Sign in to follow this  
malistar2012

Prof. Samatar Mab da'eega Hiil-Qaran waxba iskama badalin mana jiri doonto wax iga badalayo

Recommended Posts

Xoghayaha Guud ee Xisbiga siyaasada ee Hiil-Qaran Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa kulan Afur ah Magaalada Den-Haag ee Wadanka Holland kula qaatay Xubnaha Xisbiga Hiil-Qaran Fariciisa Holland, kadib Safar uu kaga soolaantay Magaalada Muqdisho, isagoona ka warbixiyay dhaq-dhaqaaqyadii ugu danbeeyay ee Xisbiga, Shirar ay dhawaan isugu imaan doonaan, iyo Xaalada Guud ee Siyaasada, Amaan iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya.

 

 

 

Hiil-Qaran-Holland-03.jpg

 

 

Hiil-Qaran-Holland-02.jpg

 

 

Hiil-Qaran-Holland-01.jpg

 

 

Prof Looks frustrated why is that ? One day he supports Unity next day he supports dismantling the Somali Nation . I think the Prof got old timer disease cant remember what he said or did when he visited SNM admin .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno sare sare oo ka tirsan Xisbiga, oo ay ka mid ahaayeen, Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Hiil-Qaran, Dr. Ibraahim Xaaji Mursal, Guddoomiyaha Xisbiga Hiil-Qaran Faraca Holland, Dr. Cali Cabdi Waare, iyo Xubin ka tirsan Guddiga sare ee Xisbiga, Avv. Muuse Axmed Xersi, iyadoo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen dhamaan xubnaha Xisbiga faraciisa Holland.

 

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Hiil-Qaran, Dr. Ibraahim Xaaji Mursal, oo ugu mahadceliyay Xubnaha Xisbiga Faraciisa Holland, soo dhaweynta iyo Afurka ay u sameeyeen Hogaanka Xisbiga, waxaa uuna sidoo kale Xubnaha Xisbiga ugu warbixiyay, howlaha u yaalla Xisbiga, isagoo sheegay in kulan 25-Augusto ka dhici doono dalka Holland loogu hadli doono, isbadalo iyo dib u habeyn lagu sameeyn doono Xisbiga, iyo sidii kore loogu qaadi lahaa howlaha Xisbiga Hiil-Qaran uu ka wado gudaha dalka Soomaaliya iyo Dibadda.

 

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay kulanka, ayaa waxaa uu ugu horeyn ka hadlay howlaha Xisbiga Hiil-Qaran, iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadan gudaha dalka Soomaaliya, waxaa uuna sheegay in Xafiiska Hiil-Qaran Muqdisho uu weli yahay mid shaqeenaya, isla markaana uu yahay Xafiis aan siyaasad kaliya u furan balse u shaqeeya Bulshada ku heeraarsan Nawaaxiga Xafiiskaasi. "Inkastoo aynu dowlad aheyn oo gacanta xisbiguna meelo badan aysan gaarin, hadana waxaa aynu ka fursan weynay sidii aan bulshada ku hareereesan Nawaaxiga Xafiiska ee jaarkeena ah, aynu wax ula qaban laheyn, gaar ahaan sidii aan ugu caawin laheyn waalidiinta iyo caruurta dhinaca Tacliinta, taasina weynu wadnaa"ayuu yiri Prof. Samatar.

 

"Soomaalidu waxa ay dhahdaa fuley xantiisa ma mooga, waxaan maleenayaa in dad badan ay maskaxda kaga jirto su'aalo badan oo ay damacsan yihiin in ay i weydiiyaan, intiina badan waxaad is leedihiin talloow Axmed ayaa maalmahaan warkiisa la maqlayee, Cabdina xaalkiisa waa sidee, balse waxaan idin cadeenayaa in aan wali ka mid ah Xisbiga Hii-Qaran, aysanna jirin wax iga weecinaya mab'da-eega Hiil-Qaran, waadna ogtihiin mabaa'diida u dagsan Xisbiga in uu tahay Muslinimo iyo Soomaalinimo" ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo sheegay in uu yahay qof aaminsan wada jirka Soomaaliya.

 

Arrimaha Siyaasadda.

 

"Waxaa is bar-bar socda, Rajo iyo Rajo-beyl, waxaad arkeysaa in dowladii aad moodo in howsheedii loo igmay ayba tahay safaro dibadda, oo aan siyaasaddii gudaha, iyo jiheyntii shacabka ku baraarugsaneen, taasina waxa ay kuu keeneysaa niyad jab iyo rajo-xumo, waayo wax weliba oo dalka ka dhaqaaqaya waxaa faraha kula jira ajnabi, taasi oo ka dhigan in dalka aanu weli xor aheyn" ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo Dowlada Federalka Soomaaliya ku dhaliilay in Siyaasada gudaha aysan weli wax ka qaban oo ayba dalka ka tahay marti.

