Sign in to follow this  
Carafaat

Maamulka Jubbaland: Markabkii Dhagaraysna Ee Puntland Lagaso Celiyey Oo Kusoo Wajahan Kismayo(video)

Recommended Posts

Carafaat   

Dhegeyso:

Share in top social networks!

 

Maamulka iyo waxgaradka Maamulka Jubaland ayaa warsaxaafadeed ay ku qabteen magaalada Kismaayo waxay ku ammaaneen boqashada ay soo booqdeen Xildhibaannada u hoggaaminayey xildhibaan Xiddig oo noqday masuulkii ugu horreeyey ee soo booqday Kismaayo tan iyo intii dagaalkii Xamar lagaso abaabulay ee fashilmay uuka dhacay magaalada Kismaayo.

 

Mudane Cabdullaahi Khaldaan oo ka mid ah mas’uuliyyinta Jubaland ayaa wuxuu kaloo munaasabaddaa kusoo qadday in dawladda Xamar ay weli dabada hayso fadqalaladii iyo faragelintii Jubaland. Isagoo arrntaa ka hadlayan wuxuu tusaale usoo qaatay markabkii asbuuci hore lagasoo celiyey Dawlad goboleedka Puntland ee gantaalaha colaadda xambaarsanaa in hadda loo soo jiheeyey Jubaland. Mudane ******* wuxuu sheegay in dawladda Xamar ay markabkaasi markii hore ay Puntland udirtay ay ku magacowday in saddex degmo oo Puntland ka tirsan oo kala ah Taleex. Galdogob iyo Iskushban loo diray iyadoo dawladda Puntland la baalmaray ujeeddaduna ahayd in layska horkeeno Dawladda iyo Shacabka Puntland.

 

Waxaa nasib wanaah ah in dhamaan dadka reer Puntland soo dhoweeyeen ama ka aammuseen tallaabadii dawladda Puntland ka qaadday markabkaasi, marka laga reebo shakhsiyaad ka tirsan kooxda fitnada ku haysa dadka SSC ee la magacbaxday Khaatumo. Nasiib wanaag Isimadii *********** waxay door bideen inaanay arrinkaasi ka hadlin. Dadweynaha reer Galdgob iyo Iskushuban ee la rabey in lagu hafro arrinkaasi waxay ku ayideen dawladda Puntland. Waxaan kaloo nasiib wanaag ah dadka reer Taleex oo ku caan baxay xishood iyo Gobannimo inay iyana arrinkaasi ka aamuseen oo aanay wax cabasho ah ka muujin. Inkastoo ay jiraan shakhsiyaad aan reer Taleex ahayn oo dano gaar ah lihi oo u adeegaya Mashruuca Cali Khaliif inay soortaa dhagaraysan ee la celiyey si xun ubuunbuuniyeen.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this