Cambuulo iyo bun Posted July 11, 2013 Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Mashruuc dhismayaal cusub looga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa lasoo bandhigay maanta, iyadoo la sheegay in dhismayaashan ay yihiin xaafad cusub oo ka mid noqonaya xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana mashruucan uu ka kooban yahay in ka badan 1,200 oo guri. Xaafadda looga dhawaaqay hirgelinta mashruucan cusub ayaa laga sheegay in dhismayaaashan ay isugu jiraa deegaan, ganacsi, masaajidyo, kuwo lagu nasto oo bilic iyo tayo heer sare ah ayaa waxaa maal-gelinayay ganacsato Soomaaliyeed. Bandhigan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Tarsan, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Gabeyre, dad ajaaniib ah, maal-gashatayaal iyo ganacsato Soomaaliyeed. Maamulka shirkadda dhul iyo guri Real Estate Ltd, Maxamed Cabdi Marteello oo ugu horreyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in dhismaha Jazeera Estate uu yahay mashruuc cusub oo ka faa'iideysan doonaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed ay maal-gashan karaan, isla markaana mashruucan uu u furan yahay cid kasta. “Waa arrin u furan cid walba inay iska diiwaangeliso inay dhismayaasha ku sameysato maal-gashi,” ayuu yiri Marteello oo sheegay in qof walba uu ka heli doono wuxuu uu daneynayo. Sidoo kale, Mateello wuxuu sheegay in mashruucan uu billaaban doono labo bil gudahood, isagoo xusay in dhismayaasha ay ka mid noqon doonaan kuwo hoteello ah, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay iibsan karaan ayna kiro ku degi karaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cambuulo iyo bun Posted July 11, 2013 DHISMAYAAL ISKU DHAF AH DEEGAAN & GANACSI MIXED USE RESIDENTIAL & COMMERCIAL Jazeera Estate waa xaafad cusub, casri ah, iskeed u taagan, amnigeedu sugan yahay, 3km oo keliya u jirta garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusman, Muqdisho. Jazeera Estate wuxuu ka kooban yahay guryo la dego, goobo lagu ganacsado, kuwo lagu cibaadeysto iyo kuwo lagu nasto oo bilic iyo tayo heer sare leh. Jazeera Estate waxaa ku dhameystiran dhammaan adeegyada guud ee nolosha sida biyo nadiif ah, koronto joogto ah, teleefoon & internet, iwm. Jazeera Estate waa xaafaddii ugu horreysay Soomaaliya oo leh nidaam iyo maamul u gaar ah oo si joogto ah uga shaqeeya sugista amniga, maareynta goobaha danta guud sida masaajidyada, waddooyinka, goobaha carruurtu ku ciyaarto, xaddiiqadaha lagu nasto, bilicda iyo nadaafadda guud ee xaafadda sida qaadista qashinka, nadiifinta goobaha danta guud, dhireynta iyo wada noolaanshaha. http://www.jazeeraestate.com/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cambuulo iyo bun Posted July 11, 2013 I will defintely buy a villa therem Jazeera is the place to be in the future!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mad_Mullah Posted July 11, 2013 What other projects have they done before? A lot of people are claiming that they will build villas in Mogadishu. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cambuulo iyo bun Posted July 11, 2013 Mad_Mullah;967993 wrote: What other projects have they done before?. Their latest project i know of was the oriental hotel . A lot of people are claiming that they will build villas in Mogadishu The construction is starting in August Inshallah so its not just ''claims'' its both foreigners and somalis who are investing in this project. Lots of stuff happening in the city cant wait till the next 5-10 years Quote Share this post Link to post Share on other sites