Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweyne Xasan Sheekh “Shabaab degmooyinka ay ku sugan yihiin sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa uga s

Recommended Posts

Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Maalmihii ugu danbeeyay Safaro ku tagayay Gobalada Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladiisa ay Wado Qorshe Ururka Al-Shabaab looga saarayo Degmooyinka ay ku harsan yihiin.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Dhawaan Shacabka Soomaaliyeed ay maqli doonaan Ururka Al-Shabaab oo Degmooyinka ay ku sugan yihiin oo dhan laga saray.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Mudo kooban gudohaad ay qorsheynayaan in Gobalada Dalka Soomaaliya ay gaarsiiyaan Heer Shacabka ay Doortaan Gudoomiyaha Gobalka ee Dowlada aysan marwalba soo magacaabin.

Hadalkaan ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka sheegay Hadal uu jeedinayay Shacabka Degmada Jowhar oo uu shalay booqo gaaban uu ku tagay.

 

xasanow-jowhar_8.jpg

 

President Xasan Sheekh ready to liberate alshabaab Territories

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha J.F.S. Oo Shalay Booqday G/Sh/Dhexe Ayaa Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

Published on September 10, 2013 by Mowliid · No Comments · 283 views

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo oo shalay gaaray magaalada Jowhar ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib kulamo halkaasi ay kula qaateen qeybaha kaladuwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobolkaasi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay si dhammeystiran u shaqeyn doonaan dhawaan ciidammada amniga ee degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxa uuna intaa raaciyay in dowladda Federaalka ay ku howlan tahay sidii loo fududeyn lahaa howshaasi.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo gudbayo xoreynta degmooyinka gobolka Shabeellada Dhexe oo dhan, isla markaana dowladdu aysan aqbali karin in kooxda Al-Shabaab ay ku sii sugnaato deegaan ka mid ah gobolka, “Shabaab waan ka adkaanay, waa in laga suuliyaa guud ahaan degmooyinka gobolka Shaleeda Dhexe” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadalladan ka jeediyey degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe oo uu madaxweynahu kormeer shaqo ku tegay.

 

Dowladda ayaa gaartay guulo waa weyn oo dhinac kala duwan leh, mudadi sanadka aheyd ee ay jirtay, iyadoo maalintii la doortay madaxweynaha uu ka dhawaajiyey Lix Tiir oo ay dowladda Soomaaliya ka shaqeyn doonto oo ay ugu horreyso xasilinta ammaanka dalka, waxaana qeyb ka mid ah la oran karaa dowladda Soomaaliya waa ay ku guuleysatay .

 

xasanow-jowhar_10.jpg

 

Congrats to the President Xasan Sheekh Maxmuud for one year anniversary job well done .

 

 

 

This years inshallah we will start year without alshabaab ameen........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this