Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland goverment denies no Somalia interior minister visit to Somaliland

Recommended Posts

Ma Jiro wasiirka Ka Tirsan Dawlada Somalia Oo Ka Soo Degey Madaarada Somaliland” War-saxaafadeed

posted by Maxamuud Jama | August 4, 2013 | In Waaheen News

 

caarsheSaxaafada Somalilanad waxa u hadhay in ay berina yidhaahdaan Xasan Sheekh Maxamuud baa Madaarka Berbera Ka soo degay oo Hargeysa Loo soo qaaday

 

Waxa mareegaha Somaliland ee wararka lagu baahiyey warar been abuur ah oo lagu sheegayo in wasiirka arrimaha gudaha dawlada Somalia c/kariim Xuseen Guuleed, uu ka soo degey madaarka caalamiga ah ee Berbera, warkaasoo ah mid aan sal iyo raadtoona lahayn.

 

Waxaana odhan karaa waa warar lagu majara habaabinayo bulshada waxna loogu dhimayo jiritaanka qaranka, sidoo kalena waa arrin ceeb loogu raadinayo xukuumadda markii wax lagu eedeeyo la waayey.

 

Aniga ka mid ah saraashiisha Wasaarada Duulista waxaan cadaynayaa in warkaasi yahay been madaarada oo aanu xukuno annaguna kama soo deign wasiirka ka tirswan dawlada Somalia, waana arrin laga xishoodo in wax allaale wixii la doono laga faafiyo qaranka, waxayna muuqato in aan waxba la xushmaynayn ee wixii la doono la qorayo.

 

Waxaan kula talinayaa warbaahinta in ay waan-toobaan beenta qaawan ee intaa le’eg, ayna ilaaliyaan anshaxa saxaafada, war baahin badan ayaa arrintaa wax naga weydiiyey markii aanu u sheegnay in ay beentahay ma ay qorin, balse kuwo aan waxba na weydiin ayaa faafiyey wararkan been abuurka ah.

 

C/laahi Axmed Caarshe

 

Chief of Protocol-ka Wasaarada Duulista

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji waan ka shakiyay warkan: arintan waxbaa ka jira ama waa la inagu tijaabinayay si loo eego in dadku ka kacaan iyo inkale.Walee ninkaa gaaban hadaan reerka laga qaban waa loo wada joogi!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma dhabaa Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya in uu ka soo degay Berbera Xukuumadduna kau qaabishay?

 

 

 

Berbera(Waaheen) warar hordhac aah oo Waaheen heshay ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliya manta ka soo dagey wasmadaarka magaaladda Berbera ee Somaliland, halkaas oo ay kula kulmeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

 

Warkan oo aanu ka helnay Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Waaheen u xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya manta la socday diyaarad ka soo duushay Muqdisho, isla markaana ka soo degtay madaarka Berbera, halkaas oo Wasiirka markiiba si deg deg ah loogu gudbiyay qolka Nasashada.

 

Qof Diyaaradda la socday oo ayaa sheegay in markii VIP-da la geeyay ay iyagu dariiqii kale mareen markaasna ay ugu danbaysay, hase yeeshee warar kale ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya loo soo kaxeeyay dhinaca caasimadda Hargeysa halkaas oo la sheegay in la dajiyay mid ka mid ah Hotelada waaweyn.

 

Si rasmi ah looma oga sababta Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya u yimi Somaliland xiligan laakiin wasiirka ayaa ka mid ahaa Ergadii wadahadalada Somaliya iyo Somaliland uga qayb qaadanayay dhinaca Somaliya, kuwaas oo qoddobka kali ah ee ay ku soo heshiyeen u ahaa arrimaha Duulimaadyada in labada dhinac ka wada shaqeeyaan Xafiis laga maamulana Hargeysa laga sameeyo.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa lagu waday shalay in uu ka soo dego madaarka Berbera hase yeeshee lama garanayo sababta dib dhigtay, waxaana warkaas Waaheen u sheegay Dublamaasi aad ugu dhaw dawladda Somaliya oo ku sugan Nairobi.

 

Si kasta ha ahaatee warkan Xukuumadda Somaliland illaa hada wax war ah kamay soo saarin hase yeeshee talaabadan ayaa noqon doonta haddii ay dhabawdo mid looga fadhiyo faahfaahin in ay ka bixiso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yes that is why I thinking that something is going on, first Duur is Mogadisho and now this. Just they are testing their capacity to manipulate community.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Oo Beenisay War Lagu Sheegay In Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Uu Hargeysa Ku Sugan Yahay

 

(Hadhwanaagnews) Sunday, August 04, 2013

?Waar anagu ma ogin mid khaarijiyeed iyo mid arrima guddeed toona oo dalkayaga yimid oo dal kale ah, oo maanta ku sugan oo aanu ognahay ma jirto.

 

Hargeysa (HWN) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyay Qaar Ka Mid Ah Mareegaha Somaliland oo sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia uu Hargeysa ku sugan yahay.

 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Dhaahir (Cukuse)

Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Waxa uu carrabka ku dhuftay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

 

 

FONT-FAMILY: ´Arial Narrow´,´sans-serif´; LINE-HEIGHT: 115%; mso-bidi-font-size: 11.0pt">Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu goor dhaweyd khadka Telefoonka ugu waramayay Shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, waxaanu yidhi ?Waar anagu ma ogin mid khaarijiyeed iyo mid arrima guddeed toona oo dalkayaga yimid oo dal kale ah, oo maanta ku sugan oo aanu ognahay ma jirto.

 

Saxaafaddana waxa la gudboon, halka ay joogaan way yaqaanaane marka ay waxan oo kale qorayaan in ay xaqiijiyaan oo ay labadda dawladood ee ta loo yimid iyo ta laga yimid ee ay sheegayaan ay ka hubiyaan warkan oo kale, Waa la lahaa Afsoomaali maaha? ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

 

Wasiirka Oo Aanu Waydiinay bal in ay suurtogal tahay in mar hadii ay labadda wadan ee Somaliland iyo Somalia ku heshiiyeen qaybsiga Hawadda in ay warbaahintu ka war heshay in uu ku soo fool leeyahay dalka Somaliland wasiirka arrimaha Gudaha Somalia waxa uu yidhi ?Waxa aan ku idhi Dawladda Somaliland iyo Somalia wada hadaladoodu waxa ay ka dhacaan dalka Turkiga, labadii Goor ee ugu dambeeyay halkaas (Turkiga) ayay ka dhaceen.

 

Halka labaad ee balanta lagu leeyahay ee 120-ka maalmoodna waa dalka Turkiga uun, maaha dal Kale, Somaliland maaha, meel kalena maaha.

 

Arrimahan Hawada ee ay labadda dal wada gaadheena wax aay ahayd heshiis, meelaha lagu sii faaqidayaana gudi farsamo ayaa ka shaqaynaysa ee maaha wax inta ay wasiiro inta ay ka kulmaan shir weyn oo noocii oo kale ah laga gelayaaba? ayuu yidhi.

 

Wasiirka oo aanu waydiinay bal waxa ka jira in kulan xalay ka dhacay Madaxtooyadda oo ay qaar ka mid ah mareeguhu ku baahiyeen warkooda in ay xukuumadda iyo golaha wadatashigu ay isku faro saareen, waxa uu yidhi ?Waan la yaabanahay Najaxoow, Arrinta 17 suldaan oo aad waraysateen oo meel fadhiya ayaaba Idiin sheegay sidii ay wax ahaayeen, Warbaahinta caafimaadka qabta oo dhamina sidaas bay qortay, mid iyo laba ka mid ah Website-yadda oo warka meel ay ka qaateen aan la garanaynin baa la ii sheegay in ay qoreen warka caynkaas ah.

 

Saxaafadda waxa la gudboon waxa ay hubto ee ay xaqiijisay in mid ka mid ah beeniyaa waa ku ceeb, markaa waxa ay tahay in ay iyagu baadhitaan sameeyaan oo ay u sheegaan umadda in warka kuwaa kale ay qoreen uu been yahay oo iyagu ay soo taabteen oo 17 suldaan hor fadhiisteen, ma jirto, may dhicin meel madaxweynaha iyo nimankaas aad sheegaysaa ay isku soo hor fadhiisteen iyo waxa ay ka wada hadleen toona? ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Oo Khadka Telefoonka Ugu Waramayay Goor Dhaweyd Hadhwanaagnews.com.

 

Najax Aadan Cunaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this