Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso - Puntland Government Plans To Construct A Gas Plant

Recommended Posts

Dr_Osman   

BOSASO: Puntland oo laga samaynayo warshad soo saarta gaaska la shito

September 5, 2013 4:20 pm GMT - Written by Yusuf - Edited by Yusuf

 

Bosaso(PP): Wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka & duurjoogta dowladda Puntland Burhaan Cilmi Xirsi ayaa sheegay iney wadaan mashruuc lagu dhisayo warshad samaysa gaaska la shito, taasoo sida uu tilmaamay qayb ka ah mashaariic ay doonayaan iney ku xakamayeen weerarka lagu hayo dhir jarida. Sida u wasiirku sheegay warshadaan ayaa abaabulkeedu hadda ka socdaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

 

Waxa uu ammaan u soo jeediyay wasiir ku xigeenku dadkii ku guuleystay xakamaynta xaalufka isagoo ka dhawaajiyay iney socdaan tartammadii ay gobolladu ugu jireen ciribtirka jarista dhirta iyo ka hortagga nabaad guurka, wuxuuna intaasi raaciyay iney dhiirri gelin weyn u samayn doonaan dadka u ololeeya ilaalinta deegaanka,wuxuuna shacabka ka codsaday iney arrintaasi gacan ka siiyaan.

 

Tan & markii wasaaraddani la asaasay oo la kowsatay dowladdan iminka ka jirta Puntland ayuu sheegay wasiir kuxigeenku iney qabatay waxyaaba badan oo ay ka mid yihiin dhismayaal maamul oo ay ka hirgelisay wasaaraddu magaalooyinka waaweyn iyo kuwo haatan socda,goobo lagu barbaariyo dhirta oo ku kala yaalla Garoowe,Gaalkacyo, Boosaaso,iyo goobo kale haatanna ay sii ballaadhinayaan,isagoo sidoo kale xusay iney jiraan qorshayaal lagula dagaallamayo xermaysiga iyo biyaha mara meelaha aan munaasabka ahayn taasoo buu yiri loo aayi lahaa haddii laga faa’iideysto xilliyada jiilaalka.

 

Wasaaradda deegaanka & duurjoogta ee dowladda Puntland ayaa dhow goor oo hore waxay ka dhawaajisay iney xakamayn doonto xaalufinta deegaanka iyadoo dejisay qorshayaal lagaga gaashaamanayo arrimhaasi, balse ma ahan kuwo sidii la rabay u hirgalay waxaana weli jira dad ku hawlan jarinta dhirta iyo samaynta kaamamka taasoo horseedi karta nabaad guur..

 

C/xamiid Salaad Barre

puntlandpost.com, Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this