Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Election Crisis. President Delays Polling. PICS and Video

Recommended Posts

Dr_Osman   

Faahfaahin khasaarihii ka dhacay magaalada Qardho

| on July 14, 2013

 

Sida aan ku sheegney wararkayagii hore ee maanta waxaa iska hor imaad ka dhacay magaalada Qardho subaxnimadii hore ee maanta, kadib markii ciidamo ku gaashaaman gawaarida qoryuhu ku rakiban yihiin ay magalada soo geliyeen laba gaari oo sida warqadaha codeynta ee loo asteeyey maalinta berri.

 

Waxaa ka hortegey shacab caraysan kuwaas oo ku mudaaharaadey isla markaana diidey in si khasaab ah codbixin ay ku tilmaameen mid xaaraam ah gobolka laga fuliyo.

 

Arrinta ayaa aad u sii cuslaatey waxaana dadkii shacabka ahaa ay la soo baxeen gawaarida dagaalka oo u dhiganta kuwii gelibinaayey sanadiikhda, waxaana u suurta gashey in ay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah gawaaridii sidey Saanaadiikhda, waxaana saarnaa 11 sanduukh oo ku socdey magaalada Qardho, kuwaas oo ay ka buuxaan agabkii la sheegey in lagu gelayo doorashada qoriga lagu ilaalinaayo, qorigana looga hortegay.

 

Gaariga la qabtey waxa uu ahaa mid ay ku rakiban yihiin laba Taariko oo ah Somaliland iyo Puntland, sida muuqata dadku waxay sheegayaan in gawaaridii Puntland keliya ka diiwaan gashanayd ay diideen isla amrkaana garanayeen khatarta halkaas ka soo socota, sidaas ayaana kaliftey in gawaari khabaar moog ah oo Somaliland ka diiwaan gashan la keeno.

 

Sanaadiikhdii ayaa laga soo dejiyey gaarigii sidey, waxaana dadweyne caraysan ay ku gubeen meel barxad ah iyaga oo ku dhawaaqayey dooni meyno doorasho khasab ah dooni meyno ku shubasho xaaraan ah dooni meyno Faroole iyo hadale kale.

 

Qabashada gaariga sanaadiikhda wadey waxay ku timid dagal cabaar socdey waxaana ku dhintey laba askeri oo ka tirsanaa ciidankii wadey Sanaadiikhda iyo Askeri kale oo ka tirsanaa Taraafikada Qardho. Waxaa xusid mudan in Sarkaalkii watey ciidankaas oo dagaalkaas ku dhintey kaas oo lagu magacaabo Col.Cabdi Dhagaf, Dhanka shacabkii la dagaalamey waxaa ka dhintey hal nin waxaana kaga dhawaacmey nin kale, sidoo kale waxaa jira dad shacab ah oo laamiga ku dhintey waxaana ay gaarayaan ilaa laba qof.

 

Ciidankii ka yimid dhanka Garowe ayaa weli ku sugan Xerada Booliska ee Qardho, halka dhalinyaradii la dagaalantey aysan waxba ka fogeyn. Magaalada Qardho ayaa ah mid aan koronto lahayn, waxaa xiran dhamaan goobaha ganacsiga waxa shaqeynaya adeega telefonka oo dadku isku waraysanayo.

 

Gurmadyo ciidan

 

Ciidamada ku sugan Xerada Booliska Qardho ayaa la sheegayaa in ay dalbadeen gurmad ciidan kaas oo wararka qaar sheegayaan in ay ka soo baxeen magaalada Carmo oo habeenkii xalay ahayd ciidamo xoogan la geeyey iyo ciidamo kale oo Garowe ka soo baxay, Xaaladda ayaa ah mid degan, ma jiro wax dhaq-dhaqaaq ah, waxaana dhici karta haddii ciidamadaasi yimaadaan in Qardho uu ka dhaco dagaal la isla galo gudaha magaalada kii u horeeyey maadaama ay jiraan ciidamo xoogleh oo hubeysan oo ka soo horjeeda xisbiga Madaxweyne Faroole.

 

Taariikh cusub oo qormeysa

 

Nin ka mid ah waxgfaradka Qardho ayaa Horseed Media u sheegay in la arki jirey jeligii teliye hub haysta oo xukunka maroorsada dadkana hub ugu faana, laakiin waxa Dr.Faroole wado waa taariikh cusub Dimoqraadiyad qoriga caaradiisa lagu socodsiinayo waa cashar cusub oo Puntland barayso caalamka intiisa kale, odaygu haddii uu hub haysto muu kursigiisa xejisto oo hubka ku difaacdo inta uu qoorqabad iyo qori caaradiis ayaad doorasho ku gelysaan uu lee yahay ayuu yiri Cabdi Cali oo ka mid ah waxgaradka Qardho. Cabdi Cali ayaa sheegaya in shacab hubeysan oo tikniko haysta aan qaabkan wax looga hirgelin karin ayna soo baxdey wixii laga digaayey markii hore.

 

Horseed Media

News Desk

 

DSC00762.jpg

DSC00757.jpg

DSC00756.jpg

DSC00747.jpg

DSC00753.jpg

DSC00754.jpg

DSC00755.jpg

DSC00743.jpg

DSC00740.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Bursaalax oo lagu gubay Sanaadiikhdii Doorashada Puntland [sawiro]

| on July 14, 2013

 

Magaalada Bursaalax oo kamid ah gobalka Mudug ayaa kamid ah goobaha maanta lagu gubay sanaadiikhdii dowlada Puntland u geysay halkaasi in loogu codeeyo golayaasha deegaanka.

 

Gaarigii siday sanaadiikhdan oo ay shacabka Bursaalax la wareegeen si nabad ah ayaa waxaa isla bartamaha magaalada dab lagu qabadsiiyey sanaadiikhdii oo dhamaantood ahaa kuwo horey loo soo buuxiyey oo waraaqihii ku jiraan, afkana laga soo xiray.

 

 

Sidoo kale magaalooyinka, Qardho, Gaalkacyo, Iskushuban iyo Bander Bayla ayaa kamid ah goobaha lagu gubay sanaadiikhda doorashada, halka magaalada Rako Raaxo rasaas ka dhacday labo maalmood kahor halkaasi ay dib isaga soo noqdeen ciidamadii waday.

 

Shacabka ayaa u muuqatay inay soo baxday wixii ay cabanayeen oo ah in dowlada ku shubaneyso doorashada, taasi oo ay cadeynmo uga dhigayeen Sanaadiikhda magaalooyinka la keenay oo horey loo soo buuxiyey, sida ay sheegeena la rabay in magaalada la keeno kadibna dib loogu cesho Garowe, iyadoo laga dhigayo in ay shacabka codeeyeen.

 

Waxaa xusid mudan inaan shacabka loo shaacin goobaha ay codbixinta ka dhaceyso taasi oo keentay in shacabka jidka u istaagaan gaadiidka sanaadiikhda waday, waxaana jira warar sheegayey in xog ay shacabka ka helayeen xubno hawsha doorashada ku jiray oo ku sugan Garowe, kuwaasi oo u sheegayey xiliyada sanaadiikhda kusoo beegnaayeen magaalooyinka qaarkood.

 

Waxaan iyaduna jirin wax olole doorasho ah oo ka dhacay deegaanada Puntland, iyadoo ururada tartamaya aysan soo bandhigin musharaxiintooda u taagan doorashada golayaasha deegaanka, arrintaasi oo salka ku heysay diidmada xoogan oo ka imaanayey dhinaca shacabka.

