Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab: we will continue the attacks against the Turks

Recommended Posts

Al-Shabaab oo sheegetey weerarkii Turkiga lagu qaadey shalay, iyo hanjabaad hor leh oo Shabaab kasoo yeertey

 

Mogadisho– 28 luuliyo,2013–Pi– Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere oo Saxaafadooda ka hadlay ayaa shaaca ka qaadey in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkii shalay oo sabti ahayd lagu qaadey Shaqaalaha Turkiga, Cali Dheere wuxuu intaas raciyey in ay Dileen lix Turki ah, isla markaasna Al-shabaabkii weerarka geystey ay qaarkood nolol ugasoo noqdeen weerarka.

 

Cali dheere wuxuu shaciyey in ay sii wadayaan weerarada lagu hayo Turkiga sababtoomah buu yiri Turkigu waxay gacan siiyaan kuwa kusoo duuley Islaamka.

 

Al-shabaab waxay sheegteen in Dagaal yahanadoodu ay gudaha u galeen Dhismaha Ay daganayeen Shaqaalaha Turkiga ah ayna halkaas ku dileen Turki gaaraya Lix kuwo kalane ay dhawaceen, laakiin Waaarada Arimaha Dibada Turkigu waxay maanta shaaciyeen in hal Askri uga dhintey weerark Sadex kalane ay dhawac yihiin.

 

Hanjabaadaan kasoo yeertey Al-shabaab iyo weerarkii shalay waxay kusoo beegmayaan xili uu maanka Magaalada Muqdiaho aad usii xumaanayo iyadoo qaraxyadu ay hada joogto noqdeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarakada Al-shabaab oo ku Hanjabtay in ay Kordhin Doonto Weerarrada ay la beegsanayso Shaqaalaha Turkiga ee Somalia Jooga

Axad, July 28, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay kordhin doonto weerarrada ay la beegsanayso shaqaalaha Turkiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay inay Turkigu qayb ka ahaayeen duullaanno lagu qaaday dalal muslimiin ah oo caalamka ku yaalla.

 

Afhayeenka guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afkooda ayaa sheegay inay weerareen dhisme ay deggenaayeen saraakiil Turki ah oo ku taalla degmada Hodan, halkaasna ay ku dileen lix illaa toban ka mid ah dulamaasiyiin Turki ah oo goobtaas ku sugnaa tiro intaas ka badanna ay dhaawaceen.

 

“Weerarka waxaa fuliyay walaalo ka mid ah mujaahidiinta, waxayna gudaha u galeen xarunta, iyagoo dilay inta u dhexeysa lix illaa toban ruuxx Turki ah, kuwo kalena dhaawacyo ayay u geysteen, waxaana walaalahaas qaarkood ay si nabad ah uga baxeen dhismaha,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

 

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in weerarkan uu billow yahay qorshe ay ku doonayaan inay ku beegsadaan shaqaalaha Turkiga ah ee Somalia ku sugan, gaar ahaan kuwa jooga Muqdisho. Isagoo ku eedeeyay Turkigu inuu maleegayo shir-qoollo ka dhan ah dadka Soomaaliyeed.

 

“In badan oo ka mid ah Soomaalida waxay qariibsanayaan ama la yaab ku noqonaysa marka ay maqlaan in Turkiga ayaa la weerarayaa iyagoo is leh sow Turkigu ma ahan muslim, balse waxaan u sheegaynaa in Turkiga uu ka baxay xayn-daabkii muslimiinta uuna garab iyo gaashaan u noqday gaalada dhibaatooyinka ka geyanaya dunida muslimka,” ayuu yiri Sh. Cali Dheere.

 

Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa sheegay in Turkiga ku sugan Muqdisho ay maleegayaan shirqoollo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, kuwii shalay la weerarayna ay ka mid yihiin kuwa shirqoollada abaabulayay, isagoo xusay in iyagoo taas ka duulaya ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Turkiga ku sugan Somalia.

 

“Dowladda Turkiga waxay garab iyo gaashaan u tahay gaalada, waxayna ka mid tahay ururka NATO oo ay ku bahoobeen reer galbeedka, iyadoo qayb ka ahayd dhibaatooyin laga geystay dalal ay ka mid tahay Afgaanistaan,” ayuu Sheekh Cali Dheere kusoo af-jaray hadalkiisa.

 

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay weli ka talisaa dhul ballaaran oo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla, waxaana sheegeen dhawaan in tan iyo markii ay billlaabatay bisha Ramadaan ay fuliyeen weerarro isugu jira kuwo toos ah iyo kuwo ismiidaamin ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this