Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Progressing Well. VIDEO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Daawo Sawirada Isbaitaal weyn oo laga furey Carmo

 

Hay’ada World Medical Relief ayaa Qalab iyo dawooyin soo gaarsiisay Isbitaal ka cusub ee Bilcil , muanasabada waxaa kasoo qayb galay Maamulka Gobolka Bari iyo masuuliyiinta Ha’ayada Medical Relief, Duqa degmada Carmo Ibraahim Shire Maxamed oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada wuxuu uga Mahad celiyey Masuuliyiinta World Medical relief Qalabka iyo Isbitaalka ay ugu deeqeen.

 

Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo isna ka hadlay goobta ayaa xusay baahida Caafimaad ee ka jirta Deegaanka iyo sida uu Isbitaalka Wax wayn uga badalayo, Madaxa Hay’ada World Medical Relief George Samsun oo isna halkaas ka hadley ayaa xusay iney Hay’adiisu sii wadi doonto kaalmeynta Puntland.Waxa xusid mudan in wafdiga uu hogaaminayay Madaxa hay’ada World Medical Relief George Samsun oo ay qayb ka ahayeen Madaxda hay’ada Relif, Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan iyo hogaamiye dhaqameed si habsami leh loogu soo dhoweeyay degmada Carmo.

 

DSC04750.JPG

Carmo.jpg

DSC04775.JPG

DSC04721.JPG

DSC04705.JPG

DSC04717.JPG

DSC04787.JPG

DSC04830.JPG

DSC04803.JPG

DSC04835.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Dr.Farole oo dhagax dhigay Masjid

16 Aug 16, 2013 - 3:58:28 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 16 Aug, 2013 ku dhagax dhigay xarunta Madaxtoyada Masjidka Al-shuhadaa oo loogu talogalay inay ku ogaan salaada shaqaalaha iyo ciidanka Madaxtoyada.

 

Dhulka uu ku fadhiyo Masjidka ayaa noqonaya 35x22, waxana madaxweynaha wehelinayay culimo.

 

Madaxweyne Farole ayaa ka dib dhagax dhiga dhismaha Masjidkan ku tilmaamay ficil alle loogu dhowaanayo, isagona sidoo kale ku dhiirgeliyay dadweynaha Puntland inay ku dhiiradaan ka qayb qaadashada tabarucaadka iyo sadaqada.

 

‘’Masjidka Al-Shuhadaa waxaan ugu magacdarnay oo ah intii naftooda u hurtay difaaca Puntland’’ ayuu yiri Dr.Farole.

 

Shiikh Axmed Daahir oo ka mida culimada Puntland ayaa goobta ka sheegay in loo baahanyahay u istaagida in la dhiso goobaha cibaadada Puntland , isagoona ka soo shekeeyay khayrka ku jira.

 

Aqalka Madaxtoyada Puntland ayaa bishii April, 2013 loo wareejiyay xafiisyada dowladda ka dib dhisme socday muddo ka badan sanad.

 

00.jpg

11.jpg

77.jpg

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Carmo oo maanta la dhagax dhigay

| on August 17, 2013

 

Waxaa maanta la dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Carmo ee Puntland,iyadoo garoonkaasi haddii la dhammeystiro dhismihiisa lagu wado in ay isticmaalaan qeybaha kale duwan ee bulshada.

 

Maamulka degmada Carmo ee gobalka Bari iyo madax ka tirsan wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka ee Puntland ay si rasmi ah u dhagax dhigayn garoonka.

 

Ibraahim Maxamad Shire oo ah gudoomiyaha degmada Carmo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in garoonka uu si wanaagsan uga qeybqaadan doono bilicda degmada,iyaddoo uu *****li doono baahiyaha dhinaca duulimaadka ee degamada .

 

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ay rajeenayaan in lagu soo gaba-gabeeyo dhismaha garoonka muddo kooban,isagoo ka codsaday jaaliyadda ka soo jeeda degmada in ay ka qeybqaataan dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada CARMO iyo hormarinta degmada.