 

Horseed Media

News Desk

 

BurxaalaxSanaadiikh1-650x487.jpg

BurxaalaxSanaadiikh3-650x487.jpg

BurxaalaxSanaadiikh2-650x487.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Gaalkacyo oo lagu gubay Sanaadiikhdii Doorashada [sawiro]

| on July 14, 2013

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi gebi ahaan lagu gubay sanaadiikhdii dowlada Puntland u keentay in cododka lagu rido doorashooyinka Golayaasha deegaanka.

 

Ciidamadii galbinayey sanaadiikhda ayaa lagu soo waramayaa inay kala wareegeen shacab hubeysan kuwaasi oo gebi ahaan burburiyey sanaadiikhda iyo waraaqo ku jiray oo ah kuwii cododka.

 

Sanaadiikhdan ayaa lagu waday in maalinta beri oo ku beegan 15ka July la dhigo goobo cayimin oo ku yaal Gaalkacyo, lamana shaacin meelaha codbixinta ka dhaceyso, waxaana sidoo kale muuqatay in Sanaadiikhda kuwo qaar Codadka horey loogu soo guray oo xiran iyo kuwo faaruq ah oo aan waxna ku jirin, sida aad ka arki doontaan Sawirada hoose.

 

Dhinaca kale Codod bixinta ayaa u muuqata mid horey loo sii diyaariyey si musuq maasuq ah, waxaana qoraalada ka muuqda 4 xisbi oo uu ku jiro Xisbiga Wadajir oo isaga baxay doorashada maalinimadii Khamiistiina shaaciyey.

 

Arrintan ayaa ka dhigeysa ururada Doorashada ka qeyb qaadanayey sadex urur oo kaliya oo kala ah Horseed, UDAD iyo Horcad. Xeerka Doorashada Puntland ayaa qorayey in doorashada golayaasha deegaanka ay ugu yaraan ka qeyb geli karaan 4 xisbi, taasi oo loo maleenayo sababta liiska looga saari waayey ururka Wadajir ee doorashada ka baxay.

 

Horey ayey sidoo kale ururada Midnimo & PPP uga baxeen doorashooyinka golayaasha deegaanka.

 

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xili maanta uu dagaal xoogan ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar oo sidan oo kale looga diiday sanaadiikhda doorashada oo ay dowlada Puntland u kala dirtay gobalada.

 

Dagaalka Qardho ayaa isagu keenay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay gacanta isula tageen shacabka iyo ciidamadii sanaadiikhda ka keenay magaalada Garowe. Dagaalkaasi ayaa inta hada la og yahay ku dhimatay 5 qof, oo ay ku jiraan 3 askari oo uu kamid yahay Taliyihii watay ciidamada Garowe ka yimid.

 

Magaalooyinka Iskushuban, Rako Raaxo, Bander Bayla, ayaa labo maalmood kahor sidan oo kale looga soo saaray magaalada ciidamadii waday sanaadiikhda Doorashada.

 

Gobalka Sanaag, magaalooyinka Dhahar iyo Badhan ayey dhamaadkii bishii June sidan oo kale ciidamada Somaliland gacanta ugu dhigeen sanaadiikhdii codbixinta ee loo waday magaalooyinka Dhahar, Badhan iyo Laas Qoray.

 

Faah Faahinta wararkan mar dhaw baan idiin soo gudbin doonaa haduu eebo idmo!

 

Horseed Media

News Desk

 

DSC01611.jpg

SAM_3353.jpg

SAM_3354.jpg

SAM_3355.jpg

SAM_3356.jpg

SAM_3357.jpg

SAM_3358.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

123.jpg

mkk.jpg

 

Doorashooyinka Deegaanka Puntland oo la joojiyay

14 Jul 14, 2013 - 3:04:39 AM

 

 

Puntland State of Somalia

 

Dowladda Puntland waxay Joojisay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka WAR

 

