Sign in to follow this  
Dr_Osman

Dr Hiraab Blasts Puntland. Puntlander Fires Back

Recommended Posts

Dr_Osman   

300x229xDr.-Ali-A-Hirabe-300x229.jpg.pag

 

Xiligii Faroole D.F maxkamad geeyn laheeyd sow maaha. W/Q Dr.Ali.A.Hirabe

Comments (41) | Write Comment

 

Xiligii Faroole D.F.maxkamad geeyn laheeyd sow maaha.

Dr. Ali A Hirabe

Hirabe_a@hotmail.com

 

Luulyo 16 2013

 

Dr. Ali. A. Hirabe

 

Haddii aayan ka hadal dowlada federaalka gumaadka Faroole ka wado dhulka Puntland sow lama dhihi karo dowlada federaalka ayaa qeeyb ka ah gumaadka sabbata oo ah shacabka la gumaadayo waa shacab Somali ah xilka badbaadinta shacabkaa waxuu dusha ka saaran yahay dowlada Federaalka oo loo idmaday badbaadinta iyo nabad ku noolaanshaha dhamaan umada Somali.,waxaa waajib ah in dowlada Federaalka aay dhexdhexaad ka noqoto loolanka siyaasadeed ee ka dhex jira reer Puntland ,Faroole asaga oo xiligiisa dhamaaday ayaa raga ugu sareeyo dowlada federaalka sida R/wasaaraha iyo Madxaweeynaha ay garab istaageen kuna booqdeen Garowe Faroole xili siyaasiyiinta reer Puntland ku wargeliyeen in Faroole uusan ciddna xilka u hayn balse loo baahan yahay in gogol dib u heshiisiin ah loo qabto Isimada iyo qabiilada reer Puntland si meesha looga saaro xurgufta siyaasadeed ee sabbabi karta dagaal in uu ka dhaco Puntland, runtii dowlada federaalka waa aay garan weeyday xilgaa maanta waxaa looga fadhiyaa dowlada federaalka sidii aay nabada loogu soo danbaali lahaa dhibka iyo gumaadka uu Faroole bilaabay,waa fursad qaali ah in dowlada Federaalka aay u muujiso shacabka Puntland in xil adag uu ka saaran yahay,dowlad federaalkana aay diidan tahay gumaadka Faroole ee shacabka uu Puntland, shacabka iyo qabiilada Puntland dowlada Federaalka waa in aay u fidisaa gogol nabadeed si nabad iyo wadanoolaansho dhab ah uga hirgasho Puntland.

 

Xildhibaanada Federaalka ee ka soo jeeda Puntland waxaa quman in aay cod dheer ku dhahaan Faroole waa danbiile dagaal mudan in maxkamad la geeyo, xildhibaanada federaalka ee Puntland waa in aay kala doortaan Faroole iyo shacabka, haddii aay garab istaagaan Faroole waxaa aay luminaayaan sumcadii aay ku lahaayeen umada Soomaali guud ahaan gaar ahaan shacabka Puntland.

 

Faroole waa qaswade mudan in maxkamad la soo taago sabbabta soo socota

 

1. Xil uu umad u hayo ma jirto balse waxuu gumaad ka geeystay G. Bari iyo G. Mudug akhristow bal dib u xusuuso gumaadkii Gaalkacayo xaafada Garsoor oo u adeegsaday ciidamada Puntland iyo hubkii lagu gaday canshuurtii laga qaaday shacabka Puntland.

 

2. Waxaa uu sabbab u ahaa dagaalka ka socda Jubooyinka asaga oo ujeedka uu ku taageeray Jubbaland ay aheeyd in wallaalo fooda is daraan.

 

3. Wuxuu dalka u ogolaaday inay ka hawlgalaan shirkado shisheeye oo aan sumcad iyo xurmo ku lahayn adduunka sida shirkadda SARACEN INTERNARTIONAL oo ay leeyihiin calooshood u shaqeystayaal South African ah, iyadoo la ogsoon yahay in dawladii ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya ay kala noqotay ogolaanshihii horey loo siiyey markii la ogaaday hab dhaqanka Saracen.

 

4. Faroole waa uu ka soo horjeedsaday dastuurka qabyo qoraalka ee lagu saxiixay Garowe, waxaa uu marar badan cadeeyay in dowlada federaalka aay ka baxaayaan sow qaswade maaha mudan in maxkamad la soo taago.

