Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bosaso Begins Urban Planning. House Numbers and Streets Names. AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

(Waraysi) Maamulka degmada Boosaaso oo bilaabaya tirakoobka dhismayaasha Magaalada.

 

Maamulka degmada Bosaso ayaa horaanta bisha Septembar bilaabaya olole balaaran oo uu ku tirakoobayo dhismayaasha ku yaala magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

 

Duqa degmada Bosaso Xassan Cabdala Xassan oo waraysi gaara siiyay Puntlandi ayaa sheegay in guub ahaan la tirakoobayo dhimayaasha Ganacsi iyo kuwa deegaan ee ku yaala Bosaso,arrintaasi oo ku tilmaamay mid muhiimad guud xambaarsan.

 

“Bosaso kor ayaa laga sawiri doonaa,macaluumaadkii magalada ayaa soo bixi doona, guri kasta lambar ayaa la siin doona,adduunka waad la socotaa guri kasta halka uu ku yaalo iyo lambarkiisa waa yaqaan,sidaa darteed arrinta hadda aan bilaabayno waa talaabo adduunyadu ay nooga horaysay,laakiinse aan kaga dayanayno” ayuu yiri Duqa degmada Bosaso.

 

Wuxuu intaas ku daray Xassan Cabdala Xassan in tirakoobka ay samaynayaan lagu ogaan doono arrimo badan oo ay ka mid yihiin;-

 

1. Amaan iyo Dakhli ururinta

 

2. Tirada dhismayaasha iyo macluumaadkooda iyo arrimo kale.

 

Duqa degmadu Wuxuu ka codsaday dadweynaha ku dhaqan Bosaso in ay wada shaqayn buuxda siiyaan Kooxaha Tirakoobka samayn doona, una fududeeyaan macluumaadka ay waydiinayaan.

 

Hirgalinta Barnaamijkan waxa maamulka ka caawinaya Hay’ado caalami ah iyo NGO maxali ah.

 

Si kastaba ha ahate,tirakoobka lagu samaynayo dhismayasha ku yaala Bosaso ayaa imanaya xilli magaalada Bosaso ay samaynayso koboc Dhismayaal iyo Ganacsi.

 

Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi.

 

Wakiilka Puntlandi Ee Gobolka Bari.

 

Halkan hoose ka dhagayso Warka

http://puntlandi.com/maamulka-degmada-boosaaso-oo-bilaabaya-tirakoobka-dhismayaasha-magaalada/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this