si rasmi ah ugu dhawaaqayo in uu yahay musharax. Cumar C/rishiis Cali Sharmaarke waxa uu raiisul wasaare ka soo noqday Xukuumadii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ee Kumeelgaarka aheyd taas oo uu ka soo qaatay dowr muhiim ah, waxaana uu mudooyinkii ugu dambeeyay heer muuqda ku lahaa aas aaskii Maamulka Hana qaaday ee Juba State madaxweynana loogu doortay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Hadii si loo eego Cumar C/rishiid waa nin siyaasada Soomaaliya ka soo muuqday xili ay cakiran tahay, balse aan aqoon buuran u laheyn Puntland inkastoo uu ka soo jeedo, waxaana uu noqonkaraa nin doorkiisa siyaasadeed ku muujin kara doorashooyinka soo socda ee Puntland. Waxaa ka horeeyay hadii uu ku dhawaaqo musharax nimadiisa Raiisul wasaarihii hore Soomaaliya Cumar C/rishid, Nin isna raiisul wasaare ka soo noqday isla Xukuumadii Shariif Sheekh waa Cabdiwal Maxamed Cali Gaas, kaas oo iminka ka mid ah raga ugu cad cad doorashada sanadka soo socoda ka dhici doonta Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allyourbase Posted October 7, 2013 For a moment there I thought this thread would be dedicated to Shingeki No Kyojin, would've been more interesting. Quote Share this post Link to post Share on other sites