 

Waxaan ku wargelin lahaa Faroole in xiligiisu dhamaaday aayna mudan tahay in uu si nabad ah isga tago Puntland si shacabka Puntland iyo Odayadooda siyaasiyiintooda uga tashadaan aayaha Puntland ,haddii aadan qaadan taladaa wallaahi adiga oo intaa kasii foolxun ayaad ka tageeysaa Puntland, inta gacantaada ku dhimatay intii aad xukunka qabatay Puntland kuma aayan dhiman, taariikhda Puntland waa mid la qoray maxkamadna lagu soo taagi doono Faroole.

 

Dr.Ali.A.Hirabe

 

Hirabe_a@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

292x300xFaarax-Warsame9.jpg.pagespeed.ic

 

Hiraaboow ma waxaad jeclaan laheyd in Faroole la keeno Maxkamaddii gabadha miskiinta ah kufsiga & xarigga isugu dartay?!. W/Q Farah Warsame

 

Farah Warsame

Melbourne, Australia

Bile1971@hotmail.com

Luulyo 16 2013

 

Comments (7) | Write Comment

 

Hiraaboow ma waxaad jeclaan laheyd in Faroole la keeno Maxkamaddii gabadha miskiinta ah kufsiga & xarigga isugu dartay?

Maqaal Jawaab u ah af-lagaadadii Ali Hiraabe u geystay madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Sh Max’ed Faroole.

 

Waxaan akhriyay maqaal xumaan & dhaqan-xumo xambaarsanaa ee uu qoray shakhsi isku magacaabay Ali A. Hirabe ma ahan markii ugu horreysay ee shakhsigan af-lagaado toos ah & mid dadban-ba u geysto ummadda reer Puntland & madaxdoodaba.

 

Damiirka ayaan kuu saamaxeyn in aad ka aamusto shakhsigan oo kale ee caadada ka dhigtay in uu had & jeer aflagaado & isku *** kula dhex wareego ummadda Puntland ee nidaamka & kala dambeynta horseeday. Waa shakhsi aan xishoon, wax walbana u heysta in uu magac ku helayo. Wuxuu u soo tafaxeytay sidii uu ummad islaam ah isaga horkeeni karaa, waqti kaleba yeelkeede, wuxuu xitaa xushmeyn waayay bishan aan ku jirno ee Ramadaan ee barakeysan. Waxaan markaa ku khasbanaaday in aan wax ka iraahdo maqaalkaa af-lagaaddada, isku dirka & qabyaaladu ka muuqatay ee uu hawada soo mariyay shakhsigaasi.

 

Maqaalka Hiraabe wuxuu u muuqday in uu qoray daqiiqado uun ka dib markii la maqlay magaalo/ooyin Puntland ka tirsan ayay wax ka dhaceen. Ma hubsan kamana dharagsana waxa dhacay waxa ay yihiin. Isma barbar dhigin waxa halkaa ka dhacay & waxa magaalooyinka kale ee soomaaliyeed ka dhaca. Ma sugin waxa dowladda Puntland arrintaa ka yeeli doonto, ma sidii dagaal-oogayaashii ayay qoryaha cabbeysan doontaa mise si caqli ku jiro ayay wax u xallin doontaa? Ma sugin waxa qaramada midoobay ka oran doonto halkaa oo weliba wakiilkeedu goob joog ka ahaa. Ma hubsan xaalku sida uu ku dambeyn doono ee fudeydkii aan dadka qaar ku aqiin ayuu lasoo baxay qalinkiisii xanafta watay-na kula boobay.

 

Waan hubaa Hiraabe qaabka degdeggu ka muuqdo ee qoraalka u soo gudbiyay hadduu wax yar dib u dhigi lahaa in uu calyada dib u liqi lahaa. Farxadda uu la batbatay ee ku kalliftay in uu sidan wax u qoro-na murugo isu badali laheyd, inkastoo aan aaminsanahay in ay mar horeba taabatay.

 

Fudeydka Hiraabe ma aha mid iska yimid, keligiina kuma aha ee waa mid meelo kale oo badan ee ay Villa Soomaaliya kamid tahay laga qabo, makarafoonada ayaa la boobaa marka la maqlo in gabari ku kuftay Puntland. Xishood la’aantooda isla waqtigaa ay gabadha kuftay ka sheekeynayaan waxaad maqleysaa dhawaaqa rasaasta ka socota meel aan ka fogeyn halka ay khudbada ka hayaan, waxaaba suurto-gal ah in 10 dhimatay. Waxaanse is-weydiiyaa waqtiga ay Puntland gelinayaan may dhibta jirta wax uga qabtaan? Kii wax u sheegi lahaa waa kanoo kale oo aflagaadada lasoo taagan, markaasaan iska qancaa. Waxaa sidoo kale jira dad badan oo gudaha & dibeddaba ku nool dhagtu isaga sii taagan tahay, kuwaas oo jeclaan lahaa in ay mar uun maqlaan Alle kama dhigee Puntland oo dab ka holcayo.

