Dr_Osman Posted July 7, 2013 Madaxda Dowlada Federaalka oo ka qeybgalay Salaadii Janaasada ee Boqor Cabdullahi Boqor Muse (Sawirro) | on July 7, 2013 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeybgalay salaadii Janaasada ee Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muuse oo maanta lagu tukadey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Cadde. Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muse ayaa maanta meydkiisa la soo marsiiyey Muqdisho iyadoo salaadda ka dib loo qaaday magaalada Qardho oo lagu aasi doono meydka marxuumka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa yiri “ Geeridu waa xaq, waxaana EEBBE uga baryayaa eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan Soomalida inuu samir iyo IIMAAN naga wada siiyo geeridii marxuum Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King-Kong) oo si weyn looga yaqaanno Soomaaliya, isla markaana mas’uuliyad Qaran ka soo qabtay dalka. Marxuumka waxaa lagu yaqaanaa shaqsi nabaddeed. Boqorka waxuu siyaasadda ka sakow ka mid ahaa madax dhaqameedka Soomaaliyeed, waxaan EEBBE uga baryeynaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, annagana samir iyo IIMAAN naga wada siiyo.” Madaxweynaha ayaa marwada marxuumka, carruurtiisa iyo eheladdaba gacan qaaday una tacsiyeeyey. Munaasabaddan salaadda Jinaasadda waxaa kaloo goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wasiiro, xildhibaanno, siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo bulshoweynta Soomaaliyeed. Horseed Media News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites