Sign in to follow this  
Dr_Osman

The Big One Five.Happy Kowda Puntland. PICS + VIDEO

Recommended Posts

Dr_Osman   

It's that time of year my fellow puntland citizens. It's time of joy, tears, and remembrance of the great achievements made by the state. This year theme is very suitable and its the big one five when puntland has entered a new era. A matured era. May Puntland forever exist and progress.

 

The Doctor says Happy kowda and keep up the good work and you may see me in a party near you next week.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Hanbalyo loo direy Puntland

1 Aug 1, 2013 - 5:24:26 AM

 

 

GAROWE ONLINE

 

Iyadoo ay maanta 01 Aug,2013 ku beegan tahay sanadguuradii 15-aad markii dhidhibada loo taagay dowlada Puntland,ayaa hadana waxaa Hambalyo iyo bogaadin aan lasoo koobi karin shacabka reer Puntland iyo madaxdooda u diray qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Federalka Somalia.

 

Xildhibaanadan oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin xuska iyo qiimaha ay gareen dowlada Puntland,maaadaamaa ay dhisan yihiin 15-sano.waxayna sidoo kale wax lagu farxo ku tilmaameen in Puntland ay hooyo u tahay dhamaan dalka Somaliya,laguna soo dhisay dowlada federaalka ah.

 

Shacabka ayay ugu baaqeen inay midnimadooda xoojiyaan oo ay la dagalamaan dadka cadowga ah ee kusoo duulay dhulka udug.

 

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil ayaa sheegay inay muhiim tahay in shacabka ay adkaystaan horumarka iyo midnimadooda,ayna iska ilaaliyaan falalka keeni kara dhibaatooyinka iyo isku dhacyada,wuxuna sheegay inay jiraan dad badan oo neceb jiritaanka Puntland isla markaasna u olalaynaya bur urka mamulka hanaqaaday.

 

Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo dhankeeda ka qayb gashay dabaal-degyada lagu xusayo qaangaarida Puntland ayaa sheegtay shacabka Puntland iyo madaxdooda inay yihiin dad waxgarad ah oo aan waxba loo sheegin,kuna caan baxay waynaynta midnimada umadda Soomaaliyeed iyo sidii mar qura looga bixi lahaa dhibaatooyinka ragaadiyay dalkeena hooyo.

 

Siyaasi Daahir Ciiro oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Puntland ,ayaa saakay waxa uu dareenkiisa ku cabiray farxada iyo xuska sanadguurada 15-aad ee Puntland,wuxuna sheegay inay tahay Puntland halka kaliya ee Somaliya inteeda kale si wanaagsan uga shaqaysa shacabka ku nool-na ku caan baxay nabada iyo soo dhawaynta Soomaalida kale.

 

Inkasto aan lasoo koobi karin dareenka shacabka Puntland ka muuqda,hadana Jaaliyadaha reer Puntland ee dalka dibasiisa ku nool ayaa caawa lagu wadaa inay qabsadaan xaflado kala duwan oo ay kusoo bandhigayaan shucuurtooda ku aadan qaan-gaarida 9-ka gobal ee Puntland.

 

AUDIO

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Hanbalyo_loo_direy_Puntland.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Bossaso: Ciidanka Badda oo u dabaaldegay August

 

1 Aug 1, 2013 - 6:30:33 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Puntland ''PMPF'' ayaa maanta 01 August,2013 u dabaaldegay sanadguurada 15-aad ee ka soo wareegtay asaaskii dowladda Puntland.

 

Xarunta Puntland Maritime Police Force ''PMPF'' ee duleedka Garoonka diyaaradaha ayaa cutubyo ka tirsani gaado ka ciyaar ku soo bandhigeen iyadoona watay qaar ka mida gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

 

Sarakiisha ugu sareysa ciidanka Badda iyo kuwa difaaca Puntland ayaa kala qaybgalay ciidanka dabaaldegan ay dhigteen ,iyadoona ay iskugu hanbalyeeyeen 15 sanno jirka Puntland.

 

Taliyaha Guud ee ''PMPF'' Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa ku bogaadiyay ciidanka kaalinta wayn ee ay ka qaateen ka sifeynta kooxaha burcad badeeda deegaanada Puntland tan iyo markii la dhisay 2010.

 

Sidoo kale dadweynaha ayuu u diray hanbalayda sanadguradan 15-aad isagoona ugu baaqay inay dhowrtaan xasiloonida iyo nabadgelyada ay haystaan.

