Sign in to follow this  
Dr_Osman

Mogadishu - 33rd King Of Somalia Recieves A National Tribute. The Passing Of A Somali Hero. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Madaxda Dowlada Federaalka oo ka qeybgalay Salaadii Janaasada ee Boqor Cabdullahi Boqor Muse (Sawirro)

| on July 7, 2013

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeybgalay salaadii Janaasada ee Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muuse oo maanta lagu tukadey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Cadde.

 

Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muse ayaa maanta meydkiisa la soo marsiiyey Muqdisho iyadoo salaadda ka dib loo qaaday magaalada Qardho oo lagu aasi doono meydka marxuumka

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa yiri “ Geeridu waa xaq, waxaana EEBBE uga baryayaa eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan Soomalida inuu samir iyo IIMAAN naga wada siiyo geeridii marxuum Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King-Kong) oo si weyn looga yaqaanno Soomaaliya, isla markaana mas’uuliyad Qaran ka soo qabtay dalka. Marxuumka waxaa lagu yaqaanaa shaqsi nabaddeed. Boqorka waxuu siyaasadda ka sakow ka mid ahaa madax dhaqameedka Soomaaliyeed, waxaan EEBBE uga baryeynaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, annagana samir iyo IIMAAN naga wada siiyo.”

 

Madaxweynaha ayaa marwada marxuumka, carruurtiisa iyo eheladdaba gacan qaaday una tacsiyeeyey.

 

Munaasabaddan salaadda Jinaasadda waxaa kaloo goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wasiiro, xildhibaanno, siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo bulshoweynta Soomaaliyeed.

 

Horseed Media

News Desk

 

IMG_4747.jpg

IMG_4745.jpg

IMG_4744.jpg

IMG_4726.jpg

IMG_4695.jpg

IMG_4707.jpg

IMG_4712.jpg

IMG_4715.jpg

IMG_4690.jpg

IMG_4671.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this