Dr_Osman Posted August 6, 2013 Garowe: Madaxweynaha PL oo la kulmay Safiirka Britain 6 Aug 6, 2013 - 3:01:18 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 06 Aug, 2013 xarunta madaxtoyada kula kulmay wafdi ka socday Britain uuna hogaaminayo safiirka u qaabilsan Somalia Ambassador Neil Wigan. Kulankan oo ahaa mid isbarasho guud ah iyo kala war qaadasho ayaa waxa wehelinayay safiirka xubno ka socday xafiiska horumarinta iyo saraakiisha wasaarada arrimaha dibedda Britain. Wasiirada Qorshaynta, caafimaadka, Maaliyada iyo amniga ayaa kala qaybgalay madaxweynaha kulanka Safiirka Britain. Qodobadda Miiska saaran ayaa waxa ka mid ah Amniga, dastuurka Somalia, xiriirka DF Somalia iyo Puntland, Maareynta deeqaha caalamiga, iyo taageerada ay Britain siiso Puntland. Ka dib markii uu soo dhamaaday ayay shir saxaafadeed ku qabteen madaxtoyada, waxana uu sheegay madaxweyne Farole in Britain kaalinta hore kaga jirto dalalka Somalia mucaawinada siiya. ''Dowladda Britain xiriir wanaagsan baa naga dhaxeeya, wax badan oo waxtar noo gaysteen mucaawino iyo mashaariic ka socota Puntland ayay maalgelisay'' ayuu yiri. Waxa uu sheegay Dr.Farole in booqashada wafdigani ku soo beegantay xili uu xumaaday xiriirkii u dhaxeeyay DF Somalia iyo Puntland, isagoo sheegay in go'aanka ay gaareen uusan ku iman ciyaar uuna dhab ka yahay. ''Go'aanka aan ka qaadanay DF waa mid sii socon doona oo aan ciyaar ahayn, waa go'aan dhab ah oo sababaysan'' ayuu raacshay. Safiirka Britain u qaabilsan Somalia Neil Wigan ayaa muujiyay farxadiisa ku aadan imaatinka Puntland oo uu ku tilmaamay mid kaalin muhiim ah ka ciyaartay horumarinta iyo nabada Somalia. Waxa la filayaa inta uu joogo inuu kulamo kala duwan la yeesho masuuliyiinta Puntland, isagoona booqan doona xarumo ay mashaariic ka fulisay Britain. AUDIO http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Garowe_Safiirka_Britain_oo_la_kulmaya_Madaxweynaha_PL.shtml PICS Quote Share this post Link to post Share on other sites