Sign in to follow this  
Dr_Osman

Oh No - Wadajir Party Is Out Of The Puntland Election Race. Audio

Recommended Posts

Dr_Osman   

WADAJIR-URUR-650x487.jpg

 

Ururka Wadajir oo isaga baxay qorsha Doorashooyinka Puntland [Dhageyso]

 

| on July 12, 2013

 

Urur Siyaasadeedka Wadajir oo kamid ah lixdii urur oo isu diiwaangeliyey inay ka qeyb galaan doorashooyinka Puntland ayaa sheegay inay ka baxeen doorashada xili deegaanada Puntland laga dareemayo abaabulo xoogan oo looga soo horjeedo qorshaha dowlada Cabdiraxmaan Faroole ee ku aadan doorashooyinka.

 

Xoghayaha ururka Wadajir Axmed Ibraahim Cawaale ayaa saxaafada u xaqiijiyey go´aanka ururkoodu qaatay kadib markii ay yeesheen kulan ay uga wada xaajeesanayeen xaalada iyo xiisadaha ka taagan deegaanada Puntland ee salka ku haya doorashooyinka ay wado xukuumada Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

 

`…Markaan eegnay doorashooyinka, Amaanka, dhaq dhaqaaqyada socda, markaan eeganay dhinacyo badan waxaan go´aan ku gaarnay inaan ka baxno…` ayuu yiri Xoghayaha Wadajir oo shaaciyey inay isaga baxeen qorshihii doorashooyinka Puntland ee uu muran ka taagan yahay.

 

Wuxuu xoghayaha sheegay in xaalada amaan ee ka jirta Puntland ay tahay mid muujineysa sida wax u socdaan inaysan dan ugu jirin isla markaana isga baxeen doorashooyinka iyagoo tixgelinaya shacabweynaha Puntland oo u muuqda xiligan inay kasoo horjeesteen habka loo wado nidaamka dimuquraadiyeynta oo uu garwadeenka ka yahay xisbiga Madaxweyne Faroole.

 

Ururka Wadajir ayaa sheegay in dhamaan gobalada Puntland laga diiday qaabka loo wado doorashada isla markaana digniin kasoo baxday Gobalada waaweyn ee Puntland, oo ka digay cawaaqib xumada ka imaan karta ololaha ay wado xukuumada Cabdiraxmaan Faroole.

 

Luul Jaamac Aw Nuur oo ah guddoomiye kuxigeenka ururka wadajir ahna siihayaha xilka Gudoomiyaha ururkaasi, ayaa iyaduna shirkaasi jaraa´iid ka sheegtay inaysan diyaar u ahayn in doorashooyinka la sheegayi n 15ka dhici doonaan iyo kuwa kale ee uu guddiga doorashada iyo xukuumada Puntland wadaan. Waxayna sheegtay inaysan iyagu dooneyn ka qeyb qaataan dhibaato kusoo socota Puntland ama mushkilad khal khal ku keeni karta amniga Puntland.

 

Go´aanka Wadajir ayaa kusoo beegamaya xili dadweynaha Puntland ay si weyn u hadal hayaan doorashada la sheegay in ay dhici doonto 15ka July oo ku beegan maalinimada Isniinta ah.

 

Ururada Puntland looga dhawaaqay ayaa ku guuleysan waayey inay xafiisyo ka furtaan gobalada Puntland oo dhan isla markaana taageero xoogleh ka waayey shacabweynaha arrintaasi oo ay tusaale u ahayd banaanbaxyadii ay ururadan isku dayeen todobaadyadii lasoo dhaafay inay ka dhigaan Puntland, in aysan ka qeyb qaadan inta badan shacabka Puntland oo ka gaabsaday taageerida ururada aan kalsoonida ka heysan bulshada Puntland.

 

Horseed Media

News Desk

 

AUDIO

http://horseedmedia.net/2013/07/12/ururka-wadajir-oo-isaga-baxay-qorsha-doorashooyinka-puntland-dhageyso/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this