 

Waxa ay 90 km u jirtaa degmada Carmo magaala ganacsiga maamulka Puntland ee Bosaso,iyadoo sanadihii u dambeeyay degmadaasi laga dareemay hormar dhinaca dhsmaha ah.

 

Horseed Media

News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

VIDEO:Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo oo maantey arrimo dhowr ah ka hadley,ammaanka iyo horumarkuna ay ka mid yihiin

 

Gaalkacyo[RBC Radio]Xarunta gobolka ee magaaladda Gaalkacyo waxaa saxaafadda shir ugu qabtey guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur iyo duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad,waxana ay labada masuul ay faah faahiyeen xaaladda ammaan ee gobolka iyo horumarka xiligaan lala doonayo degmada caasumada uu ah gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

 

Shirkaan ay qabteen maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa u jeedkiisu uu ahaa sidii ay dadweynaha gobolka wax uga ogaan lahaayen xaaladda amni iyo mida horumar ee ka jirta gobolka iyo degmadaba.

 

Ugu horeenti waxaa saxaafadda la hadley guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur,waxan uu guddoomiyuhuu hadalkiisa kaga hadley ammaanka gobolka Mudug gaar ahaan kan degmada Gaalkacyo.

 

Axmed Muuse Nuur guddoomiye ku-xigeenka gobolka waxaa uu sheegey in ammaanka uu xiligaan marayo meel wanagsan inkastoo ay jiran falal iska yar oo mararka qar dhaca kuwaaso dilal qorsheysan iyo qaraxyaba ay isugu jiraan.

 

Guddoomiyaha waxaa uu si cadd uu u sheegey in ciidamada ammaanka ee Gaalkacyo ay ku dhiiran yihiin sidii ay uga hortagi lahaayen cid kasta oo isku daydda inay qal qal galiso ammaanka kajira xiligaan magaaladda.

 

…””"Ammaanka Gaalkacyo waxaay la qabtaa amniga goboladda dalka,inkasto xiligaan uu wanagsan yahay,balse waxaa jirta isku xirnan ammaan xumo oo markii ay koonfurta dalka ay wax ka dhacaan Gaalkacyana waa ay ka dhacaan…”””ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug.

 

Waxaa uu sidoo kale hadlkiisa uu baaq ugu direy shacabka gobolka isagoona ugu baaqey inay ciidamada kala shaqeeyan ammaanka si looga guul gaaro cid kasto isku deyda inay dhib geesato.

 

Dhinaca kale waxaa isna shirkaan jaraa’id hadal ka jeediyey duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad kasoo dhankiisa ka warbixiyey horumarka iyo qorshayaasha xiligaan ka degsan.

 

Duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad waxaa uu sheegey in mudadaanba ay ku howlanaayen dhismayaal kala gadisan iyo dayactir iyagoo sare uqaadaya bilicda iyo nadaafadda degmada.

 

Waxaa uu ugu danbeenti sheegey inay dayactirayaan laamiga dhexqaada magaaladda kasoo bur bur uu ka muqad,waxana uu sidoo kale sheegey inay dhawaan bilami doona dhismaha labo jid oo mid laami yahay kasoo dhex qaadi doona ama laga hirgalin doono xaafadda Garsoor ee magaaladda Gaalkacyo taaso baahi dhanka laamiga ah ay ka jirto.

 

Inkasto xiligaan maamulka degmada Gaalkacyo ay sheegen inay wadaadan dhismayaan jiddad waa weyn oo qar kood ay yihiin laami hadda magaaladda Gaalkacyo waxay ka mid tahay magaalooyinka Puntland kuwaado horumarka bilicdda ku talabsadey.

 

Hoos ka daawo muuqal ay shabakada Raxanreeb.com idin kaga soo diyaarisey shirka jaraa’id.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Bosaso Airport and Garowe Airport will be international when completed. Galkayo airport will be the central regions main hub. Regional airports will be in qardho and carmo. 3 paved airports followed by 2 unpaved regional airports. That's just the start of it boys. Galkayo is getting new roads one of which will be paved. The sceptics may argue this is all electioneering projects and none of it will see the day and I must say its a strong argument to go against because to be quite honest im not holding my breath for anything significant to come from a government that is clearly on it's way out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this