Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland High School Certificates Recognized Globally

Recommended Posts

Dr_Osman   

a_10266.jpg

 

Cabdiwahaab ''Shahaadada waxbarashada Sudan mooyee dalalka kale waa laga aqoonsan yahay''

 

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland Maxamad Cabdiwahaab oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magalada Garowe ayaa waxa uu sheegay shihaadada waxbarashada Puntland inay tahay mid la aqoonsan yahay.

 

Maxamad Cabdiwahaab ayaa beeniyay warar suuqyada la isla dhex marayo ee sheegaya in shihaadada Dugsiga sare laga mamnuucay dalal badan oo horay ardaydu waxbarashu ugu aadi jireen.

 

''Waxan u sheegayaa waalidiinta iyo ardayda Puntland in shihaadada dugsiga sare ay ku aadi karaan meel kasta oo waxbarasho awal loogu aadi jiray.waxa lagu tagaa shihaadadaasi ,Ruushka,Shiinaha,Indiya,Yemen.Maleesiya,Uganda,Itoobiya iyo Kenya marka meesha caqabada ay ka jirto oo shihaadada laga xanibay waa Suudaan oo kaliya''.Agaasimaha ayaa sheegay.

 

Sidoo kale Maxamad Cabdiwahaab ayaa dhalinyarada sanadkaan ka qalin jabisay dugsiyada sare ugu baaqay inaysan ka niyad jabin waxbarashooda sare,isla markasna ay u diyaar garoobaan mustaqbal cusub.

 

Hadalka Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland ayaa waxa uu kusoo aadaya xili masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Somalia ay shihaadada Puntland ka xanibeen Dalka Suudaan,taasoo qayb ka ah dagaalka adag oo ay madaxda D.F. Somalia kula jirto dowlada Puntland.

 

Dunidaonline.com

Xafiiska Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this