Saalax Posted October 4, 2013 War Deg Deg Ah: Maleeshiyaadka Raaskambooni Oo Lagu Jabiyey Dagaalka Goobweyn Ka Dhacay Published on October 4, 2013 Kismaayo(AGGM) Ka dib dagaalo saacad qaatey oo u dhexeyey Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland ee duleedka Magaalada Kismaayo,waxaa dagaalkaasi sababay khasaare labada dhinac soo kala gaaray inkastoo aan la xaqiijin inta khasaraha rasmiga ahi leeg yahay,waxaana dagaalkaasi la sheegay inay maanta qaadeen ciidamada Maleehsiyaadka Raaskambooni. Ciidamada Maamulka Jubbaland ee Madaxweyne Bare hiiraale hogaaminayo oo beryahan ba doonayey inay is helaan maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa maanta jaanis wanaagsan ku hel isla markaasna dib u soo buriyey Maleeshiyaadkii Jabhadda Raaskambooni ee weerarka qaaday,waxaana la shaacinaya in hadda Maleeshiyaadka Jabhadda Raaskambooni dib ugu soo carareen xeryaha ciidamada Kiiniya ee garoonka diyaaradaha. Dagaalkana ayaa la sheegayaa inuu yahay mid culus isla markaasna sababay inay maleeshiyaadka Raaskambooni dib ugu soo laabtaan gudaha Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku doonayaan inay ku difaacdaan Magaalada Kismaayo iyadoo Ciidamadi Maamulka Jubbaland ee hadda kulaalayan Magaalada Kismaayo isla markaasna ka soo ruqaansadeen Xarumahoodii ay ku lahayeen Tuulada Goobweyn. Ciidamada Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inaysan maanta wax gacan ah ka helin Ciidamada dawlada kiiniya,waxaana la sheegayaa in dagaalkaasi lagu soo jabiyey isla markaasna ay dib ugu soo laabteen nawaaxiga Jaamacada oo ay difaacyo ka xirteen halkaasi oo ay ka agdhaw yihiin ciidamada dawlada kiiniya. Ugu dambeyntii wararka qaarkood ayaa sheegaya in dagaalku hadda ka socdo duleedka Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay dib ugu soo carareen maleeshiyaadka Raaskambooni oo la aaminsan yahay inay dhawaan Magaalada Kismaayo gacantooda ka bixi doonto,waxaana hawada ka maqan isgaarsiinta Magaalada Kismaayo gabi ahaanteed. Warark Dagaalkaasi ka soo kordha kala soco Allgalgaduud http://allgalgaduud.com/?p=20732 Quote Share this post Link to post Share on other sites