Sign in to follow this  
malistar2012

Banaan bax lagu taageerayo heshiiskii Addis Ababa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho(sawiro)

Recommended Posts

Dibad bax ballaaran oo lagu taageerayay heshiiskii Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubooyinka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen boqolaal ruux ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Mas'uuliyiin.

 

Banaan baxan oo uu soo qaan qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon, halkaasoo ay isugu soo uruureen dadweyne watay calanka Soomaaliya, boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo iyo dharka hidaha iyo dhaqanka.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay banaan baxa ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan heshiiska, isla markaana ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

 

"Waa Guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyed, Muqdisho waa maskaxdii umada, waa soo dhoweynaynaa, in heshiis lagu gaaro Addis Ababa oo umada Soomaaliyed ay heshiiso"ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

 

Mr Tarsan ayaa sheegay in isu soo baxan uu muhiimad weyn ugu fadhido shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir, isla markaana ay muujinayaan in reer Muqdisho ay taageersan yihiin.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo dibad baxa ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay dadaal u gashay sidii shacabka isu keeni lahaa, isla markaana dib u heshiisiin dhab ah la gaaro.

 

“Heshiiska Addis Ababa ka dhacay waxa uu qayb ka yahay dadaalka ay waddo Xukuumadda Soomaaliya oo ah in guud ahaan la isu keeno shacabka Soomaaliyeed, anaguna waan soo dhaweyneynaa, waana taageersanahay dadaallada lagu xalinayo arrimaha nuucaasi oo kale” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka arrimaha gudaha

 

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho lagu qaban doono shirar looga hadlayo masiirka iyo jiritaanka ubada lagu bad baadinayo.

 

“Anagu waxaan nahay umad isku af ah waxaan aaminsanay in aan is xalin karno, Shirka lagu wado in uu ka furmo Muqdisho waa mid looga hadlayo aayaha Soomaaliya, Shacabka ku dhaqan gobolka banaadir waxaa laga doonayaa inay soo dhaweeyaan shirkaasi, maadaama uu yahay mid sidoo kale la doonayo in lagu dhameystiro heshiiskii Addis Ababa, Xukuumaddana waxaa ka go’an inay soo dhaweyso fikradaha wax dhisaya” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

 

Banaan baxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu taageerayay heshiiskii Addis Ababa ayaa jawaab u ah banaan bax shalay ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo looga soo horjeeday dowladda Soomaaliya iyo Heshiiska Addis Ababa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

dibadbaxajuba%20(1).jpg

 

“Heshiiska Addis Ababa ka dhacay waxa uu qayb ka yahay dadaalka ay waddo Xukuumadda Soomaaliya oo ah in guud ahaan la isu keeno shacabka Soomaaliyeed, anaguna waan soo dhaweyneynaa, waana taageersanahay dadaallada lagu xalinayo arrimaha nuucaasi oo kale” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka arrimaha gudaha

 

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in dhowaan magaalada Muqdisho lagu qaban doono shirar looga hadlayo masiirka iyo jiritaanka ubada lagu bad baadinayo.

 

“Anagu waxaan nahay umad isku af ah waxaan aaminsanay in aan is xalin karno, Shirka lagu wado in uu ka furmo Muqdisho waa mid looga hadlayo aayaha Soomaaliya, Shacabka ku dhaqan gobolka banaadir waxaa laga doonayaa inay soo dhaweeyaan shirkaasi, maadaama uu yahay mid sidoo kale la doonayo in lagu dhameystiro heshiiskii Addis Ababa, Xukuumaddana waxaa ka go’an inay soo dhaweyso fikradaha wax dhisaya” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

dibadbaxajuba%20(2).jpg

 

 

dibadbaxajuba%20(3).jpg

 

dibadbaxajuba%20(4).jpg

 

 

dibadbaxajuba%20(5).jpg

 

 

dibadbaxajuba%20(6).jpg

 

 

dibadbaxajuba%20(7).jpg

 

Who said Xamar is not safe , Imagine doing this two years ago

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this