Dr_Osman Posted September 11, 2013 Puntland oo ku hanjabtay hadii dowladda faderaalka dastuurka ka qancin weydo ay go’aan kale qaadan doonaan [Dhagayso] September 10, 2013 // Warar Somaali Dowladda Puntland ayaa ku hanjabtay inay dib ugu laaban doonto dastuurka Puntland qodobo uu farayo hadii dowlada faderaalka ee Soomaaliya ay dib uga laaban waxkabadalka ay ku sameysay dastuurkii dalka ee la sameeyey 2012. “Dastuurka Puntland waxbuu noo sheegyaaa hadii hadhow rabashku la joojin waayo” ayuu yiri wasiiru dowlaha maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Gaasaan oo madaxwaynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo masuuliyiinta kale ee dowladda ka codsaday inay dib uga noqdaan wax ka badalka dastuurka. Waxaa uu ku eedeeyey xildhibaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya , ahaana wasiirkii hore ee dastuurka dowladda faderaalka inuu lug ku lahaa waxkabadalka aan sharciga ahayn ee lagu sameeyey qodobo ka mid ah dastuurka. Arinta wax ka badalka ee dastuurka lagu sameeyey ayuu ku tilmaamay qayaano qaran oo laga galay Puntland iyo guud ahaanba umadda Soomaaliyeed. Dowladda faderaalka ee Soomaaliya ayaa badanaaba iska difaacda eedaha loosoo jeediyo ,ayadoona marar sii horeysay tilmaantay inaanay jirin waxkabadal lagu sameeyey dastuurkii dalka u yaalay. Puntland-News24. Halkaan kadhagayso wasiirka maamul wanaaga Puntland Gaashaan oo arrintan ka hadlay http://puntlandnews24.com/dowladda-puntland-oo-ku-hanjabtay-hadii-dowladda-faderaalka-dastuurka-ka-qancin-ay-goaan-kalle-qaadan-doontodhagayso/ Quote Share this post Link to post Share on other sites