Sign in to follow this  
malistar2012

Kulan looga hadlayay Ammaanka oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawiradda)

Recommended Posts

Kulan ballaaran oo looga hadlayay Ammaanka oo ay ka qeyb galeen Wasiiro, Maamulka Gobolka Banaadir, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda wada hadalka Bulshada ee CCD ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Jaamac Axmed Maxamed (Jaamac Oday), Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan, Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Maamulka Galmudug, Xildhibaanad Caasho Koos, Gudoomiyaha Hey'adda Wada hadalka bulshada ee CCD Mudane Ciise Axmed Cumar iyo Ururada Haweenka.

 

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Afhayeenka Dhalinyarada Gobolka Banaadir Xasan Coday oo ka hadlay ujeedada kulankan iyo kaalinta Hey'adda CCD ka qaadatay horumarinta iyo wacyi gelinta dhalinyarada sidii ay uga shaqeyn lahaayeen ammaanka, isla markaana ay horay 6-degmo ugu soo qabatay kulamo iyo Siminaaro.

 

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Jaamac Axmed Maxamed (Jaamac Oday) oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay isu imaatinka kulankan ay ka qeyb galayaan in ka badan labo boqol dhalinyaro oo ka kala socday 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

 

"Runtii waxaa ammaan u soo jeedinayaa dhalinayarada 17-ka degmo ee halkaan fadhisa waxaa ku amaanaya inay xil badan iska saareen ammaanka iyo is dhex galka bulshada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo hey'adda soo qaban qaabisay ee CCD waa ku amaanayaa"ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jaamac Oday.

 

Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan nabada, isla markaana ay ka maarmaan qabiilka, isagoo ku baaqay inay la yimaadaan wadaniyad.

 

"Waxaa naga maqan umadnimo iyo wadaniyad inaan noqono wadaniyiin dal dadkiisa, waa inaad ku xisaabtantaan, wadaniyada iskama timaado cayaar cayara ma ahan, marka qofka fahmo danta guud dalkiisa difaacaa, waxa dalka baabi'iyay waa qabyaalada iyo daneysiga waa inaan labadaas meesha ka saarno"ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha.

 

Sidoo kale wasiir kuxigeenka ayaa sheegay in dhalinyarada 17-ka degmo looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan amniga, isagoo xusay in ka wasaarad ahaan ay soo dhoweynayaan shirkan ballaaran loo qabtay dhalinyarada.

 

"Degmo walba dhalinyaradeeda hadii la helo waayeelkeeda waa la helayaa, in wax weyn laga qabto amniga, anaga u baahan dhalinyarada u baahan, qaranka u baahan, gobonimada ku jirta, midnimada soo laabaneyna, CCD aad iyo aad u soo dhoweyneynaa yoolka aad gaarteen waa idinku hambalyeynayaa, Wasaarad ahaan waa soo dhoweynaynaa inaan shir u qaban doono dhalinyarada oo madaxda wasaarada ka soo qeyb geli doonaan"ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

 

Xildhibaanad Caasho Koos oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in dhalinayarada looga baahan yahay inay isku xirnaadaan nabadana ka shaqeeyaan, iyadoo xustay in dhalinyarada ay yihiin mustaqbalka dalka.

 

"Waxaa halkan uga mahadcelinayaa Hey'adda CCD oo aan aheyn markii u horeysay oo ay kulamada soo qaban qaabiso, aniga waxaa ka tirsanaa Ururka Haweenka Qaranka, waxaa ahaa dadkii ay soo bar baarisay Hey'adda CCD, waa hey'ad u taagan inay dadka hadlaan oo codkooda dhiibtaan oo ay iska dulqaadaan cadawga"ayuu yiri Xildhibaanad Caasho Koos.

 

Sidoo kale Xildhibaanad Caasho Koos ayaa tilmaamtay in dhalinayarada looga baahan yahay in kuwa falalka amni daro ka dambeeya ka soos aaraan guryahooda, isla markaana aanay u fiirin hadii ay hooyadood dhashay, ayna Ciidamada ammaanka u soo gacan geliyaan.

