Dr_Osman Posted August 6, 2013 Cabdiwahaab ''Shahaadada waxbarashada Sudan mooyee dalalka kale waa laga aqoonsan yahay'' Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland Maxamad Cabdiwahaab oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magalada Garowe ayaa waxa uu sheegay shihaadada waxbarashada Puntland inay tahay mid la aqoonsan yahay. Maxamad Cabdiwahaab ayaa beeniyay warar suuqyada la isla dhex marayo ee sheegaya in shihaadada Dugsiga sare laga mamnuucay dalal badan oo horay ardaydu waxbarashu ugu aadi jireen. ''Waxan u sheegayaa waalidiinta iyo ardayda Puntland in shihaadada dugsiga sare ay ku aadi karaan meel kasta oo waxbarasho awal loogu aadi jiray.waxa lagu tagaa shihaadadaasi ,Ruushka,Shiinaha,Indiya,Yemen.Maleesiya,Uganda,Itoobiya iyo Kenya marka meesha caqabada ay ka jirto oo shihaadada laga xanibay waa Suudaan oo kaliya''.Agaasimaha ayaa sheegay. Sidoo kale Maxamad Cabdiwahaab ayaa dhalinyarada sanadkaan ka qalin jabisay dugsiyada sare ugu baaqay inaysan ka niyad jabin waxbarashooda sare,isla markasna ay u diyaar garoobaan mustaqbal cusub. Hadalka Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland ayaa waxa uu kusoo aadaya xili masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Somalia ay shihaadada Puntland ka xanibeen Dalka Suudaan,taasoo qayb ka ah dagaalka adag oo ay madaxda D.F. Somalia kula jirto dowlada Puntland. Dunidaonline.com Xafiiska Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites