Sign in to follow this  
malistar2012

War Deg Deg ah:Madaxda Soomaalida oo ku sii qul qulaysa Magaaladda Bressuls oo Isniinta uu ka dhici

Recommended Posts

Xarunta Midowga Yurub ee Magaalada Bressuls waxaa maalinta isniinta bishuna ay tahay 16 Septembar ka furmo shir looga hadlayo arrimaha Soomaalida,waxana shirka ka qeyb galaya Qeybaha bulshada iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

 

Shirka ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa waxyaabaha sida aadka looga hadli doono waxaa kamid ah arimaha dhanka ammaanka dalka dagaalada ay ka taagnaayeen tan iyo waxii ka dambeeyay 1991 markii la riday Xukuumadda Jen Maxamed Siyaad Barre wixii markaas ka dambeeyay dalkii oo noqday mid jaanta rogan.

 

Maalinka Isniinta ayaa lugu wada shirkaan inuu dah-furmo kasoo loogu magacdarey shirka New Deal,waxana xiligaan diyaar gorow loogu jira dhinacyada Soomaalida oo maalmaha ugu soo horeya gaarayBressuls .

 

Waxaa hal aqal oo ku yaala Bressuls loogu talagalay inay wada dagaan dhamanba dhinacyada ka iman doonta Soomaaliya oo uu shirkaan quseeyo,Hotelka ay dagi doonan waftiyada ka iman doona Soomaaliya ee isugujira maamulada dalka iyo DFS ayaa lugu magacaaba The Hotel kaaso horay loo oran jiray Hilton Hotel.

 

Goobjoogayaasha shirka waxaa ka mid ah Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole laakiin magaca Soomaaliya waxaa ku hadli doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

 

Waxaa isna sida la sheegay shirkaan kasoo qeyb galaya madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle.

 

Shirka higsiga cusub ee New Deal ayaa ah mid lugu doonayo in dalalka iyo hay’addaha caalamiga ah ee kasoo qeyb galo looga dalbanayo inay gacan qabtaan Soomaalida ayna ka taageeran horumarka dalka iyo dib usoonolayntiisa.

 

Si kastaba shirkaan waxaa la iclamaiyey inuu ka dhici doona aqalka loo yaqaano Edmont Palace,waxana inta uu socda madaxda Soomaalida ay soo godbin doonan warbixino ay uga hadlaya xaaladda goobaha ay ka yimaaden.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Madoobe oo u duulay Brussels iyo Nabadoon lagu diley Kismaayo

14-09-2013

 

Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa u baqoolay dalka Belgium isagoo ka qeybgalaya kulanka loogaga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya.

 

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya madax badan oo ka kala socota qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

 

Shirkan oo lagu wado in maalinimada Isniinta uu ka furmo magaalada Brussels ayaa waxaa loogu yaboohayaa dhaqaale loogu talogalay in dib u dhis loogu sameeyo dalka Soomaaliya.

 

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen nabadoon caan ah gudaha magaalada Kismaayo.

 

Raga gaystay dilkan ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobtii uu dilka ka dhacay.Nabadoonka la dilay ayaa waxaa magaciisa la oran jiray Gamadiid Nuur wuxuuna kamid ahaa odayaasha sida weyn looga yaqaano Magaalada Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this