 

"Mustaqbalka dalka waa idinka kuwa uurka lagu sido iyo kuwa dhabarkiina jiifa, waxaa la idinka rabaa gacan ku dhiiglaha hadii hooyadaa dhashay in aadan qarin kuwa guryaha aad ku heysatiin in aadan qarin dumiyaha dalka, haween dilaha, dhalinyar dilaha in aadan qarin oo aad soo saartaan"ayay tiri Xildhibaanad Caasho Koos.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo kulanka ka jeediyay khudbad aad xasaasi aheyd oo dhinacyo badan taabaneysay ayaa sheegay in dhalinyarada ay maanta garteen doorkooda amniga magaalada, isagoo ku baaqay in degmo walba ay sameyso isku xirnaansho, si looga hortago falalka amni daro.

 

"Waxaa farxad weyn noo ah maanta in dhalinyarada kacday oo ay garteen doorka ay ku leeyihiin amniga magaalada iyo is dhex galka bulshada, waxaa aad ugu mahdineynaa hey'adda ccd abaabulkan ay sameysay horay waa u ogeyn inay abaabulo badan sameyso bulshada qeybaheeda kala duwan ay abaabusho"ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

 

Mr Tarsan ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin dadka wax bedelo, isla markaana ay qeyb weyn ku lahaayeen kacaanadii dalalka carabta ka dhashay, taasoo uu xusay in dhalinyarada ay horseed u ahaayeen isla markaana dhalinyarada aanay jirin awood celin karta xataa hadii uu yahay Taangi.

 

"Dadka wax bedela waa dhalinyaro, kacaanadii dalalkii carabta ka dhashay dhalinyaraa horseed ka ahaa, sababtoo ah mustaqbalkooda ayaga horseed ka ah, dhalinyarada awood la celin karo ma ahan, xataa hadii Taangi yahay, laakiin magacan dhalinyaro maanta waa la xumeeyay, waxaa laga dhigay kuwo dabka lagu shiday, dhalinyaradana waa mustaqbalka dalka"ayuu yiri Tarsan.

 

Gudoomiye Tarsan ayaa ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay bilaabeen inay haweenka ugaarsadaan, isagoo cambaareeyay dilkii Gudoomiye kuxigeenkii degmada Yaaqshiid Raxmo Dahir oo uu tilmaamay in gurigeeda ay ku dileen kuwo diin sheeganaya.

 

"Maanta Haweenka inay ugaarsadaan ayay bilaabeen wax ilaalinaya ma jirto, waxay ku tala galeen inay haweenka dilaan in la ogaado rabaan inay joogaan oo argagixiso yihiin, kuma aadan guuleysan ayaa leenahay, haweenka waa soo jeesteen in umada isku xiraan"ayuu yiri Tarsan.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeya ay iclaaminayaan dagaal bulshada Muqdisho iyo Shabaab, isagoo ku baaqay in god kasta iyo guri kasta loogu galo Shabaab.

 

"Maanta waxaa iclaamineynaa Shabaab guri kasta uu ku jiro waa ugu galeynaa, god kasta ay ku jiraan, inaad is abaabushiin dagaal naga dhaxeeya hadaan nahay bulsha weynta muqdisho haween iyo rag inaan dagaal la galeyno, degmooyinka inaa is abaabushiin in aad ka warqabtiin waxa socda waxaa leenahay waa inoo dagaal Shabaabow gododka iyo meelaha ay ku jiraan waa ifineynaa ka ilaalsada baalooyinka in la jibiyo, sagaal wado ayaa gelineynaa nalalka"ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Gudoomiye Tarsan.

 

Waxaa kaloo ka hadlay kulanka Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Ammaanka Warsame Maxamed Xasan Joodax, Gudoomiye kuxigeenak ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi, Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab, kuwaasoo sheegay in loo baahan yahay inay bulshada is abaabusho, ammaankana ka shaqeyso, isla markaana la soo sheego dadka falalka amni darada ka dambeeya.