 

"Dowlada waxa ay heshiisyo la soo gashay dowlado fara badan iyo hay'addo caalami ah, ma jirto cid ku mashquulsan sidii daba-gal loogu sameyn lahaa waxyaabihii lagu soo heshiiyay, waxaad arkeysaa madaxdii dowlada ugu sareesay oo weli Airporka ku qaabilaya Safiira iyo niman aysan isku mansab aheyn, taasina waxa ay ku tusineysaa baratakool xumadda Heysata Dowlada" Ayuu hadalkiisa raaciyay Prof. Cabdi oo sheegay in Dowlada Federalka Soomaaliya ay si weyn ugu liidato dhinaca baratakoolka.

 

Professor-ku waxa uu sheegay in dowlada aysan u madaxbananeen talaabo kasta oo ay qaadayaan oo dibadda looga yeeriyo waxa ay sameenayaan, taasina ay tahay buu yiri siyaasad iyo karti xumo haysata madaxda dowlada.

 

Amniga dalka.

 

Mar uu soo hadal qaaday dhinaca amaanka, ayaa waxa uu sheegay in caasimada Muqdisho ay la mid tahay caasimado badan oo ka mid ah dalalka caalamka, kalana siman tahay dhinaca qaraxyada, balse dhibta kaliya ee heysata ay tahay in aysan jirin ciidamo Soomaaliyeed oo la isku haleyn karo, kuwaasi oo ka qeyb qaadan kara sugida amaanka, taasina ay sabab u tahay dowlada oo ka gaabisay sidii loo tayeen lahaa ciidamada, ayna xuquuqdooda u heli lahaayeen. "Askari dagaal ku jira, qoraxdaas iyo roobka dul taagan, haddana aan heleynin xuquuqdiisa ciidan, haddii ay noqoto mushaarkiisa iyo qalabkiisa, waa ay adag tahay in wax badan laga sugo" ayuu yiri.

 

Dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka.

 

 

"Dalka waxaa ka socda dhismooyin, waxaa dib ugu laabanaya Hey'addo Caalami ah, waxaa tagaya qurba-joog fara badan, haddana ma jirto dhaqaale isa-soo kabaya oo dalka ka jira, waayo wax waliba waxa ay gacanta ugu jiraan dad ajnabi ah, dadkii magaalada ku sugnaa 90% waa dad aan shaqo heysan, waayo wax waliba waxaa gacanta loo geliyay ajnabi, balse xaqiiqda marka laga hadlo dadkeena waxa ay u baahan yihin in la jiheeyo oo jiho loo furo, taasina waxaa la heli karaa marka ay timaado Siyaasad dhuux leh oo fog"

 

"Dadka dib ugu laabanaya dalka 80% waa dad aan tayo laheyn, dalkiina aan wax kusoo kordhin karin, 20% waa dadka ku dadaalaya in ay wax ku soo kordhiyaan dalka, lama joogo xilligii inta saraawiil gaa-gaaban la qaato xeebaha la tagi lahaa, waxaa loo damaashaad tagaa wadan dadkiisu qani yihiin, balse dalkeena diifta iyo gaajada ka jirta weynu ognahay, waa ceeb in dalkeena oo sidaasi ah, aynu ku mashquulno in aan xeebo tagno, dalka waxa uu inoogu baahan yahay, sidii aynu wax badan ugu qaban laheyn" ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

 

Ugu danbeyntii waxa uu xoghayaha guud ee xisbiga Hiil-Qaran Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ku baaqay in loo baahan yahay sidii loogu fikiri lahaa marxalada iyo Mustaqbalka soo socda ee dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in dowlada Soomaaliya dhaliil kaliya aan loo jeedin balse ay sidoo kale u baahan tahay in loo duceeyo, waa sida uu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

 

Kulanka uu Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar uu la qaatay xubnaha Xisbiga Hiil-Qaran Faraciisa Holland, ayaa ku soo beegmaya xilli musharixii hore ee Xisbiga ugu tartamay jagada madaxweyne-nimada Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Muddooyinkii ugu danbeeyay ay kasoo yeerayeen hadalo u muuqda in uu u janjeeray dhinaca Siyaasada Soomaaliland oo uu markii hore si weyn u diidanaa, inkastoo weli illaa iyo haatan aan si cad loo cadeyn in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu ka baxay xisbiga Hiil-Qaran iyo In kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hiil-Qaran-Holland-11.jpg

 

 

"Soomaalidu waxa ay dhahdaa fuley xantiisa ma mooga, waxaan maleenayaa in dad badan ay maskaxda kaga jirto su'aalo badan oo ay damacsan yihiin in ay i weydiiyaan, intiina badan waxaad is leedihiin talloow Axmed ayaa maalmahaan warkiisa la maqlayee, Cabdina xaalkiisa waa sidee, balse waxaan idin cadeenayaa in aan wali ka mid ah Xisbiga Hii-Qaran, aysanna jirin wax iga weecinaya mab'da-eega Hiil-Qaran, waadna ogtihiin mabaa'diida u dagsan Xisbiga in uu tahay Muslinimo iyo Soomaalinimo" ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo sheegay in uu yahay qof aaminsan wada jirka Soomaaliya.

 

Welcome back lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thats cabdi samatar thats Axmeds brother , he will come along to of the samatar brothers Axmed is more outspoken more charismatic Abdi is just a geography professor. While Axmed samatar is Economic and international politics professor. Nevertheless we hope that Cabdi comes home to there is nothing for him in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this