 

1_68.jpg

2_62.jpg

4_55.jpg

5_55.jpg

6_49.jpg

3_67.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Xuska sanadguurada 15-aad oo caawa lagu qabtay Garowe

1 Aug 1, 2013 - 4:01:44 PM

 

 

GAROWE ONLINE

 

Goor dhow caawa waxa lagu soo gabogabeeyay magaalada Garowe xaflada sanadguruada 15-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Puntland ayna ka soo qaybgaleen madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ,ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,taliyaaasha ciidamada iyo hayadaha amaanka ,wasiirada xukuumadda ,mudanayaasha Barlamanka ,Issimo ,Culimo ,ururada haweenka iyo dhalinyarada ,safaarada Ethiopia ,sarakiisha ciidamada darawiishta ,badda iyo booliska ,,wakiilada hayadaha caalamiga ah Puntland iyo marti sharaf kale oo lagu casumey.

 

Kooxda Waabari Puntland ee uu hogaaminayo Abwaan Cabdiqaadir Shube ayaa soo bandhigay suugaan iyo murti ka tarjumaysay Puntland iyo asaaskeedi ,sidoo kale fariimo wacyigelineed u diraysay dadweynaha oo ku aadan adkaynta midnimada iyo nabadgelyada.

 

Issimada Puntland ayaa ka hadlay dhankooda munaasibadan oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Irbad ,Suladaan Siciid Maxamed Garaase .Beeldaaje Ismaaciil iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed.

 

Wasiirada amniga ,waxbarashada ,caafimaadka ,qorshaynta iyo haweenka ayaa goobta ka soo jeedshay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo intii majaraha Puntland u qabtay Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa soo xiray khudbadihii xaflada ,waxana uu ka hadlay waxqabadka xukuumadiisa ,nidaamka xisbiyada badan ,dastuurka Somalia iyo xiriirka kala dhaxeeya DF Somalia.

 

Wax ka qabashada amaanka Puntland ayuu ka hadlay Farole,wuxuna sheegay markii ay xilka qabteen inay xooga saareen sidii amaanka looga wada shaqayn lahaa isla markasna loo fariisin lahaa tiirar waa wayn oo lagu sugo amniga iyo kala danbaynta shacabka.

 

Madaxwayne Farole dhibaatooyinkii ka dhacay magalada Qardho ayuu ku eedeeyay inuu ka danbeeyo Gen.Cadde Muuse.isagoona raacshay inay sii socon doonaan geedi socodkii dimoqraadiyada Puntland.

 

Deeqaha magaca Somalia lagu soo qaado ee aan soo dhaafin magalada Muqdisho Caasumada Somalia ayuu xusay,wuxuna sheegay inaysan waxba kasoo gaarin mashaaruucda ay dowlada Turkiga ka wado Muqdisho ,deeqaha waxbarasho oo la musuq-maasuqay ,

 

Waxa uu ku amaanay Drs Maryan Qaasim dadaalka ay u gashay sidii ardayda Puntland u heli lahaayeen mustaqbal jaamacadeed iyo aqoonsiga Puntland ,isagoona raacshay inay qaar ka mid saraakiisha DF ku qabsadeen amaanida waxbarashada Puntland.

 

DF Somalia ayuu sheegay Madaxwayne Farole inay ku ciyaartay dastuurkii lagu wada heshiiyay,wuxuna sheegay hadii aan lagu dhaqmin kii lagu wada heshiiyay inaysan wax aqoonsi ah u ahayn dowlada uu hogaaminayo Xasan Shiikh,isla markasa dastuurka hada ay haysteen uu ku ekaanaya magalada Muqdisho.

 

Dhismaha aqalka odayaasha oo dastuurka saxda ah uu ka hadlay ayuu soo hadal qaaday,mudane Farole wuxuna tilmaamay in laga leexday nidaamkaasi oo aan laga wada hadlin,fadhi aan caadi ahayn oo baarlamaanka la iskugu yeeray ayuu sheegay inuu ahaa mid looga hadlayay sidii loo diidi lahaa federaalka.

 

Puntland ayaa wada shaqaynta kala laabanaysa DF Somalia inta dastuurkii lagu heshiiyay dib loogu soo celinayo ayuu yiri madaxweynuhu.

 

Shirarkii dowlada Somalia iyo Somaliland dhowr jeer ay wada yeesheen ayuu soo hadal qaaday,wuxuna sheegay inaysan ka xumayn balse loo baahan yahay in la cadeeyo shirarkaasi waxay salka ku hayaan.