 

Ugu dambeyn boqolaalkii dhalinyaro ee kulanka ka qeyb galay ayaa is weydaarsaday talooyin iyo fikrado la xiriiray sida lagama maar-maanka u ah inay isku xirnaadaan, ayna laamaha ammaanka kala shaqeeyaan cid kasta oo amniga caqabad ku ah ay soo sheegaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

gobolka-kulan_14.jpg

 

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeya ay iclaaminayaan dagaal bulshada Muqdisho iyo Shabaab, isagoo ku baaqay in god kasta iyo guri kasta loogu galo Shabaab.

 

 

 

"Maanta waxaa iclaamineynaa Shabaab guri kasta uu ku jiro waa ugu galeynaa, god kasta ay ku jiraan, inaad is abaabushiin dagaal naga dhaxeeya hadaan nahay bulsha weynta muqdisho haween iyo rag inaan dagaal la galeyno, degmooyinka inaa is abaabushiin in aad ka warqabtiin waxa socda waxaa leenahay waa inoo dagaal Shabaabow gododka iyo meelaha ay ku jiraan waa ifineynaa ka ilaalsada baalooyinka in la jibiyo, sagaal wado ayaa gelineynaa nalalka"ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Gudoomiye Tarsan.

 

Finally Tarsan is getting it right , Its time to secure Mogadishu and make alshabaab history . Gudoomiye Tarsan number one priority should be security ,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Governor Tarsane and Mogadishu admin are feeling the Heat their Jobs and career are on the line , They must act now and change security situation.I thing they are serious today enough is enough its time to close Alshabaab cells in Xamar . Mogadishu admin are starting to steps to make the the city safe ,

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is a new initiative

 

as’uuliyiin ka Socday Gobolka Banaadir iyo Booliiska Soomaaliya oo xalay kormeeray Degmooyin ka Tirsan Muqdisho

Talaado, July 23, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo taliska booliiska Soomaaliy ayaa xalay kormeer ku sameeyay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo kormeerkan uu ahaa mid lagu ogaanayo sida ay ciidamada ammaanku u shaqeeyaan.

 

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammanka ee gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo hoggaaminayay xubnaha kormeerka sameeyay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kormeerkooda habeenimo ay ku eegayaan sida ammaanka caasimadda uu yahay.

 

“Kormeerkeennan waxaa ku eegaynaa sida ay tahay xaaladda ammaan ee gobolka Banaadir, degmooyinkii aan booqannayna waxay ahaayeen kuwo ay ka socotay howlo lagu sugayo ammaanka, waana ka mahadcelinaynaa,” ayuu yiri Warsame Joodax.

 

Degmooyinka kormeerka lagu sameeyay ayaa kala ahaa, C/caasiis, Xamar-weyne, Shingaani iyo Xamar-jajab, waxaana intii ay mas’uuiyiintan ku jireen kormeerkooda ay la kulmeen mas’uuliyiinta degmooyinka iyo qaar ka mid ah kuwa xaafadaha degmooyinkaas, iyagoo ka dhageystay warbixinno amniga ku saabsan.

 

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta kormeerka sameynayay xalay ayaa sheegay in howshan ay tahay mid lagu xoojinayo ammaanka Muqdisho, degmadii guul ka gaarta sugidda amniga ay heli doono abaalmarin lacageed.

 

“Howshan kormeerka ah waa mid socon doonta, waxaana si aan la ogeyn ku tegi doonnaa degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood habeen walba, si aan u kormeerno sida ay howluhu u socdaan, runtiina kormeerkeennii xalay guul ayuu ku dhammaaday,” ayuu yiri Hilowle oo la hadlay warbaahinta.

 

Guddoomiyeyaasha degmooyinka la booqday iyo taliyayaasha saldhigyada oo iyaguna hadlay ayaa sheegay inay habeenkii oo dhan soo jeedaan si ay u xoojiyaan ammaanka degmooyinkooda si aysan u dhicin falal ammaanka ka soo horjeeda.

 

Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli baqdin weyn laga qabo in Al-shabaab ay weerarro ka geysato magaalada Muqdisho, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo kooxdan looga bartay inay weerarro xooggan ka fuliso Muqdisho.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this