SAXAAFADEED

14 July 2013

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole, markuu si qotodheer ah ula tashaday Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wasiirada iyo xubnaha Guddiga Nabadgelyada Dowladda Puntland, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka KMG ah, iyo dad xurmo ku leh Bulshada Rayidka ah, wuxuu soo saaray go’aankaan ku saabsan joojinta Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, oo ka dhici lahaa Puntland berri Isniin July 15, 2013.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland:

 

Markuu qiimeeyey mas’uuliyadda iyo xilka weyn ee ka saaran ilaalinta amniga, xasiloonidda, iyo midnimada dadka Reer Puntland;

 

Markuu arkay kooxo isu soo bahaystay khalkhalgelinta degenaanshaha iyo waxyeeleynta midnimada Puntland, kuwaasoo ay ka mid yihiin argagaxiso doonaya inay si xun uga faa’idaystaan qabsoomidda Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland;

 

Markuu aqoonsaday dadaalkii dheeraa oo Puntland usoo gashay hirgalinta iyo meelmarinta nidaamka doorashooyinka iyo axsaabta badan, iyadoo tallaaboyin badan oo lagu guulaystay la soo maray ilaa hadeer;

 

Markuu qiimeeyey qaswadayaasha gudaha iyo khalkhalgeliyaasha dibedda oo maalgelin iyo abaabul uga qaybgalaya abuurida xasilooni-darro iyo isku dhac xilliga doorashada Puntland;

 

Markuu aqoonsaday khatar ku imaan karta amniga, nabadgelyada iyo xasiloonidda dadka Reer Puntland;

 

Markuu qiimeeyey himilooyinka dadka Reer Puntland ee dowlad-wanaaga, nabadda, iyo cadaaladda;

 

Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u joojisay Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland oo qabsoomi lahaa July 15. Iyadoo la qaatay go’aankaan adag, Dowladda Puntland waxay shacabka usoo jeedinaysaa mahadnaq balaaran niyadda ay u hayaan una muujiyeen in geedi-socodka nidaamka doorashooyinka socdo, waxayna Dowladdu dadka u balanqaadaysaa inay weli ku taagan tahay mowqifkeeda ahaa sidii loo hormarinlahaa nidaamka doorashooyinka iyo axsaabta badan, doorashada-na la qaban doono wakhtiga ku habboon, inshallah.

 

Dowladda Puntland waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka oo soo taageertay nidaamkaan muddo 10-sanno ku dhowaad ah, marxalado badan oo lagu guulaystay lasoo martay Dowladda ilaa wakhtigaan xaadirka ah. Dowladda Puntland waxay kalsooni ku qabtaa in Beesha Caalamka ka taageeri doonto sii wadida nidaamka asxaabta mustaqbalka.

 

 

Dowladda Puntland waxay ugu yeeraysaa dadka Reer Puntland oo nabadda jecel iyo Ciidamada Amniga inay daafacaan Midnimadooda, Amnigooda iyo Degenaanshahooda, si ay uga guulaystaan kuwa isu soo bahaystay burburinta Puntland.

 

Halkan ka dhageyso codka madaxweynaha Puntland shirka uu qabtay

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Puntland_waxay_Joojisay_Doorashooyinkii_Deegaanka.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Puntland Government Suspends Local Council Elections

14 Jul 14, 2013 - 3:16:13 AM

 

The President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole), in lengthy consultations with the Vice President, Parliament Speaker, Council of Ministers and National Security Council members, Chairman of Transitional Puntland Election Commission (TPEC), and prominent members of civil society, has issued the following decision regarding the suspension of Local Council Elections scheduled for tomorrow, Monday July 15, 2013.

 

The President:

 

Having valued the paramount responsibility of the Puntland Government leadership to safeguard the security, stability and unity of the people of Puntland State;

 

Having seen the destructive forces of instability and terrorism using as a tool the Local Council Elections, to organize behind the common cause of destroying Puntland State’s unity and stability;

 

Having recognized the Puntland Government’s committed efforts to implement the democratization process, including many achievements and milestones reached so far;

 

Having considered the domestic spoilers and external manipulators funding and organizing instability and election violence in Puntland State;

 

Having recognized the existential threat to peace, security and stability for the people of Puntland State;

 

Having valued the Puntland people’s aspirations for good governance, peace, and justice;

 

Puntland hereby suspends the Local Council Elections scheduled for tomorrow July 15. In light of this difficult decision, Puntland Government would like to express its utmost appreciation for the enthusiastic public support for the democratization process, and the Government assures the public the Government is committed to advancing the Democratization Process and holding elections, when it is appropriate.

 

Puntland would like to express its thanks and appreciation to the international community who have been supporting this democratization process, where many successful steps have been completed over the past decade, until this stage and Puntland is confident the support will continue in the years to come.

 

The Government calls upon the peace-loving Puntland communities and the Government Forces to protect their unity, security, and stability and against the destructive forces of aggression aiming to destroy the peace in Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Garoowe: Meydad la keeney Isbitaalka iyo Gaari uu leeyahay Gen Cade Muuse oo la qabtey.

July 14, 2013 12:41 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

Garoowe: (pp)- Meydka Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdi Jaamac Cilmi (Cabdi dhagaf ) oo ahaa Taliyaha Ciidanka Guutada 1aad ee Kumaandoosta Puntland ayaa la keeney magaalada Garowe ka dib markii uu ku dhintey taliyuhu rasaas lagu furey saldhiga Qardho hortiisa.

 

Geerida Taliye Cabdi dhagaf ayaa si weyn looga dareemey guud ahaan Puntland, iyadoona dhacdadii taliyuhu uu ku dhintey ay geysteen kooxo hubeysan oo dadka badankiis ay u aaneynayaan inay ka danbeysay shirqool uga yimid rag ka tirsan siyaasiinta mucaaradsanaa nidaamka Asxaabta ee Puntland.

 

Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdi Dhagaf ayaa ka mid ahaa saraakiisha sanadihii u danbeeyey tababarada ay soo siiyeen Midowga Yurub, kuna soo dhameystey tababarkiisa Dalka Ugandha ,Iyadoona uu ahaa Marxuum Cabdi Dhagaf nin si weyn looga yaqaaney deegaanada Puntland.

 

Kooxaha diidadanaa nidaamka Asxaabta ee Puntland ayaa mudooyinkii u danbeeyey ku howlanaa aruursiga maleeshiyo beeleedyo ay kula dagaalami karaan gudaha Puntland ciidamada amaanka ee Puntland, kuwaas oo sida ay ku eedeeyeen saraakiisha Puntland, inay mucaaradka ku jira siyaasiinta diidanaa nidaamka asxaabta xiriiro dhow ay la sameynayeen cadowga dibada.

 

Marka loo eego sida ay wax u dhaceen maanta waxay ahayd mid dadka reer Puntland aan farxad galin , iyadoona abaabulka dhacdadii Qardho la hadal hayo inay ku lug leeyihiin rag uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cade Muuse.

Waxaana wararka Puntlandpost.com Qardho kasoo gaaraya ay sheegayaan in ciidamadii uu xukumey taliye cabdi dhagaf ay ku qabteen saldhiga qardho agagaarkiisa gaari uu leeyahay Gen Cade Muuse oo xilli gaariga ay saarnaayeen maleeshiyo hubeysan oo ciidanka rasaaseynayey.

 

Isku soo wada duubo waxaa ku dhintey dhacdadii Qardho ee maanta 4 ka tirsan ciidamada Puntland oo uu ku jiro Taliye Marxuum Cabdi Dhagaf,halka 3 qof oo shacab ahna ay ku dhinteen dhacdadaasi dhaawacuna uu intaas ka badan yahay.

 

Puntlandpost.com

Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Xaaji, most Puntlanders are to happy Farooles fake electiond didnt take off. Question is how will the opposition remove him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this