wyre Posted July 7, 2013 Hada ka hor nin reer miyi ah oo waligiis arkin meel dad lagu duugaayo ayaa yimid magaalo kadib waxaa dhintay nin qaraabada ah waxaa dhacday inuu meydki wax ka raaco kadib intaan qabriga la galin ayaa sheekh muxadaro qabtay waxuu dhahay sheekhi meeshaas ayaa na sugeysa ee aan alle ka baqno ninki reer miyiga ahaa intuu soo booday ayuu yiri mahaana haa ayaa la yiri hadana wuxuu yiri hulkaanaa haa ayaa la yiri Kuye : an uma soo socdo huuraanba kula jiri karin :D Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted July 7, 2013 Hadda ka hor ayaa oday la oran jiray TOOXOOW wuxuu tagay meel muxaadaro diinta ah lagu hayo. muxaadaradu waxay ku saabsanayd maalinta YOOMAL_QIYAAMO iyo sida Gaalada loo cadaabayo maalintaas. Tooxoow markii uu muxaadaradii soo dhamaystay oo uu gurigiisa u soo socdo ayaa waxaa jidka kaga hor yimid nin saaxiibkiis ah oo la yiraahdo Dhabareey waxaaana dhex martay sheekadan: Dhabareey: Ar Tooxoow ahaa….. xaa la sheegay beriga. Tooxoow: nabadi ma jirto beriga Dhabareey: Saay wax u juraan? Tooxoow: meel inta ah oo la isku wacdaayo aan tagay Yoomul-qiyaamo aa beriga oo dhan laga warramaayay Dhabareey: Haye. Tooxoow: Haye xay tahay?…. Naarta waxa laga sheegaayo manaad maqli laheyd haba tegin aa ku qabaheeso. Dhabareey: Ya qiyaamaha ma isbaaradii afgooye taal aad u qabtaa oo loo gambaaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted July 7, 2013 Maah Maah reer xamar Roor roorki ribaxi mudeysi hadaas ragaat ku dhaway ka reeso bal macneeya Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted July 7, 2013 Naf daallina bay rabaan Inaan dulmigeedu qaban Dawgii noloshay rabaan Inay shar ku daydayaan Xumaan qof ku daalayaa Wanaag damaciis hayaa dammiinka halkii ahayd Siday uga soo durkeen Miyay dib u soo noqdeen Siday u duleed-baxeen Ayay u dabayshadeen Waxay dumiyeen Runtii Waxay u dumeen Runtii Markay dumiyeen Runtii Nin daacad hoggeeda qoday Miyuu ka danbaynayaa. Intuu bahalaa dugsado Intuu Dubur hawd ka xulo Ayuu qofku doonayaa Dugaaggu inaanu cunin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted July 7, 2013 Waa mid lasoo xaday Berri dhexdaa ah ayaa waxaa magaalada Hargeisa ka dhacday sheeko gaaban oo qosol leh kana tarjumaysa xaqiiqda jirta; sheekadu waxay ku saabsan tahay Seminaradan dadkii lagu jahowareeriyay ee aan waxba ka soo bixin: Goobtu waa Maansoor Hotel, Seminarku waa saddex cisho, waxaa laga hadalayaa Juvenile Justice, waxaa la casuumay odayaal badan oo madax dhaqameed iyo odayaal kaleba isugu jira, seminarka waxaa daadihinaysa gabadh si fiican loogu tababaray child rights iyo waliba sida loo abaabulo seminarada, seminarku waa full time oo waa min 8:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo, maalintii kowaad goor ay casar dhaaftay ayay gadbdhii seminarka waday suaal waydiisay odayaashii mid ka mid ah oo waxay ku tidhi adeer maxaad seminarkii maanta ka fahantay, intuu kor u eegay ayuu ugu jawaabay adeer in aan wax ka fahmo umabaan iman meesha ee miyaan la gaadhin afartii oo isfahamkii yaraa la bixneyn calashaan (20 USD per day per person) Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted July 7, 2013 Nin reer Xamar ah ayaa qolo waraysatay waxay weydiiyaanba wuxuu ugu jawaabaa waa aqaanaa, markii dambe ayuu mid la soo booday oo yidhi tafsiirka ma taqaan, haa si fiican ayuu ugu jawaabay, kadibna ninkii ayaa ku yidhi faataxada macnee, isna wuxuu ku bilaabay bisinkii waxaanu yidhi sidan: Bismilaahi: Magac eebe waaye Alraxmaani: isaga lee waaye Alraxiimi: laftirkiisa waaye Inta ay dhamaantood qosol la daateen ay ku yidhaahdeen wax kasta waad taqaan ee hore u soco. Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted July 7, 2013 They say this pic is In somalia Is that true??? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alpha Blondy Posted July 7, 2013 Ramadan is no laughing matter. PLEASE delete this thread immediately. i'm SHOCKED. SubhanAllah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cambuulo iyo bun Posted July 7, 2013 wyre;967274 wrote: hadda ka hor ayaa oday la oran jiray tooxoow wuxuu tagay meel muxaadaro diinta ah lagu hayo. Muxaadaradu waxay ku saabsanayd maalinta yoomal_qiyaamo iyo sida gaalada loo cadaabayo maalintaas. Tooxoow markii uu muxaadaradii soo dhamaystay oo uu gurigiisa u soo socdo ayaa waxaa jidka kaga hor yimid nin saaxiibkiis ah oo la yiraahdo dhabareey waxaaana dhex martay sheekadan: Dhabareey: Ar tooxoow ahaa….. Xaa la sheegay beriga. Tooxoow: Nabadi ma jirto beriga dhabareey: Saay wax u juraan? Tooxoow: Meel inta ah oo la isku wacdaayo aan tagay yoomul-qiyaamo aa beriga oo dhan laga warramaayay dhabareey: Haye. Tooxoow: Haye xay tahay?…. Naarta waxa laga sheegaayo manaad maqli laheyd haba tegin aa ku qabaheeso. Dhabareey: Ya qiyaamaha ma isbaaradii afgooye taal aad u qabtaa oo loo gambaaye Lmaaaooooo :D Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted July 7, 2013 Nin Sarkhaan Ahaa Ayaa Malin Maqlay Wiil uu Dhalay oo Suliga Ka heesaya - Dalacal Badru Calynaa - Ayuu qaadayay Ilaa uu Ka so Baxayay Suuliga , Odaygi Marku arkay Inuu Wiilki Suliga Ka soo Baxay Ayaa intu Dhirbaaxo Qaday Dhag Iyo Dhaban Furay ...... Islantii Reerka oo Meesha Ka dhawayd Ayaa Ku tidhi Ninkii war Wiilka maxad ku Dhirbaaxday Markaasu Si Dag-dag ah ugu Celiyay Quraan Ayuu Suliga dhexdiisa Ku akhrinayay .... Inanki oo Halkan Foorar Garan La,na wax Abihii ku dhirbaaxaya ayaa Marku Maqlay Hadalkii abihii Yidhi Intu Soo Kacay Aabo Quraan Maan Akhriyayn Nashiido ayay Ahayd . Odaygii intu Dhulkii Isku Tuuray waaka oohin Qabsaday -xaaskiisa oo Garan la' waxa ku Dhacay Ayaa Hadana ku celisay war Maxaad La ooyaysaa Wuxuu Ugu Jawaabay :- Waxan la ooyaya Sodon Sanno Ayaan Ku Tukanayay oo aan Quraan U haystay Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted July 7, 2013 Alpha Blondy;967320 wrote: Ramadan is no laughing matter. PLEASE delete this thread immediately. i'm SHOCKED. SubhanAllah. Adigu sawirkaa kore ii sheeg waa halkee?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted July 8, 2013 wyre;967322 wrote: Nin Sarkhaan Ahaa Ayaa Malin Maqlay Wiil uu Dhalay oo Suliga Ka heesaya - Dalacal Badru Calynaa - Ayuu qaadayay Ilaa uu Ka so Baxayay Suuliga , Odaygi Marku arkay Inuu Wiilki Suliga Ka soo Baxay Ayaa intu Dhirbaaxo Qaday Dhag Iyo Dhaban Furay ...... Islantii Reerka oo Meesha Ka dhawayd Ayaa Ku tidhi Ninkii war Wiilka maxad ku Dhirbaaxday Markaasu Si Dag-dag ah ugu Celiyay Quraan Ayuu Suliga dhexdiisa Ku akhrinayay .... Inanki oo Halkan Foorar Garan La,na wax Abihii ku dhirbaaxaya ayaa Marku Maqlay Hadalkii abihii Yidhi Intu Soo Kacay Aabo Quraan Maan Akhriyayn Nashiido ayay Ahayd . Odaygii intu Dhulkii Isku Tuuray waaka oohin Qabsaday -xaaskiisa oo Garan la' waxa ku Dhacay Ayaa Hadana ku celisay war Maxaad La ooyaysaa Wuxuu Ugu Jawaabay :- Waxan la ooyaya Sodon Sanno Ayaan Ku Tukanayay oo aan Quraan U haystay lol niyow is it Ramadan tomorrow? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maqane Posted July 8, 2013 Waan ku salaamay wyre Ramadaan wacan oo wanaagsan Quote Share this post Link to post Share on other sites