Dr_Osman Posted July 3, 2013 Madaxweynaha Puntland oo ku soo laabtay Garowe 3 Jul 3, 2013 - 3:44:20 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 03 July,2013 dib ugu soo noqday caasimada Puntland ee Garowe ka dib safaro uu dalka dibadiisa uga maqnaa muddo bil ah. Garoonka diyaaradaha Garowe ayaa waxa ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiiro ,xildhibaano ,saraakiisha kala duwan ee ciidanka ,qunsuliyada Ethiopia ,ururada dhalinyrada ,haweenka iyo ardayda iskuulada. Wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdulaahi Axmed Ilkajiir ,saraakiisha madaxtoyada iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa wehelinayay madaxweyanaha. Aqalka Madaxtoyada ayuu saxaafada kula hadlay Dr.Farole oo sheegay inay la kulmeen intii ay maqnaayeen masuuliyiin kala duwan dalalka Somalia, Kenya ,Australia ,Britain ,USA UAE iyo ururada AU ,EU iyo IGAD. Doorashooyinka Puntland ee la filayo bartamaha bishan July iyo banaanbaxyada ay wadaan ururada siyaasadu ayuu rajo wanaagsan ka muujiyay madaxweynuhu inay guul ku soo dhamaadaan. Dhanka Jubaland ayuu ka hadlay sidoo kale Farole oo sheegay in dagaaladii ka dhacay dhowaan gacanta ka danbaysay laga wada warhayo isagoona amaanay doorka ciidanka AMISOM ee ku sugan Kismayo. ''Amaan ayaanu u soo jeedinaynaa ciidanka AMISOM ee Kismayo ka shaqeeyaa, nin laga adkaaday cidna dhagaysan mayso hadalkiisa'' Ayuu yiri. Baaq ayuu u diray dalalka iyo hayadaha caalamiga oo ku aadan xaalada nololeed ee dadka ku dhaqan Kismayo ka dib dagaalo ka dhacay todobaadkii tagay oo iskugu jira mid caafimaad iyo quudin ama nafaqayn. ''Dadka reer Puntland ayaan ugu baaqayaa nabadgelyo iyo midnimo ,ciidanka amaanka aad ayaan ugu amaanayaa sida ay u shaqeynayaan'' ayuu raacshay hadalkiisa. Ugu danbeyntii dadweynaha Puntland waxa uu tacsi mar labaad ka diray geeridi Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse oo dhowaan lagu aasi doono degmada Qardho ee gobolka Karkaar. Halkan ka dhageyso khudbada Madaxweynaha Puntland uu jeedshay http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_Puntland_oo_ku_soo_laabtay_Garowe666.shtml Quote Share this post Link to post Share on other sites