Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga (SAWIRRO)

 

Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ballaaran ee la socda ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga ra’iisul wasaaraha dalkaas, Enrico Letta.

 

Xasan_Sheekh_Talyaaniga_1.jpg

 

 

Xasan_Sheekh_Talyaaniga_2.jpg

 

Ra’iisul wasaaraha Talyaanig ayaa kulanka ka hor wuxuu kulan ay iriduhu u xiran yihiin la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo markii dambena si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay ciidamada dalka Talyaaniga, iyadoo ay u tumeen ciidamada bambeydu muusikada astaanta labada calan ee Somalia iyo Talyaaniga.

 

 

 

 

Xasan_Sheekh_Talyaaniga_3.jpg

 

 

Kulanka labada mas’uul dhexmaray ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda dowladda Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga Somalia, C/xakiin Maxamuud X. Faqi, wasiirka maaliyada, Maxamuud Xasan Suleymaan, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada Faarax C/qaadir, safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga Muuse Xasan iyo xubno kale.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Enrico Letta ayaa kulankoodan kaga hadlay doorka Talyaaniga ee arrimaha Soomaaliya iyo sidii xiriirka ee labada dal loo sii adkeyn lahaa.

 

Shir jaraa’id oo labada mas’uul ay qabteen kulankooda kaddib ayaa wuxuu ra’iisul wasaaraha Talyaanigu sheegay inay farxad weyn oo taariikhi ah u tahay inuu dalkiisa ku casuumo madaxweynaha Soomaaliya, isagoo xusay inay kawada hadleen qodobbo dhowr ah, isagoo carrabka ku dhajiyay inay dowladdiisu door muuqda ka qaadan doonto dib u dhiska Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa isagana sheegay inuu ku faraxsan yahay sida qiimaha badan leh ee uu ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ugu muujiyay taageero shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Talyaaniga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeyso xiriir taariikhi ah oo aad u fog, isagoo intaas ku daray in iskaashiga iyo taageerada dowladda Talyaaniga ay siiso Somalia uu ka duwan yahay taageerada dowladaha kale ay siiyaan Soomaaliya.

 

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo shalay gaaray dalka Talyaaniga waxay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas, isagoo sidoo kalena booqday jaamacadda Roma halkaaso uu ka jeediyay khudbad qiimo badan lahayd.

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this