Siciid1986 Posted October 2, 2013 Istanbul, (Somaliland.Org)- Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee socdaalka ku tagey dalka Turkiga ayaa kulamo la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dalkaas Recep Tayyip Erdogan. Raysal wasaaraha dalka Turkiga ayaa si meeqaam sare ah xafiiskiisa ugu qaabilay weftiga Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanay labada dhinac wada yeesheen kulan qaatay muddo saacaddo ah. Kulanka weftiga Somaliland iyo Raysal wasaaraha dalka Turkiga ayay kaga wada-hadleen qodobo badan oo la xidhiidha wax wada qabsiga labada dal iyo sidii Turkigu uga caawin lahaa Somaliland dhinacyada horumarinta bulshadda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo kulanka labada dhinac ka dib warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay weftiga Somaliland iyo masuuliyiinta dalka Turkigu ka wada-hadleen, isagoo tilmaamay in wefti uu hogaaminayo raysal wasaare ku-xigeenka dalkaasi uu iman doono Somaliland. “Waxaanu maanta la kulanay ra’iisal wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo Wasiirka ganacsiga, waxay si xoogan noogu soo dhaweeyeen xafiiskiisa Ra’ysal wasaaraha, waxa ugu muhiimsan ee aanu aad uga wada-hadalnayna waxa ka mid ah sidii uu wadanka Turkigu uu inooga caawin lahaa arrimo ay ka mid yihiin hirgelinta wadada Ceerigaabo, wadada Tog-wajaalle, xaga laydhka, dekadaha, waxbarashada iyo caafimaadka, markaa mashaariic badan ayaanu u qadinay wayna nala garteen inay wax nala qabtaan,” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted October 2, 2013 Whats is Erdogan up too ? Erdogan is deeply involved in Somali Politics . Its a good thing for Somalia to have Powerful Muslim country on their side. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mad_Mullah Posted October 2, 2013 Warya be silent, he gave you orphanages/roads/hospitals/food/mosques/government buildings and everything else. If AKP isn't elected again that's it mac salama charities. Quote Share this post Link to post Share on other sites