Sign in to follow this  
Carafaat

Article: TAHRIIBTU WAA AAFO QARAN OO DHALINYARADEENA KU HABSATEY

Recommended Posts

Carafaat   

TAHRIIBTU WAA AAFO QARAN OO DHALINYARADEENA KU HABSATEY XALKEEDANA MA’AHAN MID CID KALIYA KU KOOBAN WAA MID CID WALBA UTAAL

 

by Abdikadir Maxamed Ibrahim

posted by Maxamuud Jama | August 17, 2013 | In Articles

 

 

aaaaaTahriib waa qof raba in uu si sharci darro ah ku galo wadan kale oo aan laga ogaleyn tahriibta waxay ka mid yahay faldambiyeedyada qawaaniinta caalamka la dagaalanto lana mid ah sida maandooriyaasha, tahriibtu waa socdaal aan sharci loo haysan oo dhib iyo rafaad ku saleysan kaaso qofku naftiisa ku biimeeyo waxyaalo khatar ah,

 

Hadaba waxaa jira dhaliyaro badan oo Iyagoo doonayaa in ay maraan wadada dhibka iyo rafaadka badan ee saxaraha iyo badba isagu jirta ee ka bilaabanta Somaliland ilaa talyaaniga arintan waxay aad usoo koradhey mudooyinkii u danbeeyaya lakiin iminka waxay gaadhey halkii u sareysay oo aad arkeyso dhalinyaro aad uu yar yar oo hadal haaya saxaraha sudaan , libiya iyo lambaduusa markaad tagto meelaha ay dhalinyaradu isagu timaado waxaad arkeysaa iyagoo hadal haya oo leh “hebel mudo wax war ah lagama haayo “ iyo hebel ayaa doontii ku qornaa ee duceeya in uu ilaah bada u fudeeyo” iyo “ hebal baa galey talyaaniga balse nasiib xumo faraa laga qaadey isagoo fadhiyi doona mudo badan isagoo wax shaqo ah heli doonin darbi jiifna ku noqon doona darbiyada talyaaniga sida ku dhacdey dhacdey dhalinyaro badan.

 

Hadaba maxay tahay tahriib goormeyse bilaabatey? taariikh ahaan tahriibku waa shay soo jireen ah sida laysla qaatayna ka soo bilaabmay qaarada Yurub muddo iminka laga joogo boqolaal sanadood ayaa dadka reer Yurub waxay ku qulquli jireen dhinaca Maraykanka ama America ,taasi waxa kasii danbeeyay oo xoojiyay tahriibkii dib uga bilaabmay qaarada Africa kadib markii dadkii la adoonsan jiray (African slavers) ee qaarada Africa ay markii danbe noqdeen kuwo dega oo hela nolol liita balse la is lahaa waxay dhaantaa tii markaa ay ku jirtay qaarada Africa oo ahayd mid qoloqolo iyo qabiil qabiil laysku laayo, (African civil crisis) ayaa waxay dadkii qaarada ku sugnaa door iyo dan moodeen inay xamaanta iyo xaabada u gurtaan qaaradaha Yurub iyo Ameerica oo markaa dadku u hayaami jireen iyada oo markii dambe gaadhay ilaa waqooyiga qaarada Aasia oo dadbadani kaga soo furmeen Ameerika

 

Sababaha ugu badan ee keena tahriibka dhalinteena waxaa ka mid ah:

1) Sababo dhaqaale, waxa iska cad oo muuqata in maanta dalkeenu ku raagay hoos u dhac dhaqaale oo soo joogtoobay oo maalinba maalinta ka danbaysa sii xu maanaya, sidaa awgeedna dhalintii jaamacadaha dhamaysatay waxay waayeen wax rajo ah oo ay ka qabaan in ay helaan fursado shaqo oo ku filan Taasina wax ay dhaxal siisay inay meelkasta oo damiirkoodu siiyo u hayaamaan in kastoo xukuumada iminka jirto sameesey shaqo abuur badan hadana taasi xal uma noqon inkastoo inan aaan saaxiib nahay uu igu yidhi dhalinta tahriibta ma’ahan qaar ay haysato dhaqaalo la’aan markaad eegto qarashka ku baxaya oo ah mid aad u badan ilaa (5,000) thousand dollars kaaso hadii siwanaagsan hadii uu u maamulo isaga iskadaaye dhalinyaro badan shaqo ugu sameyn lahaa

 

2) sabab siyaasadeed , dhalinta dalkeenu kama qayb galaan siyaadada dalka dadkeena waawayn oo aan jiilka cusub u ogolayn inay siyaasada wax ku yeeshaan awgeed taasina ay sii xoojiso hayi kaca tahriibka oo aanay jirin xal kale oo ay kaga joogaani inkastoo xukuumada iminka jirto waxooga dabacsanaan ah u sameysey dhalinyarada oo ah in local (golaha degaanka) ahaan kusoo galaan siyaasada hadan ma’ahan mid ku filan wali.

 

3) Sabab saboolnimo, dalkeena waxaa ka jira saboolnimo isa soo taraysa taasi oo dhalinta ku abuurta niyad jab iyo rajo la’aan dhinacyo badan leh kuna kalifa inay dalka ka baxsadaan

 

Hadaba waxyaalaha soo wajaha tahriibayaash waxaa ka mid dhac, xarig, dhimasho, madaxfurasho iyo qafaalasho aaqirkii keenta in lagusoo furto kumanaan kun oo dolar

 

 

 

Gabogabo

 

Bal dhaliyarooy imisa dhalinyaro oo aad taqaaney ayaa ku jira xabsiyada liibiya imisa haween ah ayaa lagu faroxumeeyay oo nalashoodii iyo mustaqbalkoodii ku waayay, bal hooyo iyo aabo imisa hooyo ayaa ku weyday wiilkeedi iyo inanteedi qaliga ahayd oo in badan soo kolkoolisay oo ay maanta u suurto galiweyday xataa inay aragto meydkeedii waa dhab in hooyadaa maanta xasuus iyo murugu ku reebtay dhacdadaa, hadaba dhalinyarooy ka fiirsad inaad nolashiin ku haligtaan meel aan wax idiinka horeeya aaney jirin kuwii idinka horeeyaba dhibkan marey aaney wax ka dheefin ,hooyo iyo aabo caruurtiina ha u horseedina rafaad, dhib, dhi masho, madaxfurasho hadhowna saameyn idinku yeesha nolashiina.

 

Hadaba tahriibtu waa aafo qaran oo bulshadeena ku habsatey xalkeeda ma ahan mid xukuumada kaliya laga sugaayo waa mid cid walba u taal hadey naqoto aqoonyahan siyaasi ama bulshada inteeda wax garadka mana haboona siyaasiinta mucaaridka ah ka dhigtaan wado ay u maraan hogaanka dalka taan waxaa oga faa’daysta siyaasiga daneystaha ah aan bulshada dan kalahayn markaa xalka waa mid cid walba sugaaya

 

By Abdikadir Maxamed Ibraahim

 

Tell 4415327

 

Abdiqaadir300@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this