Dr_Osman Posted August 18, 2013 War deg deg ah:- Dowlada Puntland oo xirtay xafiisyadda SNTV ee gobolada Puntland War qoraal ah oo maantey kasoo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta Dowlada Puntland Mudane Axmad Shiikh Jaamac ayaa lagu sheegay mudo toban cisho ah in shaqadii laga joojiyay Tv-ga iyo idaacada ku hadasha afka dowlada federaalka Somalia. Nuqul ka mid ah qoraalka oo lasoo gaarsiiyay warbaahinta dunidaonline xafiiska Garowe ayaa u qornaa sida tan. Ku Dhammaan Hawlwadeennada Somali NationalTV Rugahooda Og: Wasaaradda Amniga iyo DDR Garowe Og: Puntland Radio&Tv Garowe Og: Madaxtooyada Dowladda Puntland Garowe Ujeeddo: Shaqo ka joojin SNTV Inta warar la helay laga salgaadhayo,SNTV waxa laga joojiyay howlgalkiisii uu ka hawlgalayay Puntland mudo 10-maalmood ah oo ka bilaabmaysa August 18-08-2013 Saacada 1:00 Duhurnimo. Sidaasi daraadeed,hawlwadeennada telefishinka SNTV waxa la farayaa in ay amarkaasi si buuxda u fuliyaan. Wasaaraddu waxay bilawday baaris ku saabsan arrimo la xariira Tv-gaasi,waxayna go'aankeeda dambe ku qaadan doontaa natiijada baaristaas. Axmad Shiikh Jaamac Yuusuf wasiika Warfaafinta Dowlada Puntland ayaa ku saxiixan. Dunidaonline.com Xafiiska Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted August 18, 2013 Mohamed and his hag nonsense has been shut down from garowe, where do you think you are boy? this is puntland we don't take kindly to hag propaganda and garbage Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted August 18, 2013 Dottore, why is the local Garowe office of the Somali National TV closed down? Quote Share this post Link to post Share on other sites