 

Mudane Farole waxa uu si adag u sheegay hadii ay dowlada dhexe ee Somalia ka soo laaban waydo arimaha ay ku socoto oo aan sharci ahaan munaasib ahayn ay dhamaan xiriirka wada shaqaynay u jiri doonan,isla markaasna ay ka tashan doonan wada shaqayn sii socoto oo dhex marta Dowlada Somalia.

 

Khudbadii madaxwaynaha Dowlada Puntland oo halkaasi ku dhamaatay ayaa waxa uu shihaado sharaf ku gudoon siinyay shaqsiyaad sigaar ah loogu sheegay inay mudan yihiin,dadka la gudoonsiiyayna waxa ka mid ah Engijeerkii dhisay madaxtooyada cusub ee Puntland iyo guddigii calanka Puntland kala saarayay tartamayaasha oo gudoomiye u ahaa AHN Dr.Jimcaale.

 

Halkan ka dhageyso Khudbadda Madaxweynaha Puntland oo dhamaystiran

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Xuska_sanadguurada_15-aad_oo_caawa_lagu_qabtay_Garowe.shtml

 

IMG_4655.JPG

IMG_4660.JPG

IMG_4669.JPG

IMG_4674.JPG

IMG_4688.JPG

IMG_4689.JPG

IMG_4701.JPG

IMG_4711.JPG

IMG_4835.JPG

IMG_4862.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

saado_cali.jpg

 

Somalia: Federal MPs congratulate Puntland people on 15th anniversary celebration

1 Aug 1, 2013 - 9:15:29 AM

 

Garowe, Somalia August 1, 2013 (Garowe Online)-Somali Federal MPs have congratulated Puntland people and their government on marking Puntland’s 15th anniversary on Thursday, Garowe Online reports.

 

Speaking on Puntland-based independent station Radio Garowe, Federal Members of Parliament including Abdi Barre Yusuf Jibril, Sado Ali Warsame and former TFG MP Dahir Iro said they are expressing great gratitude to the people and government of Puntland for their unity and support to achieving lasting peace and tranquility across Somalia.

 

They added that Puntland is renowned for peace and sustainable development in various key areas including education and health and stressed the need for unity to overcome any outstanding challenges.

 

Continuing, the lawmakers told that it is a great felicity for them to convey their words to Puntland people and their government which they say is a role model for Somalia.

 

The date on which Somalia’s Puntland government was formed, August 1 is celebrated across cities and districts in Puntland and worldwide with festivities and colourful events.

 

Puntland, located in northeastern Somalia, has been relatively stable for decades with its own constitution, government and parliament.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

sawir-101.jpg

 

Xuska sanadguurada 15-aad ee Puntland oo Caawa ka socota Garoowe(Sawiro)

| on August 1, 2013

 

Waxaa si toos ah caawa xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ka socota xaflad weyn oo loogu dabaaldagayo sanadguurada 15-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskii xukuumadda Puntland oo ku beegan maanta oo kale kowda Agoosto sanadkii 1998-dii.

 

Munaasabaddda ayaa waxaa goob joog ah inta badan madaxda Puntland,nabadoono,waxgarad,aqoonyahano,dhalinyaro,haween,ururada aan dowliga ahayn,kuwa dowliga ah,Issimo.Salaadiin,ardayda iyo marti sharaf kale ayaa goobta ku sugan ay ka dhacayso xafladda.

 

Khudbado kale duwan ayaa laga soo jeedindoona haddi ALLE idmo,kuwaasi oo looga hadlidoono aas-aaskii Puntland.

 

Naga filo haddii ALLE idmo in sha’alahu tacalaa sawirada iyo khudbadaha xafladda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Garoowe: Madaxtooyada Puntland oo ay ka socoto Sanad guuradii aasaaskii Puntland (Sawiro)

August 1, 2013 11:28 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Print

 

 

Garoowe: (pp)- Waxaa mardhow soo gaba-gabooya xaflad ballaaran oo kagu qabtay madaxtooyada Puntland ee Garoowe, xafladaas oo ku aadan Waqtigii dhidhidaba loo taagay Dowlad goboleedka Puntland.

 

 

Xaflad ku aadan aasaaskii Puntland oo ka socota Garoowe

 

Xafladaas ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Puntland iyo Kuxigeenkiisa, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka Puntland , Isimada iyo waxgaradka , waxaana halkaas lagu soo bandhigay Riwaayado , taariikh iyo barnaamijyo kala duwan.