 

Ujeedada maqaalkan ayaa ah in aan shakhsigaas xumaanta intaa le’eg u bareeray wax u sheego. Dhagihii Alle waaniyo ayaa waansan ayay soomaalidu tiraahdaa, ma filayo in uu wax ku qaadanayo, laakiin dhowr kelmadood aan iraahdo

 

Hiraaboow meeshu waa Puntland.

 

Haddaad arki jirtay ummad aad qabyaalad, qurun & isku *** inta kula dhex wareegto kaa dhageysta dabadeed qoryaha isu cabbeysa oo hadhoow dhiigga & hilibka la kala garan waayo, Puntland meeshaas ma aha!. Puntland waa maamul caan ku ah nabad & kala dambeyn, dad aqoon & khibrad dheeraad ah leh ay hagayaan.

 

Waxaan ka dareemayaa hadaladaada & kuwa kula fikirka ah in ay aad u dhibsadeen laf dhuun gashayna ku noqotay siyaasadda & hadalada Faroole. Shalay haddaad ka qeylineysay AUN C/laahi Yuusuf ama Cadde Muuse maanta in aad Faroole hoos u jiideyn anba waan ogahay, wax kalena maahee waa cuqdada qabyaaladeed ee kaa buuxda. waan ogahay in aad jeclaan laheyd/laheydeen in aad aragto madaxweyne Faroole oo kursiga Puntland baneeyay.

 

Aan kaa sii farxiyee Madaxweyne Faroole mar ay noqotaba kursiga wuu ka dagi laakiin kuma oran karo waa waqtigaa, waxaanse kaaga nixinayaa in kii yimaadaba uu kuu darnaan doono. Haddaan reer Purnland nahay shakhsiga kuwa fidno wadayaasha (********tu) neceb-yihiin annagu waan jecelnahay, xitaa haddaan badalno kan aan ku badalnaa waa mid doonaya in uu xumaanta kaa reebo, maadaama aadan jecleyn in xumaanta lagaa reebo-na dabcan qeyladaadu wey sii socon inta caqligu kaaga hagaagayo.

 

Kee istaahila in Maxkamad lasoo taago?

 

Ma kan dadkiisa & dalkiisa wax u qabtay oo shisheeye & sokeeyaba ku nabad galeen, mise kan meelna looga baxsan waayay? Ma kan dalkiisii la dayacay ka dhigay meel la dagi karo mise kan weli burburinaya tii ummaddu wada laheyd? Ma kan nidaamka & sharciga inta sameystay kii soomaaliyeed-na ku daray, mise kan sharcigii bililiqeystay ee Cabdalla Shideeye geeyay? Ma kan ummadda hantidoodii ka dhacay soona bara-kiciyay, mise kan kuwii hantidooda la dhacay ee la dhibaateeyay (barakacayaasha) soo dhaweeyay? Ma kan kufsiga & dilku caadiga u tahay mise kan dadkiisa u damqanaya? Ma kan dhulkiisa ilaashanaya mise kan iibsanaya?

 

Waxaan aaminsanahay hadduu innaba caqli kugu jiro cid hala maxkamadeeyo lama soo shir tagteen illeyn ma ogid in aad markhaati isku fureyso’e.

 

Maxkamad vs Hiraabe.

 

Ma adaa maanta Maxkamad ka sheekeynaya? Bal caqligaa day! Goormaad Maxkamad & waxay qabato baratay? Maxkamaddaadu sow ma aha tii gabadha miskiinta ah kufsiga & xariga isugu dartay? Maxkamadaadu sow ma aha tii weriyiyaashii xumaanta soo bandhigay habeenka madow jeelasha ku gurtay oo carab & cajami-ba ka qeyliyeen? Maxkamadaadu sow ma aha tii bixisay LOOMA OOYAAN ee masaakiiinta oo keliya ka adkeyd? Maxkamaddaadu sow ma aha midda daggan guri dad leeyahay oo xoog lagu heysto. Goormaad heerka ereyga maxkamad in aad afka ka tiraahdo gaartay?.War Soomaali waa ku taqaane ma dad aan ku aqoon ayaad wax u sheegeysaa? Mise kuwii awalba ku dhageysan jiraya ayaad wax u akhrineysaa?

