Sign in to follow this  
malistar2012

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha oo gaaray deegaano ka tirsan Sh/Hoose

Recommended Posts

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta C/llaahi Abyan Nuur, Xildhibaano iyo Saraakiil ayaa maanta gaaray deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose.

 

Sida ay sheegayaan wararka wafdigan ayaa ujeedkooda yahay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen beelaha ku dagaalamaya deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose, waxaana wafdiga ay goor dhoweyd ay ka degeen deegaanka Nambar 50.

 

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka soo kala jeeda dhinacyada ku dagaalamaya deegaanada Shabellaha Hoose, iyadoo haatan ay soconayaan kulamo looga hadlayo sidii dagaalka loo qaboojin lahaa.

 

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in wafdiga Wasiirada iyo Xildhibaanada ay u gudbi doonaan deegaanada lagu dagaalamay oo ay isku hor fadhiyaan labada dhinac, sida deegaanka Ceel Wareegow, Nambar Lixdan iyo deegaano kale oo u dhaxeeya Marka iyo Afgooye.

 

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Siidi ayaa sheegay in wafdiga ay ku soo dhoweeyeen deegaanka Nambar 50, waxaana uu tilmaamay inay socdaan kulamo la xiriira sidii labada dhinac loo kala dhex geli lahaa.

 

"Meesha waxa ku dagaalamay waa ciidamo ka tirsan dowladda, maxaa yeelay anaga waa awoodi weynay inaan kala dhex galno, ciidamada dagaalamaya waa labo beelood, waxaana rajeyneynaa in xal laga gaaro colaada"ayuu yiri C/qaadir Siidii.

 

Odayaasha deegaanka ayaa labada beelood ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, iyadoo warar dhiilo xambaarsan ay warbaahinta ka sii daayeen labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyay.

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa xoogeystay dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda oo ka soo kala jeeday Beelaha Biyamaal iyo H/gidir, iyadoo baaqyo dhowr ah oo ka soo baxay odayaasha dhaqanka ay ku dalbadeen in xiisada la qaboojiyo.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

golfyare@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka tirsan dowladda iyo AMISOM oo loo diray deegaanada lagu dagaalamay ee Sh/Hoose

 

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maanta gaaray deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose, si ay u kala dhex galaan dhinacyada ku dagaalamaya deegaanada u dhaxeeya Afgooye iyo Marka.

 

Sida ay sheegayaan wararka dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadan u dirtay aagaga ay ku dagaalamayaan ciidamada qaab beeleedka u dagaalamaya, si ay u qaboojiso xiisadaha sii xoogeysanayay.

 

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan uu horkacayay Taliyaha Ciidamada xooga dalka iyo saraakiil kale, iyagoo gaaray deegaanka Nambar 50 iyo Nambar 60-dan, halkaasoo ay isku hor fadhiyeen maleeshiyo beeleed ka tirsan dowladda Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay in aanay maamulkooda awood u laheyn inuu dhex galo dhinacyada dagaalamaya, hase ahaatee taa bedelkeed ay dowladda ka codsadeen in ciidan loo soo diro.

 

Dad goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada oo watay gawaarida dagaalka ay ka gudbeen deegaanka Muuri, iyadoo ciidamadan lagu daadiyay wadada dheer ee isku xirta Marka iyo Afgooye.

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa xoogeystay dagaalo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda oo ka soo kala jeeday Beelaha Biyamaal iyo H/gidir, iyadoo baaqyo dhowr ah oo ka soo baxay odayaasha dhaqanka ay ku dalbadeen in xiisada la qaboojiyo.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

golfyare@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The two Tribes must share the city its big enough , The Habergangster invested in lower shabelle and liberated from Alshaabaab same scenario as jubbaland those with guns are majority ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this