 

Kala soco Puntlanpost barnaamijka

 

Daawo Sawiro ku aadan Xaflada

 

IMG_4591-450x342.jpg

IMG_4595-450x342.jpg

IMG_4605-450x342.jpg

IMG_4610-450x342.jpg

IMG_4626-450x342.jpg

IMG_4632-450x342.jpg

IMG_4634-450x342.jpg

IMG_4639-450x342.jpg

IMG_4650-450x342.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Boosaaso: 1-da Agoast Oo Bosaso Laga Xusay ( Warbixin + Sawiro)

August 2, 2013 12:01 am GMT - Written by PP - Edited by PP

 

Boosaaso: (pp)- Haween,dhalinyaro,hogaamiye dhaqameed,Xubno ka tirsan Golaha Xukuumada Puntland iyo maamulka degmada Bosaso ayaa si wada jir ah ugu dabaal-dagay 1-agost oo ku beegan 15-sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aasay maamulka qangaaray ee Puntland.

 

Masuuliyiinta dadweynaha kala qayb galay Munaasabada ayaa waxa qayb ka ahaa,Wasiirka Wasaarada Dekedaha Gaadiidka badda iyo la-dagaalanka Burcadbadeeda Eng. Siciid Maxamed Raage,Wasiir ku xigeenka amniga Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil, Agaasimaha Waaxda Furdooyinka ee Wasaarada Maaliyada Puntlad Qaasim Maxamed Yuusuf iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxda iyo bulshada u dabaal-dagay Munaasabada ayaa isugu hambalyaynayay qaangaarnimada Puntland,waxaana wajiyadooda laga dheehan karay dareen farxadeed.

 

Duqa degmada Bosaso Xassan Cabdala Xassan oo Daah-furay Munaasabada ayaa hambalyo diiran u diray Madax iyo dadweynaha reer Puntland,waxaana uu xusay in halka ay marayso Puntland ay horseed u ahayd amaanka iyo xasiloomnida ka jirta deegaanada Puntland.

 

Wasiirka Wasiirka Wasaarada Dekedaha Gaadiidka badda iyo la-dagaalanka Burcadbadeeda Eng. Siciid Maxamed Raage oo ka mid ahaa masuuliyiintii la hadlayay dadweynaha ayaa sheegay in Xukuumada Puntland ay ka go’an tahay dhamaystirka Garoonka diyaaraha ee Bosaso,ka hor mudada ka dhiman xilhaynteeda.

 

Agaasimaha Waaxda Furdooyinka ee Wasaarada Maaliyada Puntlad Qaasim Maxamed Yuusuf oo ka hadlay madasha ayaa sheegay ka hor inta aan la dooran Xukuumada uu hogaanka u hayo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ‘’Farole’’ in Puntland aysan lahayn Calan,Dastuur,Astaan,Telifishan iyo Madaxtooyo Casri ah,hasa yeeshee Xukuumada Puntland ay ku guulaysatay hirgalinta arrimahaasi.‘’…..

 

‘’..Xukuumada Puntland Waxay ku guulaysay samaynta Dastuurkn oo ah kan maanta aan ku dhaqmayno ee aan gacanta aan ku hayno,calankii Puntland loo sameeyay waa kaas horteena ka babanaya,waxaad og tihiin in Telefishankeena uu tijaabo ku jiro,lana sameeyay Mdaxtooyo casri ah oo la mid ah Madaxtooyooyinka caalamka’’Ayuu yiri Qaasim.

 

100_8923-450x342.jpg

100_8885-450x342.jpg

100_8958-450x342.jpg

100_8967-450x342.jpg

100_8898-450x342.jpg

100_8970-450x342.jpg

100_8881-450x342.jpg

100_8907-450x342.jpg

100_8935-450x342.jpg

100_8938-450x342.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Saado-Cali-Warsame1.jpg.pagespeed.ce._he

 

Boosaaso[RBC Radio] Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ummada reer Puntland uga hambalyeysay Sanadguurada 15-aad ee aasaaska Puntland.

 

Saado Cali Warsame oo la hadleysay Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in Shacabka reer Puntland dal iyo dibadba ay leedahay Sanadguuro wanaaagsan.

 

….””Guud ahaan shacabka reer Puntland meel walba oo ay joogaan,waxaan leeyahay Sanadguuro wanaagsan sanadka sanadkiisa nabadqab bashbash iyo barwaaqo Alle ha inagu gaarsiiyo…””ayey tiri Saado.

