Sign in to follow this  
Tillamook

What's in a name? that which we call a rose by any other name would smell as sweet

Recommended Posts

Heshiis_Jubba_somalia1.jpg

 

 

 

 

 

Axmed Madoobe: Waxba micno weyn maaha erayga “..Land..” ee maamulka waa Sidiisii

 

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo ka hadlay heshiiskii shalay (Arbaca) lagu saxiixay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inay guul u tahay dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay Dowlada Soomaaliya u aqoonsatahay hogaamiyaha Rasmiga ah ee gobalada Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubbada Hoose, ayaa sheegay in meesha laga saaray xiisadii siyaasadeed ee ka dhalatay dhismihii maamulka Jubaland.

 

Axmed Madoobe oo ka hadlay qodobada lagu heshiiyey ayaa sidoo kale sheegay in isbedalka lagu sameeyey magaca maamulka uusan qiimo weyn ku fadhin, balse muhiimada ay tahay aqoonsiga maamulka ay shacabka deegaanadaasi dhisteen ee Jubooyinka oo hada loo bixiyey maamulka KMG ah ee Juba.

 

“..Guud ahaan heshiiskaan waa mid alabaab cusub u furaya Soomaalida, khilaafaadka ka jira Soomaaliya maalamahan ninkii wax raba inuu sheego Arrimaha Kismaayo ayuu afka marinayey, marka “..Dherigaasi..” hada waa la *****lay oo cid wax danbe ku daaran meyso…” ayuu yiri Axmed Madoobe oo wareysi siiyey idaacada VOA.

 

“…Waxba micno weyn maaha erayga “..Land..” ee la bedalay ama hada laga dhigay Jubba Administration, ee maamulka waa sidiisii, dhismiha iyo dhameystirkiisana waa sidiisii hore, Magaca macno ma sameenayo ee maamulka waxa uu qabanayo ayaa muhiim ah…” ayuu yiri Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe oo ka hadlayey isbedalka lagu sameeyey magacii hore ee maamulka ee ahaan jiray Jubaland.

 

Dekkada iyo Airporka Kismaayo

 

“…Muddada lixda (6) bilood soo socota in maamulka Jubba uu sii maamulo dekkada iyo Airporka ayaa lagu heshiiyey, kadibna markaasi dowlada lagala tashado inay soo magacaabeyso, balse qaabka dhaqaalaha kasoo baxa illaha dhaqaalaha waa mid lala sugayo markii Dowlada Federaalka iyo maamulada Federaalka nidaam ku heshiiyaan, balse hada waxa kasoo baxa waxaa lagu maareenayaa arrimaha Jubba…” ayuu yiri Axmed Madoobe oo ka hadlayey heshiiska laga gaaray cida maamuleysa illaha dhaqaalaha ee magaalada Kismaayo.

 

Shirka Dib u heshiisiinta

 

Axmed Madoobe ayaa sheegay in qodobka heshiiska lagu daray ee ah in shirar dib u heshiisiin lagu qabto magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, ay yihiin kuwo dhameystir ah oo loogu talogalay in lagu heshiisiiyo dadka gudaha Soomaaliya jooga.

 

Ciidamada Jubba

 

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamada Darawiishta, Booliiska, Nabadsugida iyo Asluubta dhamaantood ay hoos imaan doonaan maamulka Jubba. Wuxuuna sheegay in ciidamada Militariga guud ay hoostagi doonaan Dowlada Federaalka sida uu qabo Dastuurka Federaalka.

 

Source: Horseed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this