 

Waan ogahay in aad jeclaan laheyd in aad aragto shakhsi Puntland kasoo jeeda oo MAXKAMADAADA (kama wado tan aadamiga) lasoo saaro,laakiin waxaadan ogeyn in Puntland tahay dowlad federaalka ka tirsan nidaamkeedana u madax banaan, sida garsoorka, fulinta & sharci dejinta. Aan ku saxee shakhsiga Puntland u dhashay garsoorka wuxuu u sameystay in uu isku xukumo. Xitaa adigan sidan u hadlaya ee fidnada wada haddaad Puntland joogi laheyd caddaalad la yaqaan ayaa lagu marin lahaa, xuquuqdaada ilaalineysa ee aan aheyn tii gabadha miskiinta ah la mariyay.

 

Sheegsheegista ereyga FEDERAL waxaa ka fiican macnihiisa oo aad barato

 

Inta aad waqtiga ku dhumineyso af-lagaaddo & isku *** ummadeed, baro macnaha dowladnimo & waxa Federal loola jeedo. Markaad barato u gudbi kuwa indhaha ku kala qaaday xukuumaddii KACAANKA ee u heysta in dowladnimadu tahay madaxweyne 3-da hey’adoodba isku heysta. Waan ka xumahay in aad macnaha Federal u qaatay nidaamka Muqdisho maanta yaalla. Waxaa qurux badnaan laheyd in aad daqiiqad-ba allaha ka dhigee fursad siiso sidii aad u akhrin laheyd waxa Federaal loola jeedo, weliba isagoo luqado badan oo Af-soomaaligu ku jiro, ku qoran ayaa la heli karaa. Haddaad sidaa yeesho waan hubaa in aadan maqaalkan oo kale soo qorteen.

 

Aqoonta & xirfadda waa la bartaa ee lama sheegto

 

Hiraaboow haddaad arki jirtay qof wuxuu iska sheegto lagu dhajiyo sida Jeneraal, Doctor, Xildhibaan iwm, raad-raacna laheyn, annaga maaha ciddaad isugu sheegi laheyd. Waxaad iska soo hormarisaa ereyga DR oo magacaaga ka horreeya mar walba, kuma oranayo magacan Hiraabe & Dr-nimo isma qaadan karaan!! ee waxaan ku oranayaa Dr-nimadu xoog & anaa ku habsaday maaha ee waa heer aqoon oo uu qofku gaaro. Midse waan kuu qirsanahay adiga & kuwa magacyada (title)-da cusub la baxay, in aad caalamka kusoo siyaasideen cilmi cusub oo aan u baahneyn in waqti & lacag lagu lumiyo, waxaanse ku faraxsanahay in dadka aad Dr-ka u tihiin oo keliya ay khibraddaa idinka qaadan doonto mustaqbalka dhow.

 

Maalin dhoweyd oo aan TV-yada Soomaalida daawanayay waxay indhaheygu qabteen ciidamo loo khudbeynayo oo xero ciidan ku jira, haddaan been iska dhowro intuba korneel & wax ka sarreeya ayay ahaayeen. Caad igama saarna in talada noocaas ah ee ciidamadii wada jeneraal ka dhigtay bilaa khibrad & aqoon ah, ay adiga & mid kula mid ah maskaxdooda kasoo maaxatay.

 

Haddaan runta kuu sheego shakhsiga aad leedahay maxkamad hala soo taago, isagaaba xabsiyo waaweyn magaaladiisa looga wadaa dhisme. Beenna kuu sheegi mayee adiga & kuwa kula fikirka ah ee ummaddu ka harsan weysay ayaa lagu wadaa in laga buuxiyo. Waana qaabka keliya ee aad wax ku fahantaan adiga & kuwa kula midka ah ee u heysta in noloshuba tahay fitno la abuuro, ummad la isku gubo, dad la laayo iyo aqoon aan la heysan oo la sheegto.

 

Waxaanse kusoo gabagabeynayaa intaadan ka hadal maxkamad & meelo kaa fogfog waa howlo waaweyn oo aadan weli gaarine bal marka hore hoostaada waxa yaalla ee foolxumo ah eeg waxna ka qabo taasaa adduun & aakhiroba dan kuugu jirtaaye.

 

Farah Warsame

Melbourne, Australia

Bile1971@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cambuulo iyo bun;969206 wrote:
xaaji uu kaadi bal hiiraab is a name. I know ditoore hiiraabe personally he lives in sweden koley nin caqli badan leh maaha

Lol adiga baba sheegeya inanu caqli badan lahayn:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this