Dr_Osman Posted July 2, 2013 Wafdi ka socda Dowlad Degaanka Soomaalida ee Itoobiya oo si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe [sawiro] Waxaa galabta magalada Garowe xarunta Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed soo gaaray wafdi iskugu jira wasiiro iyo isimo oo ka yimi dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya. Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayay wasiirka tababarada iyo xiriirka dawlad deegaanka Somaalida Ethiopia Faatax Maxamed, waxana duleedka koonfureed ee magalada Garowe si wayn ugu soo dhaweeyay mamulka Gobalka,wasiiro,Odayaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada,waxayna dadka soo dhawaynta ka qayb galay ay siteen calanka dowlad deegaanka iyo kan Puntland. Ujeedka socdaalka masuuliyiintaan ayaa lagu sheegay inay tahay ka qayb galka Aaska magalada Qardho loogu samaynayo allaha u naxariistee Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse oo todobaaadkii hore ku geeriyooday dalka Finland. Wasiirka Tababarada Faatax Maxamed oo warbaahinta la hadlayay ayaa marka hore ka mahad celiyay habka wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magalada Garowe,wuxuna sheegay inay kulamo kala duwan la qaadan doonan mamulka xukumada iyo shacabka Puntland. Wafdigaan Dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya ka yimi,masuuliyiin ka imaan doonto dowlada dhexe ee Somaliya iyo madaxda Puntland ayaa la sheegay inay ka qayb noqon doonan Aaska Boqor Cabdilaahi oo la sheegay maalmaha soo socda in lagu aasayo magalada Qardho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted July 2, 2013 Kulan dhexmaray Puntland & Wafdiga DDS Ethiopia 2 Jul 2, 2013 - 1:09:57 AM GAROWE ONLINE Xarunta madaxtoyada Garowe ayaa maanta 02 July,2013 waxa kulan uu ku dhexmaray masuuliyiinta Puntland iyo wafdi ka socday dowlad degaanka Somali Ethiopia oo shalay soo gaaray. Wafdigan ayaa waxa hogaaminayay wasiirka tababarada iyo xirfadaha ee DDS Ethiopia Maxamed Faatix Maxamed oo ay wehelinayeen wasiir xigeenka kobcinta awooda shaqaalaha Qalbi Axmed Jaamac iyo salaadiinta dhaqanka ee deegaankasi oo kala ahaa Ugaas Khadar Axmad ,Suldaan Cabdiraxman Bade iyo Garaad Cabdimaalik Cismaan. Shirka ayaa qayb waxa ka ahaa wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo masuuliyiinta dowladda ,waxana Gen.Cabdisamad Cali Shire uu ku soo dhoweeyay Puntland wafdigan markii ugu horeysay noociisa oo kale yimadaan. Xoojinta xiriirka labada dhinac ka dib heshiiskii Jigjiga labada madaxweyne ku galeen sanadki horey ayuu ka hadlay ,waxana sidoo kale xusay inay iswaydaarsan doonaan khibradaha shaqo iyo maamulba. Dhankiisa ayaa Faatax uu tilmaamay in Garowe iyo Jigjiga ay deganyihiin dad isku mid balse duruufuhu kala fogeeyeen ,isagoona muujiyay farxadiisa ku aadan imaatinka Puntland iyo ka qaybgalka aaska qaran ee AHN boqorka. Waxa uu tibaaxay inay xiriir wanaagsan la leeyihiin Puntland islamarkaasina doonayaan sidii loogu sii horumarin lahaa gaar ahaan dhinacyada dhaqaale iyo maamulba. Wasaarada Waxbarashada Puntland xarumo ay ka mid tahay ayay wafdigani booqdeen ,waxana ay dhankodoa la yeelanayaan hogaanka dhaqanka kulamo kala duwan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted July 2, 2013 33rd King of Somalia? I did not know Somalia had a king lol :confused: Alle ha u naxariisto marxuunka. Amiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted July 2, 2013 may the King rest in peace Quote Share this post Link to post Share on other sites