 

Waxay Xildhibaanadu ku tilmaantay guud ahaan gobolada Puntland dhul nabadeed isla markaana ah deegaan ugu Xadaarad dheer geyiga Soomaaliyeed.

 

…””Waa farxad aad u ballaaran,waa gobolada kamid ah geiyigeena Soomaaliya kuwa ugu nabada badan leh ugu Xadaarada dheer leh,waxaan leeyahay guuleysta..””ayey tiri.

 

Midnimada Shacabka.

 

Xildhibaanada oo hadaladeeda qiiro laga dareemayey ayaa sheegtay in mar kasta ay Jeceshahay isku Xirnaanta Shacabka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan.

 

Waxaan laga doonayaa bey tiri Saado in Shacabku noqdaan kuwa ka qeybqaata dhisitaanka dalka sida ay iyaguba uga qeybqaateen Jiritaanka dawladooda iyo dhulkooda.

 

….””” Waxaan idin ku duceynayaa ineydaan arag balaayo, ilaahayna idin ka xijaabo,caqligaas aad ku dhisteen Puntland waxaa la doonayaa inaad Soomaaliya oo dhan ku dhistaan..””ayey tiri mar kale.

Sheydaanku Yuusun Idin soo dhexgelin!!

 

Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa kula dardaarantay Ummada reer Puntland iney Ilaashadaan Nabad iyo Barwaaqada isla markaana sheydaan soo kala dhexgelin.

 

Waxay Intaas ku dartay….”” Waan hubaa inaad tihiin Ummada aan waxba loo sheegeyn oo wax walba og laakiinse waxan leeyahay bashbash iyo barwaaqo waan idin hambalyeynayaa guda iyo dibadba….””ayey tiri.

 

Sanadguurada 15-aad ee aasaaska Puntland ayaa si weyn looga Xusayaa dal iyo dibadba,waxayna Shacabka reer Puntland u tahay maalin dhankooda ku weyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

322x212xCabdiweli-Maxamed-Cali-Gaas33.jp

 

Dr Cabdiweli Gaas oo Shacabka Ugu Hambalyeeyey Sanadguurada 15-aad ee Aasaaska Puntland

 

Adis Ababa[RBC Radio] Raysalwasaarihii hore ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Cali Gaas ayaa Ummada reer Puntland u diray Hambalyo ku aadan Sanadguurada 15-aad ee Puntland.

 

Mudane Cabdiweli Cali Gaas oo ku sugan magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu bogaadin u dirayo Shacabka Puntland Puntland.

 

…”” Shacabka reer Puntland dibad iyo gudaba meeshey joogaan annigoo ugu hambalyeynaya Sanadguurada 15-aad ee kasoo wareegtay maalintii la aasaasay dal-udug oo ah dhulka aan wada jecelnaha dhammaanteen….””ayuu yiri Dr Gaas.

 

Wuxuu sheegay iney farxad tahay in maanta ay kasoo wareegtay Aasaaska Puntland muddo 15-sano ah isla markaana lagu talaabsaday horumar dhan walba ah.

 

….””” Waxaa runtii farxad ah in maanta ay kasoo wareegtay 15-sano oo dawladnima ah ay ka jirtay Puntland ayna gaartay horumar dhan walba ah mid Siyaasadeed,mid dhaqaale iyo mid Ijtimaaci intaba….””ayuu yiri.

 

Wax baa dhiman!!

 

Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in ka sakow in Puntland ay ku talaabsatay horumar ballaaran balse ay weli dhimanyihiin tallaabooyin dhanka horumarka loo qaado.

 

….”” Sidoo kale waxaa mudan in la xuso in ay wax badan dhimanyihiin loona baahanyahay in Puntland laga qaado meesha ay joogto lana gaarsiiyo meesha kuligeen aaminsanahay iney Istaahisho….””ayuu yiri.

 

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Cali Gaas ayaa Ummada reer Puntland u rajeeyey in Sanadka sanadkiisa kale ay ku gaaraan Caafimaad,horumar,midnimo iyo nabadgelyo.

 

…..””” Waxaan rajenayaa in Sanadka sanadkiisa kale aad ku gaartaan Caafimaad,horumar,wadajir,midnimo iyo nabadgelyo waarta…””ayuu yiri.

 

Madax iyo dad magic ku leh geyiga Soomaaliya sida Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kasoo jeeda Puntland ayaa u diray hambalyo Shacabka reer Puntland Sanadguurada 15-aad awgeed.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this