Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bossaso Airport State Of The Art Runway Under Construction

Recommended Posts

Dr_Osman   

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Bosaso oo dhowaan bilaabanaya

 

Garowe–20 Luuliyo,2013–Puntlandi– Sida ay Warar hoose ku heleen Howlwadeenada Puntland ee u dhuun daloola Madaxtooyada Puntland waxaa dhowaan bilaabanaya howlaha lagu dhisayo Garoon ka Diyaaradaha Bosaso, Waxaana hada meel dhow maraya shaqooyinkii iyo Dadaalada loogu jiro in howsha dhismaha Garoonka ay bilaabato, Sida aan Warka ku helney Shirkadii dhisi lahayd Garoonka ayaa dhowaan waxay soo dejinaysaa Qalabka Dhismaha oo ay u isticmaalayaan dhismaha Garoonka Diyaaradaha, waxaana la qorsheynayaa in si deg deg ah ay howshaas ku dhamaato.

 

Sida la qorsheynayo Garoonka diyaaradaha Bosaso waxaa laga dhigayaa Garoon Caalami ah oo ay Diyaaradaha waaweyn soo caga dhigtaan iyadoo xitaa sida naqshada ka muuqata loo sameyn doono dhalal laamiga ay diyaaradu soo caga dhigato, waxayna taasi saamaxeysaa in Habeenkii ay diyaaraduhu soo caga dhigtaan kana duulaan Bosaso.

 

Dowlada Puntland waxay horey dhowr jeer u shaaciyeen in dhismaha Garoon Caalami ah oo Puntland yeelato uu qarka saaran yahay, kasoo noqon doona Garoonka Diyaaradaha Bosaso balse balan qaadkaas dhowr jeer ayuu dib u dhacay sababo jirey awgeed, Dowlada talyaaniga ayaa hada gacan wayn ka geysan doonta dhismaha Gagida Diyaaradaha Bosaso, waa sida aan warka ku helney, shirkada dhisaysana waa shirkad Talyaani ah.

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. cabdiraxmaan Sheikh Maxamed faroole mar uu ka hadlayay isagoo dhaliiley kaalmada ay Dowlada Turkigu u qabato Soomaaliya ayuu yiri “Dowlada Turkigu Puntland dhabarka ayay u jeedisey lakiin waxaa booskooda noo galay Dowlada Talyaaniga”

 

Qurba joogta Puntland ayaa baahi wayn u qaba Garoon Caalami ah oo Puntland yeelato, sida ay Xeeldheerayaal ku xeel dheer arimaha Safarada ay Puntlandi us heegeen hadii Garoonka Diyaaradaha Bosaso la casriyeeyo waxay saamaxaysaa in kumayaal Soomaali ah oo Qurbaha ku nool ay sanad walba usoo dalxiis tagaan Puntland xiliyada barwaaqada iyo xiliyada uu fasaxa Iskuulada ay ka jiro Qurbaha.

 

Puntlandi.com

 

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this