Dr_Osman Posted August 6, 2013 Garowe: Ciidan loo soo xiray tababar 6 Aug 6, 2013 - 5:55:47 AM GAROWE ONLINE Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Puntland ayaa lagu soo gabogabeeyay tababar u socday 18 maalmood ciidanka ka shaqeyn doona xabsiga cusub ee magaalada Garowe. Xaquuqul insaanka, amarka taagan ee taliyaha, amniga firfircoon iyo kan joogtada ah, Gaadiidka iyo badbaadooda, Sharciga xabsiyada Puntland, is-dilka iyo dhawaac nafeedka maxaabiista, Isgaarsiinta wanaagsan, iyo gargaarka deg dega ah ayaa la baray ciidanka mudadi uu socday tababarku. Hayada UNODC oo Qaramada Midoobay u qaabilsan barnaamijka la-dagaalanka burcad badeeda ayaa tababarkan fulisay.waxana uu sheegay Mr. Roger inay khibrad u korortay ciidanka Asluubta Puntland ka dib tababarkan ay siiyeen. Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Cali Nuur Cumar ayaa u mahadceliyay UNODC, isagoona ka soo sheekeeyay tababaradii horey loo siiyay ciidanka Asluubta Puntland, waxana uu sheegay in Imtixaan loo geli doono xabsiga Garowe. Dhismaha Xabsiga Garowe ee socda ayuu ka hadlay sidoo kale oo uu tilmaamay inuu marayo heer wanaagsan, dhowaana ku soo bixi doono mid ka mida kuwa ugu casrisan geeska Afrika. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted August 6, 2013 Arintu cayaar ma aha, Puntland wants to be a leader in many different sectors. Can A Gaas Presidency achieves more then this? I think militaril he won't be very astute and he might even bend side-ways for mogadishu which will be his down-fall if he does. I doubt a Gas presidency will make Puntland great, I think his just too hamar centric. Quote Share this post Link to post Share on other sites