Sign in to follow this  
malistar2012

Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo Sheegtay inay soo Nooleynayan 22 ka dib Ganacsigii uu d

Recommended Posts

Rugta ganacsiga soomaaliya ayaa sheegtay inay soo noleyneyso 22 ka dib ganacsigii ay soomaaliya la lahaan jirtay caalamka,xili ay maanta rugta ganacsiga ay u dabaal dagtay sanad guuradii 1 aad ee asaaskeda oo maanta ka dhacday madaalada muqdiosho

 

Munaasabadaan balaaran ee loogu dabaal dagayay Sanad guuradii 1aad ee aasaaska rugta ganacsiga soomaaliya ayaa waxaa ka qeb galay dhamaan shirkadiha ku midoobay rugtaasi marti sharaf quba jog iyo aqoonyahanno ayaa ka dhacday xafiiska rugta ganacsiga ay ku leedahay magaalada muqdisho.

 

Agaasimaha guud ee rugta ganacsiga soomaaliya Cabdi Abshir oo gobtaasi warbixin dheer ka aqriyay ayaa tilmaamay in rugta ganacsiga soomaaliya ay ku guulesatay in ay abuurto xarun loogu soo hirta ganacsiga soomaaliya hadii ay ahaan lahayd mid iib geeyn iyo maalgashi intaba waxuna intaasi ku daray inay soo noleysay rugta hishiisyo muhiim ah oo ay wadamo badan la yeesheen soomaaliya xiriir ganacsi oo dhaw 22 kadib.

 

Gudoomiyaha rugta ganacsiga soomaaliya C/ kariim Gabeyre oo gaba gabdii munaasabadasi hadal ka jeediayay ayaa *****lka ka qaday in rugta ganacsiga soomaaliya sanadkii ay shaqeyneysay ay guulo la taaban karo ka gaartay horumarinta ganacsiga soomaaliya.

 

Xiliyo kala duwan ayuu soo maray ganacsiga iyo ganacsatada soomaaliya dowladii dhexe ee soomaaliya markii ay meesha ka baxday wax ganacsiga soomaliya uu galay marxalad adag balse ganacsatada soomaaliyeed wey u dhabar adegeen horumarinta ganacsiga soomaaliya.

 

Ruugta ganacsiga soomaaliya ayaa waxa la aasasay bishii maarso ee sanadii 2012 .

Share this post


Link to post
Share on other sites

rugta_ganacsiga_13.jpg

 

 

 

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyed ayaa maanta u dabaal degtay sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay, iyadoo munaasabad lagu soo bandhigayay waqabadka mudadii sanadka aheyd ay ka dhacday xarunta Rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyed.

 

Munaasabadan oo ay ka qeyb galeen, Ganacsato caan ka ah dalka, aqoonyahano, shirkadaha ganacsiga dalka, iyo Mas'uuliyiinta rugta ganacsiga, waxaana xubnihii ka hadlay ay soo dhoweeyeen waxqabadka mudada sanadka ah ee ay ku tallaabsatay.

 

Rugta Ganacsiga ayaa mudadii sanadka aheyd abuurtay xiriiro caalami ah, iyadoo ay dib ula soo noqotay xubinimadeedii Rugaha Ganacsiga Caalamka, isla markaana heshiisyo caalami ah la soo gashay Rugaha Ganacsiga dalalka deriska iyo kuwa caalamka.

 

Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyed Cabdi Abshir Dhoore ayaa ugu horeyn ka warbixiyay mudadii sanadka aheyd ee rugta waxyaabihii u qabsoomay, isagoo sheegay inay abuurtay xarun loogu soo hirto ganacsiga Soomaaliyed, hadii ay ahaan laheyd mid iib geyn iyo maalgashi intaba.

 

Cabdi Abshir Dhoore ayaa sheegay inay soo nooleeyeen xiriirkii caalamiga ee dibada, isla markaana ay heshiisyo la soo galeen shirkado ganacsi.

 

Dadkii ka hadlay munaasabada oo talooyin iyo fikrado ka dhiibtay waxqabadka iyo waxyaabaha loo baahan yahay ayaa waxaa ka mid ahaa Ganacsadaha caanka ah Xuseen Goley, Cabdirashiid Ilqeyte iyo kuwa kale, kuwaasoo soo dhoweeyay waxqabadkii Rugta Ganacsiga, iyagoo soo jeediyay in la bixiyo deymaha lagu leeyahay Rugta Ganacsiga.

 

Sidoo kale Caasha Shaacuur Ugaas oo madax u ah Qeybta Farshaxanka iyo Dalxiiska ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyed ayaa soo jeedisay in Haweenka Soomaaliyed fursado laga siiyo, isla markaana xustay in haweenka kaalin lixaad leh ay ka soo qaadato horumarinta Ganacsiga dalka.

 

Prof. Mahad Alle oo ka mid ahaa aqoonyahanadii lagu casuumay munaasabada ayaa sheegay in dhowaan uu ku dhawaaqay shirkad ganacsi, isla markaana diyaar u yahay inuu xubin ka noqdo Rugta Ganacsiga Soomaaliyed sanadka soo socda.

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyed C/kariim Maxamuud Gabeyre oo gaba gabadii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in mudadii sanadka aheyd ay shaqeynayeen ay guulo la taaban karo gudaha iyo dibada ka gaareen, isagoo cadeeyay in muuhimad gaar ah ay siinayaan Ganacsiga dalka iyo maalgashi loogu sameyn lahaa.

 

Mr Gabeyre ayaa sheegay in rugta mudadii sanadka aheyd ay sameysay in Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya markii u horeysay laga dhoofiyo xoolo, isla markaana Maxjarkii xoolaha la dar dar geliyo, waxaana uu tilmaamay in meesha kaliya ee xoolaha laga dhoofin jiray ay aheyd dekedaha Boosaaso iyo Ber Bera.

 

Waxaa uu sheegay in Rugta Ganacsiga ay dib ula soo noqotay xubinimadeedii rugaha ganacsi caalamka, isagoo tibaaxay in wax weyn ay ka qabteen xiriirka arrimaha dibada ee dhinaca Ganacsiga, waxaana uu soo dhoweeyay in dalka maal gashi lagu sameeyo.

 

Ganacsiga Soomaaliyed ayaa xilliyo kala duwan soo maray, iyadoo mudadii bur burka dalka ku jiray, ay Ganacsatadu si aad ah ugu dhabar adeegeen horumarinta Ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

rugta_ganacsiga_14.jpg

 

 

 

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyed C/kariim Maxamuud Gabeyre oo gaba gabadii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in mudadii sanadka aheyd ay shaqeynayeen ay guulo la taaban karo gudaha iyo dibada ka gaareen,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this