xiinfaniin Posted September 20, 2013 Somaliland oo Ethiopia ka codsatay in duulimaadyadii diyaarada Ethiopia Airline dib loo furo iyo Ethiopia oo…. September 20, 2013 // admin1 // News Wafdi reer Somaliland ah oo uu horkacayo wasiirka arimaha dibada ee maamulka Somaliland Maxamed biixi yuunis ayaa saaka magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia Dr.Tedros Adhanom. Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Maxamed Biixi ayaa wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia ka codsaday in dowlada Ethiopia ay dib ufurto duulimaadyadii shirkada diyaaradaha ee Ethiopia airline ku tagi jirtay deegaanada somaliland. Wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia Dr Tedros Adhanom oo codsiga somaliland ka jawaabaya ayaa sheegay in arintan ay kala xaajoon doonaan jihooyinka ku shuqul leh iyagoo kala hadli doona suurtagalnimada in duulimaadyadii shirkada Ethiopia ee Somaliland dib loo furo. Shirkada Ethiopia Airline ayaa ogaysiin la’aan halmar joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay deegaanada Somaliland. Inkastoo shirkada Ethiopia Airline aysan sheegin sababta ay u joojisay duulimaadyadii deegaanka Somaliland ayaa hadana waxaa soo baxay warar aan rasmi ahayn oo sheegaya in sababta shirkadu duulimaadyada ujoojisay ay la xidhiidho arimo nabadgelyo. Dhanaan Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 21, 2013 looooooooooooooool@Dhanaan Media Quote Share this post Link to post Share on other sites