Sign in to follow this  
Dr_Osman

The Most Loved Man In Somalia.PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Safarka Madaxweynaha PL ku joogo dalka Kenya

30 Aug 30, 2013 - 1:41:17 AM

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo booqasho ku jooga wadanka Kenya ayaa kulamo la yeeshay wakiilada beesha caalamka ka jooga magaalada Nairobi.

 

Mudane Farole oo inta uusan ka tagin magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa casumaad gaar ah ka helay wasiir ku xigeenka arrimaha dibada dalka Talyaaniga iyo safiirka Talyaaniga u fadhiya Somalia kuwaasoo kulan kula qaatey magaalda Nairobi.

 

Kulankaan ayaa sida wararka ku heleyso GO diirada saarayey mashariicda dowlada Talyaaniga ka wado Puntland gaar ahaan dhismaha garoonka dyaarda Bosaso kaasoo dhowaan la filayo inuu bilowdo.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa kulan baalaran la yeeshay 25 safiir oo ka socda wadamada Yurub iyo EU kuwaasoo kala hadley arrimaha Somalia gaar ahaan qaabka dowlada Puntland uga qayb galeyso shirka la filayo inuu Brussels ka dhaco Sept, 2013.

 

Wadamada Yurub iyo beesha caalamka ayaa aaminsan in kulanka la filayo inuu Brussels ka dhaco bisha soo socota uusan macno badan yeelan doonin madaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Somaliland.

 

Dowlada Puntland ayaa horey uga dalbatey midowga Yurub in kulankaan ka qayb galeyso oo kaliya iyadoo ka madax banaan waftiga dowlada Muqdishu oo tagi doona Brussels madaama aan weli xal loo helin faragalinta DFS ku sameysay Dasturka Somalia" Halkan ka akhri mowqifka Puntland."

 

Madaxweyne Farole oo weli ku jira kulamada uu la leeyahay wakiilada wadamada reer Galbeedka ee ku sugan Nairobi ayaa la filayaa sidoo kale inuu booqasho ku kala bixiyo wadamada Ethiopia iyo Jabuti kuwaasoo xiriir dhow la leh Puntland.

 

20130827_160306_2.jpg

20130827_160320.jpg

20130827_160346-e1377848058753.jpg

 

Yeah What Carafat

20130827_1603061-e1377848331828.jpg

 

20130830_071453-e1377848150558.jpg

20130830_084749-e1377848230554.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this